Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Casharka 6aad: Masiixu Wuu Nool Yahay

Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Injiilka:
Yooxanaa 20:1-31
Yooxanaa 21:1-25

Bal hadda casharka akhriso oo si fiican uga jawaab tijaabada. Casharku wuxuu kuu macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Injiilka.

Saddex maalmood ka bacdi, markii Ciise Masiix iskutallaabta ku dhintay oo naftiisa bixiyey ayuu soo noolaaday.

Ciise Masiix wuxuu qabrigii ka soo baxay maalinta toddobaadka ugu horraysa, taasoo ah Axad. Maalintaasna waxaa mar labaad dhacay dhulgariir kale oo weyn. Isla markaasna waxaa qabrigii maydka Ciise Masiix la dhigay ku soo ag degtay oo ka muuqatay malaa’ig xag Ilaah ka timid. Malaa’igtaasu waxay u dhalaalaysay sida qorraxda oo kale. Askartii qabriga dhawraysay oo waardiyaha ka haysay naxdin iyo cabsi bay dhulka kula dhaceen. Dhagaxii weynaa oo qabriga ku awdnaana waa laga giringiriyey.

Masiixii waa soo noolaaday, oo wuxuu dibedda ugu soo baxay qabrigii, isagoo cagihiisa ku soconaya (Matayos 28:2-4). Taasu waxay muujisay in Ciise Masiix dhimashada ka xoog badan yahay kana itaal roon yahay.

Masiixu Wuxuu u Muuqday oo is Tusay Maryan, tii Reer Magdala (Yooxanaa 20:1-18)

Maryan tii reer Magdala waxay ahayd qofkii ugu horreeyey oo arkay Ciise Masiix, markii uu qabriga ka soo baxay. Arrintaasu sidan soo socota bay u dhacday. Maalin Axad ah aroor hore ayaa Maryan tii reer Magdala waxay aadday qabrigii Ciise Masiix lagu aasay. Kutubta Injiilka oo ay qoreen Matayos, Markos iyo Luukos waxaynu ka akhrinnaa in dhowr haween ah oo kale ay qabriga la yimaadeen, iyagoo wata dhir iyo uunsi ay marin rabeen maydka Ciise Masiix, maxaa yeelay, Yuhuudda sidaas baa caado u ahayd. Laakiin markii ay qabrigii yimaadeen, waxay arkeen dhagaxii albaabka ahaa oo qabriga laga giringiriyey, iyo qabrigii oo maran! Haweenkaasu aad bay u yaabeen! Haddiiba dib bay u carareen oo waxay damceen inay xertii Ciise Masiix u soo sheegaan in qabrigii maran yahay. Waxay moodeen in maydkii Ciise Masiix la xaday. Laba nin oo xerta ka mid ahaa oo la kala oran jiray Butros iyo Yooxanaa ayaa qabrigii ku soo orday. Maryan tii reer Magdalana way soo raacday. Nimankii xerta ahaa waxay heleen qabrigii oo maran oo eber u ah sidii haweenku ugu sheegeen. Waxay galeen qabriga gudihiisii oo waxay ku arkeen kafantii maydka Ciise Masiix lagu duudduubay. Waxay arkeen kafantii oo weli qaabkeedii u samaysan eberna ah. Way garan kari waayeen wax alla waxa dhacay oo jirkii maydka ahaa qaatay. Yooxanaa haddiiba wuu iska rumaystay in Ciise Masiix soo noolaaday oo uu dhimashadii ka soo sarakacay. Dabadeedna Butros iyo Yooxanaa way iska tageen oo guryahoodii bay aadeen. Maryan tii reer Magdala oo keliya ayaa qabrigii ku hartay. Waxay iska istaagay qabriga iriddiisii, iyadoo ooyeysa. Waayo, sannad ama laba kahor, ayaa Ciise Masiix Maryan tii reer Magdala ka saaray toddoba jinni (Luukos 8:2). Waa taas aawadeed waxay ay rabtay inay ogaato bal wixii ku dhacay ama qaatay maydkii Ciise Masiix. Iyadoo ooyeysa ayay qabriga gudihiisii fiirisay oo waxay halkaas ku aragtay laba malaa’igood. Malaa’igahaasu waxay ku fadhiyeen meeshii maydka Ciise Masiix awal la dhigay. Malaa’igihii waxay weyddiiyeen, “Maxaa kugu dhacay oo aad la ooyeysaa?” Waxay ka jawaabtay, “Sayidkaygii bay qaadeen, oo weliba ma aan aqaan meel alla meel ay dhigeen.” Laakiin isla markiiba dib bay u soo jeesatay oo waxay aragtay nin gadaasheeda taagan. Ninkiina wuxuu weydiiyey, “Maxaad la ooyeysaa? Yaadse doondoonaysaa?” Waxay u malaysay in ninku yahay shaqaale beerta ka shaqeeya, sidaas daraaddeed, waxay tiri, “Mudanow, haddaad meel kale u fogaysay, ii sheeg meeshaad ku qarisay, anigaa qaadanayee.” Ninkii wuxuu ugu jawaabay hal eray oo qura. Wuxuuna ku yiri, “Maryamay.” Haddiiba waxay garatay in ninku yahay Ciise Masiix qudhiisii. Oo intay haddiiba ku jeesatay, ayay waxay ku dhawaaqday, “Rabbooni!” Taasoo macnaheedu yahay “Macallimow”.) Ciise Masiix wuxuu Maryan u sheegay inay tagto oo xertiisii ugu wargeeyso inuu nool yahay. Dabadeedna wuu ka tegay iyadii. Ayana haddiiba waxay u orodday inay xertii u soo sheegto. Iyadoo aad u faraxsan ayay xertii ku tiri, “Anigu waan arkay Sayidkii!”

