Casharka 7aad: Injiilka Macnihiisa
Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Injiilka:
Yooxanaa 20:30-31
Haddaba si fiican u akhri casharka. Casharkani wuxuu aad u sharraxayaa wixii aad Injiilka ka soo baratay gaar ahaan laga bilaabo casharka kowaad ilaa ka lixaad ee koorsadan. Kaddib kolkaad akhrisatid casharka, oo tijaabada dhammaysid ka jawaab su’aalaha ka dambeeya tijaabada.
Erayga Injiil macnihiisu waa war wanaagsan ama bishaaro khayr. Ciise Masiix war wanaagsan buu jannada inooga keenay. Run ahaantii, Ciise Masiix isaga qudhiisaa ah warkaas wanaagsan oo jannada ka yimid, waxaana loogu bishareeyey dadka adduunka jooga oo dhan meel kasta ha joogeene.
Casharkanu wuxuu ku saabsan yahay dhowr siyaalood oo Ciise Masiix u yahay warka wanaagsan ama bishaaro khayr.
Masiixa iyo Nebiyadii ka Horreeyey
Ciise Masiix waa war wanaagsan, maxaa yeelay, isagu waa Masiixii nebiyadii hore sii sheegeen. Ilaah wuxuu waxyi ugu muujiyey nebi Muuse, nebi Daa’uud iyo nebiyo kalaba waxyaalo badan oo ku saabsan Masiixa (Luukos 24:27). Waxyigii Ilaah ku muujiyey ammuuraha Masiixa ee aynu ka barannay Tawreedda, Sabuurrada iyo kutub kale oo Axdiga Hore ah qaarkood waa kuwan hoos ku qoran.
Xusuuso: Nebiyadii hore waxay sii sheegeen in Masiixu ka imaan doono dadka reer banii- Israa’iil iyo weliba farcanka nebi Daa’uud. Waxay sii sheegeen oo horay loo qoray inuu ku dhalan doono magaalada Beytlaxam iyo weliba in hooyadiis ahaan doonto gabar bikrad ah. Nebiyadu waxay dadka bari jireen in Masiixu ahaan doono nin qumman oo xaq ah, laakiinse uu dadku isaga diidi doono. Waxay horay u sii sheegeen inuu isagu la dhiman doono dad xumaanfalayaal ah iyo in isaga lagu aasi doono nin taajir ah qabrigiis. Waxay kaloo horay u sii sheegeen inuu isagu qabriga ka soo sarakici doono.
Waxaa kaloo jira waxyiyo kale oo Ciise Masiix ku saabsan. Wax alla wixii Ilaah nebiyadii hore u muujiyey ee Masiixa sifihiisa ku saabsanaa waxay ku wada muuqdeen Ciise Masiix.
Masiixu waa Erayga Ilaah
Ciise Masiix waa Erayga Ilaah. Waxaa taas inoo caddaynaya ee aynu ka akhriyi karnaa aayadda ugu horraysa kitaabka Injiilka ee uu Yooxanaa qoray.
Erayga Ilaah wuxuu mar kasta muujiyaa wanaagga weyn ee Ilaah. Ilaahay Eraygiisuu dadka isugu muujiyaa. Mar kasta waa inaynu xusuusnaanaa in Masiixa qudhiisu yahay Eraygaas Ilaah muujinaya oo jidkiisa inoo tilmaamaya.
Ilaah wuxuu dunida u soo diray Eraygiisa, si uu dadka ku tuso dabeecaddiisa quduuska ah. Mar haddii Masiixu dadka ku dhex noolaan jiray waynu garan karnaa sidaa Ilaah hufnaantiisu tahay. Mar haddii Masiixu dadka jeclaan jiray oo uu caawin jiray, waynu og nahay in Ilaahna dadka jecel yahay oo uu caawimo mar kasta. Kitaabka Injiilka ee uu Yooxanaa qoray, wuxuu sheegayaa sidan oo socota: “Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay” (Yooxanaa 1:18).
