Walaal, ku soo dhowow koorsadan la yiraahdo: Ilaahay Dadka Wuu Jecel Yahay
Bishaaro khayr!
“Kanu waa kitaabkii abtirsiinyada Ciise Masiix, ina Daa’uud, ina Ibraahim” (Matayos 1:1). Tanu waa aayadda ugu horraysa Injiilka oo dhan. Injiilku wuxuu ka bilowdaa war wanaagsan oo sheegaya inuu dhashay Masiixii Ilaah ballanqaaday inuu dunida soo dirayo!
Eray kale oo la mid ah waa “bishaaro khayr”, af Carabigana waxaa lagu yiraahdaa “Injiil”. Koorsadan waxaynu ku isticmaalaynaa erayga Carabiga ah oo aad taqaanid – Injiil – kaasoo aynu ula jeedno Axdiga Cusub qaybtiisa sheegaysa waxyaalihii uu Ciise Masiix yiri iyo waxyaalihii uu sameeyey, markuu dunidan joogay.
Xusuuso: Kitaabka Quduuska ahu waa laba qaybood.
Qaybta kowaad waxaa la yiraahdaa Axdigii Hore. Axdigii Hore waxaa ku jira waxbariddii iyo waxyigii ku soo waxayooday nebiyo badan oo ay ka mid yihiin nebi Muuse iyo nebi Daa’uud. Tawreedda iyo Sabuurraduba waxay ku jiraan Axdigii Hore ah.
Qaybta labaad oo Kitaabka Quduuska ah waxaa la yiraahdaa Axdiga Cusub. Axdiga Cusubu wuxuu ka bilowdaa Injiilka. Injiilkuna waxaa ku xiga kitaabka la yiraahdo Falimaha Rasuullada. Kitaabkaas waxaa ku qoran erayadii iyo ficilladii ay sameeyeen Masiixiyiintii hore ee qarnigii kowaad. Axdiga Cusub intiisa kale waxay u badan tahay waxbarid iyo tacliin ku saabsan Ciise Masiix.
Sidaas si la mid ah, ayaa xertii Ciise Masiix afar ka mid ah oo la aammini karo, waxay qoreen oo kutubtii ku kaydiyeen waxbariddii iyo mucjisooyinkii uu sameeyey Ciise Masiix. Afartaas nin oo xertii Ciise Masiix ahaa waxaa hoggaamiyey oo ku hanuuniyey, si ay wax run ah u qoraan Ruuxa Quduuska ah (bal akhri 2 Butros 1:20-21). Qorayaashaas magacyadoodii waxaa wata oo loogu yeeraa kutubtii ay qoreen. Afartaas nin waxay kala ahaayeen:
- Matayos: oo ahaan jiray canshuurqaade
- Markos: oo ahaa qore dhallinyaro ah wuxuu qoray wixii uu rasuul Butros ka maqlay
- Luukos: oo ahaa dhakhtar
- Yooxanaa: oo ahaa kalluumayste
Markii aynu ka hadlayno afartaas kitaab midkood, waxaynu ku magacawnaa qorihii aamminka ahaa oo kitaabkaas qoray. Laakiin markii aynu ka hadlayno afartoodaba waxaynu ku magacawnaa “Injiil”.
Koorsadan inteeda badan waxaynu ku baran doonna erayadii iyo ficilladii Ciise Masiix, kuwaas oo Ruuxa Quduuska ahu ku hanuuniyey Yooxanaa inuu dadkeenna maanta jooga kitaab ugu qoro.
Si fiican u akhri qaybta Injiilka lagaaga tilmaamay oo ku qoran cashar kasta bilowgiisa. Injiilka qaybtiisa aad akhrin doontid sidan buu u qoran yahay:
Yooxanaa 1:1-5
Yooxanaa: Macneheedu waxaa weeye magaca kitaabka Injiilka ah.
1: Macneheedu waxaa weeye cutubka kowaad ee kitaabka.
1-5: Tanna macneheedu waxaa weeye aayadda 1aad ilaa aayadda 5aad ee cutubka.Sidaas daraaddeed, Yooxanaa 1:1-5 macneheedu waxaa weeye kitaabka Yooxanaa, cutubkiisa kowaad, aayadahiisa kowaad ilaa shanaad.
