Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Jidkii Nabaddoonka

Qiso-Nololeedkaygii anigoo Ergay Nabadeed ka ah Adduunka Islaamka Dhexdiisa

Jidkii%20Nabaddoonka%20cover%20v2

Axmed Cali Xayle

Sidii uu David W. Shenk ka weriyey

Magaca “Axmed” waxay isku macne yihiin “Maxamed”. Waalidkayga ayaa “Axmed” ii bixiyey iyagoo nebiga Islaamka ku tixgelinaya. Axmed wuxuu kaloo la micne yahay qof sharaf u qalma. Ku dhowaad 50 sanno ka hor ayaa Ilaahay i sharfay Isagoo iigu yeedhaya inaan ergo uga noqdo nabadda Masiixa dadka Muslimiinta dhexdooda, gaar ahaan wuxuu ii xilsaaray dadka Soomaaliyeed.

"1991-kii ayaa Axmed Cali Xayle dib ugu laabtay qaskii waddankiisii Soomaaliya ka jirey, isagoo ujeeddadiisa dhabta ahi ahayd inuu isku dayo inuu qabiilladii dagaalku ka dhex jirey wada fadhiisiyo si ay iyagu u wada raadiyaan siyaalo cusub oo ay ku wada nabdi karaan—badanaa iyagoo isla shaahaya. Madfacii uu isaga ku soo tuuray mid aan arrintan raalli ka ahayn ayuu lugihiisii mid ku waayey, oo xataa mar buu tan aawadeed dhimasho ku dhowaadey. Tani waxay markii dambe keentay in sharaftiisii oday nabadeednimo ay sii korodho. Hadduu isagu caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho joogo, ama uu Soomaalida ku nool Kiinya, Yurub, iyo Maraykanka dhex joogo, Xayle mar kastaba wuxuu ergey aad daalin u ahaa nabadda Masiixa. Qiso nololeedkan xiisaha badan ee ku saabsan u-yeedhiddiisii iyo isbeddelkiisii ayuu Axmed inoogu sheegayaa waxa uu yahay macnaha socdaalkiisii nolosha ee adduunka Islaamka dhexdiisa.”