Warka wanaagsanu waxaa weeye in Ilaah doortay inuu dadka isugu muujiyo si buuxda oo kaamil ah. Wuxuu taas ku suuraggeliyey noloshii, dhimashadii iyo sarakiciddii Ciise Masiix. Ilaah wuxuu doortay inuu si yaab leh oo kaamil ah dadka ula jiro, isagoo taas ku suuraggeliyey Masiixa.
Masiixu waa Badbaadiyaha
Masiixuna waa warka wanaagsan, maxaa yeelay, isagu waa Badbaadiyaha. Waxaynu Tawreed ka soo akhrinay in Ilaah u caraysan yahay dembiga. Sababtaas aawadeed, ayaa Ilaah wuxuu u sheegay nebi Muuse in reer banii-Israa’iil ay qalaan xoolo allabbari ah oo dembiga waaqdhac loogu bixiyo. Dadkiina Ilaah bay isku halleeyeen ama aammineen oo waxay qaleen xoolo allabbari ah, maxaa yeelay, waxay doonayeen in Ilaah dembigooda ka cafiyo oo loo dhaafo.
Haddaba, waxaynu garanaynaa in xoolahaas allabbari ahaanta loo qalay ay yihiin calaamad na caawinaysa, si aynu ku garanno in Ciise Masiix yahay waaqdhaca kaamilka ah ee dembiga loo bixiyey. Allabbari xoolaad dembiyada ma cafiyi karo. Ciise Masiix oo keliya ayaa dembi u dhintay, isagoo iskutallaabta lagu deldelay oo naftiisii u huray inuu noqdo waaqdhac dembi oo kaamil ah.
Masiixu wuxuu ahaa waaqdhac kaamil ah oo dembiga cafintiisa ku habboon, waayo, isagu weligiis marna ma dembaabin. Hasa ahaatee, dadku waxay ula macaamileen sidii dembiile way oo intay iskutallaabta ku musmaareen ayay dembiileyaal la deldeleen. Dhimashada iskutallaabta dadka lagu dilaa waxay ahayd ciqaab foolxun oo u khaas ah xumaanfalayaasha. Markii uu iskutallaabta dusheeda ku dhintay, Masiixu wuxuu u silcay ciqaabtii dembiyadeenna.
Kitaabka Quduuska ahu wuxuu inoo sheegayaa sidan soo socota: “Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xariijimihii karbaashiddiisii.” (1 Butros 2:24) Dhimashada Ciise Masiix u dhintay dembigeenna ciqaabtiisa aawadeed ayaa Ilaah ku aqbalaa oo ku cafiyaa dembigooda kuwa Ciise Masiix u aqbala inuu yahay Badbaadiyahooda.
Bal xusuuso in macbudkii ku yiil magaalada Yeruusaalem uu lahaa daah weyn oo kala qaybiya Meesha Quduuska ah iyo Meesha ugu Wada Quduusan. Ilaah wuxuu oggolaaday inuu sharaftiisa ka muujiyo Meesha ugu Wada Quduusan. Laakiinse daaha ayaa dadka ka qarin jiray inay arkaan ammaanta Ilaah. Daahaasu wuxuu calaamad u ahaa oo uu dadka tusi jiray in dembigoodu ka hor joogo oo ka qariyey inay Ilaah joogitaankiisa yimaadaan.
Laakiinse markii Ciise Masiix naftiisa noo huray, ayaa daahii salka iyo baarka kala dillaacay oo laba kala noqday. Dadkiina waxaa u suurowday inay galaan Meesha ugu Wada Quduusan.
Taasu waxay na tusaysaa in Ciise Masiix markii uu naftiisa noo huray oo uu dembigeenna aawadiis u dhintay uu suuraggal nooga dhigay inaynu Ilaah hortiisa tagno, innagoon cabsi lahayn (Cibraaniyada 10:19-22). Run ahaantii, Ciise Masiix wuxuuba noo sheegay inaynu ducaysigeenna ku bilowno, markaynu Ilaah xaggiis u ducaysanayno: “Aabbahayaga jannada ku jirow” (Matayos 6:9) Markii dembigeenna nala ka cafiyo, waxaynu Ilaah u aqoonsan karnaa inuu inoo yahay Aabbahayaga na jecel ee samaawiga ah, oo waxaynu ku raaxaysan karnaa isweheshi run ah ee aynu Ilaah la wadaagno. Arrintaasu waa war aad u wanaagsan, iyo bishaaro khayr ah!