Masiixu Haddana Wuxuu is Tusay Xerta Inteedii Kale (1 Korintos 15:3-8)

Inkastoo Ciise Masiix is tusay Maryan tii reer Magdala markii ugu horraysay, xertii kalana wuu is tusay markaas dabadeed. Hal mar wuxuu is tusay 500 oo qof! Muddo 40 maalmood ah oo ka dambaysay markii u soo noolaaday wuxuu dadka is tusay ugu yaraan 11 jeer. Kitaabka Injiilka ee uu Yooxanaa qoray wuxuu nooga warramaa afar jeer oo keliya. Dhowr jeer Ciise Masiix wuxuu cunto la cunay xertiisii. Taas wuxuu u yeelay inuu iyaga u xaqiijiyo inuusan ahayn ruux oo keliya, laakiin qof kaamil ah ayuu ahaa. Masiixii run ahaantii wuu soo noolaaday, oo wuu ka soo sarakacay dhimashadii!

Qisadii Toomas (Yooxanaa 20:24-29)

Nin xerta ka mid ahaa oo magaciisa oo la oran jiray Toomas ayaa rumaysan kari waayey in Ciise Masiix soo noolaaday. Xerta inteeda kale way wada arkeen Ciise Masiix, laakiin Toomas indhaha ma saarin. Xertii kale waxay Toomas ku yiraahdeen, “Annagu waan aragnay Rabbiga!” Laakiin Toomas wuxuu ugu jawaabay, “Inaan gacmaheeda ku taabto meelihii musmaarada looga kaawiyey iyo dhinacii laga wareemay mooyaane, aniga warkiinna rumaysan maayo” (Yooxanaa 20:25). Toomas wuxuu ogaa oo indhihiisa ku arkay inay askartu Ciise Masiix dhinaca ka wareemeen. Wuxuu doonayey inuu arko nabarradii ay askartu ku dhufteen Ciise Masiix, markii uu iskutallaabta dulsaarnaa. Siddeed maalmood ka bacdi ayaa Ciise Masiix mar kale is muujiyey. Toomas iyo xerta inteedii kalaba waxay ku jireen guri albaabadu u xiran yihiin. Waxayna arkeen Ciise Masiix oo iyaga la jooga si lama filan ah. Ciise Masiixna wuxuu yiri, “Nabaddu ha idinla jirto!” Dabadeedna intuu Toomas fiiriyey, ayuu wuxuu ku yiri, “Fartaada halkan saar, oo bal arag gacmahayga; gacantaadana keen oo taabsii dhinacayga. Hana noqon iimaanlaawe laakiinse ahow mid iimaan leh oo wax rumaysan kara” (Yooxanaa 20:27). Toomasna wuxuu yiri, “Adigu waxaad tahay Rabbigay iyo Ilaahay” (Yooxanaa 20:28). Ciise Masiixna wuxuu ku jawaabay, “Ma waxaad ii rumaysay aragtida aad i aragtay aawadeed? Waxaa barakaysan kuwa iyagoo aan i arag rumaystay” (Yooxanaa 20:29). Kutubta taariikhda waxaynu ka akhrinnaa in dhowr sannadood ka bacdi uu Toomas yimid qaaradda Afrika oo dadka ku wacdin jiray warkii wanaagsan ee Ciise Masiix. Markii ugu horraysay wuxuu wacdiyey dalka Masar. Dabadeedna wuxuu u dhoofay oo wacdiyey dalka Hindiya. Toomas wuxuu saas u yeelay, maxaa yeelay, wuxuu aad u hubay in Ciise Masiix soo noolaaday.

Masiixii Wuxuu Dib ugu Noqday Samada

Markii Ciise Masiix qabriga ka soo sarakacay 40 maalmood ka dib ayuu xertiisii oo dhan u kaxaystay buur magaalada Yeruusaalem dibaddeeda ku taal. Oo halkaasna wuu kula dardaarmay, wuxuuna ku yiri, “Adduunka oo dhan taga oo Injiilka ku wacdiya” (Markos 16:15). Dabadeedna intuu gacmihiisii kor u qaaday, ayuu xertii u duceeyey (Luukos 24:50). Markuu erayadaas sagootiga ah kula hadlay xertiisii, ayaa Ciise Masiix samada ku libray. Xertiina yaab iyo amakaag baa ka soo haray. Iyagoo meeshii taagtaagan oo weli samada sii fiirinaya, ayaa waxaa u muuqday laba malaa’igood. Malaa’igtii waxay xertii weyddiiyeen, “War maxaad meesha u taagan tihiin, idinkoo samada fiirinaya? Ciisahan samada ku libdhay oo la idinka qaaday idinkoo arkaya, sidaas aad ugu jeeddaan oo kale ayuu samada uga soo laaban doonaa” (Falimaha Rasuullada 1:11). Ciise Masiix wuxuu ku soo noqon doonaa dunidan, isagoo xaakin ah oo qof kasta xukumaya. Nolosha, dhimashada iyo sarakicidda Ciise Masiix maxaa macnahoodu yahay? Kumanyaal kutub ah ayaa laga qoray su’aashaas. Su’aashaas si buuxda oo kaamil ah ugama jawaabi karno. Laakiinse casharka kan ku xiga oo soo socda ayaa inoo fahansiiya macnayaasha ugu muhiimsan qaarkood. **Aayaddan kor ka xafid.** Yooxanaa 20:29: “Waxaa barakaysan kuwa aan i arag ee rumaystay.”

Tijaabada 6aad: Ilaahay Dadka Wuu Jecel Yahay

Waxaad doorataa jawaabta saxda ah. Saddexda jawaabood mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: