Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qasiidooyin Qadiimi ah

Waa 4 qasiido oo la qoray jameeco yar ee Masiixiyiinta oo Jigjiga deggan sannadaha 1930-kii. Kuwan waxaa la duubay Itoobiya sannadkii 2002. Habka waa kaban iyo hal cod keliya.

1. Aan Nafteenna Bixinno

1. Aan Nafteenna Bixinno

Bixin la’aan aad u hubso
Wax na wax kugu ma filla.

1. Bixintaada u shaqayso,
Waa hawl yar tahay haddaad doonto,
Oo damac kale ha lahaan,
Duunyo waa daleel bixin la'aan.

2. Naftaada haddaad lumiso,
Waad lumin dhaxalka lillaahyaha,
Oo halkii raaxada janno,
Waxaad qayb u heli cadaabta.

3. Haddaad lumiso naftaada,
Maxay tari duuni helinteed,
Haddaad cadaabta gunteeda,
Ku gubato daayim ololkeed.

4. Waxba yaan la doonin halka,
Nolosha daayimis ah ma ahee,
Inta harayba waa in yar,
Hadal tiro ceeb iyo weli.

5. Daayimis odhan dhammaanteen,
Waynu silcis ama raaxaysan,
Intee baynu runtaan horteed,
Fududaysanna adduunyoo dhan.

6. Intaannu nool nahay Rabbow,
Ha nagu dhigto, runta tani,
Oo in aannu is-bixinno,
Dhib kasta ha ahaatee, na sii.

2. Ka Farxa Qaynuunka Rabbiga

3. Kristaan Baan Ahay

1. Kiristan baan ahay, waa ammaantay,
Sugniintay, iyo itaalkay,
Oo hecstay, jeceyl iyo adkaan,
Kiristan baan ahay, Kinstan baan ahay.

2. Kiristan baan ahay, maydhashada,
Naftay aaminta ku digtay,
Dabaac Ilaah baa i suuntay,
Oo karaamad ayaan helay.

3. Kiristan baan ahay, Eebbaa i leh.
Waan jeclahay oo caabudaa.
Caawinta karaamadiisa
Waan ku noolaan oon ku dhiman.

4. Kiristan baan ahay, iyo walaalka,
Ciise Kristoos Bixiye yahay,
Inaan jeclaado oo raaco,
Ayaa ammaantayda ahan.

5. Kiristan baan ahay, qalbigayga yimid
Ilaaha jeceylka
Oo kan jannadu la yaabto
Yaan dooni inuu soo galo.

6. Kiniisadda Kiristankay,
Carruurtaada ayaan noqday.
Jeceyl iyo dhega nuglaan,
Barnintaada ayaan baran

7. Kiristan baan ahay, geesinnimaan aamiintay
Wax kaga celin.
Qalbigayga gali mayso
Baqdin iyo fuleynnimo.

4. Qalbiga san ee Ciise

1. Qalbiga Ciise ugu macaan,
Kan dadka aad u jecel,
Naftay cibaadaad kuga heesi,
Heesaheeda faraxsan.

2. Israa'eel iyo naf oo dhan,
Baa dunida cidlaato,
Ha ku barakadaysno,
Qalbiga Ciise ee san.

3. Qalbiga ugu jecelweynow!
Ee dembile u dhintow,
Warankii adi ka mudbaxay
Dembigey ayuu ahaa.

4. Daloolka geesta qumman Ciisc,
Ayaan kuu soo dhugsii
Kalkay kulayl ama qabowdo,
Halkaas aan isku qarin.

5. Kolka naftay iga hadho,
Oon dunida ka tago
Dhimashadav, Ilaaha sanow
Adaa i leh, baan odhan.