Masiixu Waa Rabbiga
Waxaa kalo jira bishaaro kale khayr! Kitaabka Quduuska ahu wuxuu in markii Ilaah soo sarakiciyey Ciise Masiix, uu aad uga sarraysiiyey xukun iyo amar iyo qawi kasta oo jira, iyo weliba magac ka sarreeya magac kasta oo la magacaabi karo, mana ahaan adduunkan oo keliya, laakiin waa if iyo aakhiraba; oo haddana Ilaah wuxuu Ciise Masiix cagihiisa hoos dhigay wax alla waxa jira (Efesos 1:21-22). “Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya. Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda”.
Kitaabka Quduuska ah wuxuu ina leeyahay in Ilaah ka dhigay Ciise Rabbiga iyo Masiixba (Falimaha Rasuullada 2:36).
Markii aynu Ciise Masiix u aqbalno inuu yahay Badbaadiyaha, ee aynu isaga u xushmayno sidii Rabbi, ee aynu u oggolaanno inuu nafteenna u taliyo, waxaynu samaynaynaa doonista Ilaah. Markii Ciise Masiix aynu oggolaanno inuu nafteenna u taliyo, waxaynu jeclaannaa inaynu dadka kalgacal u qabno oo aynu u adeegno sidii isagu yeelay oo kale. Laakiin aad bay u adag tahay in dadka la jeclaado. Waxaynu u baahan nahay caawimaad itaalkeenna la sarraysa. Ciise Masiix wuxuu noo ballanqaaday in Ruuxa Quduuska ahu naga caawin doono, sidii aynu ugu noolaan lahayn nolol ceeb ka hufan oo qumman.
Laakiin marar badan waxaynu ku sigannaa inaynu waxyaalo khalad ah samayno oo Ibliis na duufsado. Waxaa nagu waajib ah inaynu xusuusanno in Kitaabka Quduuska ahu ina leeyahay: “Waayo, isaga qudhiisu wuu xanuunsaday isagoo la jirrabay, taas aawadeed wuu karaa inuu caawiyo kuwa la jirrabo” (Cibraaniyada 2:18). Masiixu waa Badbaadiyaheenna oo nool, oo sababtaas daraaddeed isagu wuxuu naga caawin karaa inaynaan dembi samayn. Laakiin xataa haddii aynu dembaabno isagu wuu na cafiyaa (1 Yooxanaa 1:9).
Qof alla qofkii mar uun rumaysta Ciise Masiix inuu yahay Rabbigiisa, inkastoo uu dhinto haddana maalinta ugu dambaysa wuu soo sarakici doonaa oo wuxuu Ilaah weligiis kula noolaan doonaa jannada. Ciise Masiix wuxuu yiri, “Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa” (Yooxanaa 11:25). Meel kalana waxaynu ka akhrinaa: “…Kuwii dhintayna qudhun la’aan baa la sara kicin doonaa, waana layna beddeli doonaa” (1 Korintos 15:52).
Dadka Ciise Masiix u aqbalay Rabbi ahaan markii qabriga laga soo sarakiciyo, waxay lahaan doonaan jir aad uga wanaagsan kan ay haatan leeyihiin. Waxayna jannada la joogi doonaan weligood Ilaah Aabbaha ah (Yooxanaa 8:27-30).
Aayadahan kor ka xafid. Yooxanaa 11:25-26: “Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa. Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono.…”
Tijaabada 7aad: Ilaahay Dadka Wuu Jecel Yahay
Waxaad doorataa jawaabta saxda ah. Saddexda jawaabood mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.
