Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Walaal, ku soo dhowow koorsadan la yiraahdo: Bilowgii Dadka.

Diintii Tawreedda ee Nebi Muuse loo soo waxyooday waxay ahayd mid xaq ah oo xagga Ilaah ka yimid. Qur’aanku wuxuu ina ku leeyahay in Ilaah uu soo waxyooday Tawreedda iyo Injiilka (Suradda Al-Cimran 3:3). Taas aawadeed, Muslimiintu waxay rumaysan yihiin in Tawreeddu tahay diin xaq ah oo eraygii Ilaah ah. Masiixiyiinta iyo reer binu Israa’iilba waxay rumaysan yihiin in Tawreedda xagga Ilaah ka timid. Dadka oo dhan, meel kasta ha joogeene, waxaa u eg inay Tawreedda akhristaan, waayo, waa eraygii Ilaah.

Tawreeddu waxaa weeye shantii kutub oo Nebi Muuse loo soo waxyooday. Shantaas kutub magacyadooda waxaa la kala yiraahdaa: Bilowgii, Baxniintii, Laawiyiintii, Tirintii iyo Sharciga Kunoqoshadiisa. Koorsadan waxaad ka baran doontaa Kitaabka ugu horreeya Tawreed oo loo yaqaan Bilowgii.

Tawreeddu waxay wax nooga sheegta dad badan. Waxay ka sheekaysaa Aadan iyo Xaawo, Qaabiil iyo Haabiil, Nebi Nuux, Nebi Ibraahim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Yuusuf, Nebi Muuse iyo Haaruun. Koorsadanu waxay si wanaagsan kaaga sheekayn doontaa oo aad ku baran doontaa waxyaalo wanaagsan oo ku saabsan dadkaas iyo nebiyadaas.

Koorsadan waxaa la yiraahdaa: Bilowgii Dadka. Waxayna ka kooban tahay lix cashar oo wada jira. Cashar kasta waxaa laga soo saaray oo aasaas u ah kitaabka Tawreed ugu horreeya oo la yiraahdo Bilowgii.

Bilowgii waxaa weeye kan ugu horreeya Kitaabka Quduuska ah. Taas sababtu waxaa weeye shanta kutub oo Tawreedda la isku yiraahdaa waxaa weeye shanta kutub oo ugu horraysa Kitaabka Quduuska ah.

Casharrada sidan hoos ku qoran uga shaqee:

  1. Si fiican u akhri qaybta Tawreed lagaaga tilmaamay oo ku qoran cashar kasta bilowgiisa. Tawreedda qaybteeda aad akhrin doontaa sidan bay u qoran tahay:

    Bilowgii 2:10-12

    Bilowgii: Macneheedu waxaa weeye magaca kitaabka Tawreed ugu horreeya.
    2: Macneheedu waxaa weeye cutubka 2aad ee kitaabka.
    10-12: Tanna macneheedu waxaa weeye aayadda 10aad ilaa 12aad ee suuradda.
    Sidaas daraaddeed, Bilowgii 2:10-12 macneheeda waxaa weeye kitaabka Bilowgii, cutubkiisa 2aad, aayadaheeda toban ilaa laba iyo tobnaad.

  2. Casharka oo dhan toos u akhriso. Cashar kasta waxaad ku arki doontaa aayado laguu tilmaamay sadarrada qaarkood dhammaadkooda. Kuwaasu waxay u qoran yihiin sidan oo kale: (Bilowgii 1:1). Taas macneheedu waxaa weeye ra’yiga meesha ku yaal waxaa laga soo guuriyey ama laga soo dhex bixiyey qaybtaas Tawreedda lagaaga tilmaamay.
  3. Ka jawaab su’aalaha ku yaal cashar kasta dhammaadkiisa.
  4. Kor ka xafid aayadaha laguu tilmaamay oo cashar kasta dhammaadkiisa ku yaal.

Waxaannu kuugu ducaynaynaa waxbarasho wanaagsan. Ilaahay ha ku barakeeyo!