Casharka 2aad: Masiixa iyo Cibaadada Runta ah
Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Injiilka: Yooxanaa 4:1-30 Yooxanaa 4:40-42
Bal hadda casharka akhriso oo si fiican uga jawaab tijaabada. Casharku wuxuu kuu macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Injiilka.
Ciise Masiix wuxuu degganaan jiray magaalada Naasared ee dalka Falastiin ku taal in ka badan 20 sannadood. Waxaa loo maleeyaa in intii uu dhallinyaraa uu ka shaqayn jiray dukaankii Yuusuf oo alwaaxda lagu qori jiray.
Markii Ciise Masiix dhallinyarada ahaa ina-adeerkiis Yooxanaa Baabtiisihii ayaa bilaabay inuu dadweynaha ku wacdiyo Webiga Urdun hareerihiisa. Yooxanaa Baabtiisihii waxaa Muslimiintii u yaqaanin nebi Yaxye. Wuxuu dadka ku oran jiray ka toobadkeena dariiqa xun iyo nolosha dembiga leh, maxaa yeelay, Masiixii baa imaanaya oo soo dhow. Kumanyaal dad ah oo ka kala yimid magaalooyinka iyo beeraha dalka Falastiin ayaa waxay u yimaadeen inay maqlaan wacdiska nebi Yooxanaa. nebi Yooxanaa wuxuu baabtiisi jiray dad badan.
Ciise Masiix markii uu 30 jir gaaray ayuu wuxuu aaday webigii uu nebi Yooxanaa dadka u baabtiisi jiray, isagoo wacdinaya. Markii nebi Yooxanaa arkay Ciise Masiix oo xaggiisa u soo socda ayuu kor u qayliyey oo yiri, “Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya” (Yooxanaa 1:29).
Ciise Masiix wuxuu nebi Yooxanaa ku amray inuu isaga baabtiiso. Sidaas daraaddeed, nebi Yooxanaa wuu addeecay Ciise Masiix oo wuxuu ku baabtiisay Webiga Urdun. Markii Ciise Masiix la baabtiisay, ayaa nebi Yooxanaa wuxuu arkay samada oo furantay iyo Ruuxa Ilaah oo ku soo degaya Ciise Masiix dushiisa, isagoo sidii qoolley oo kale; oo samadana cod baa laga maqlay, wuxuuna lahaa, “Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay” (Markos 1:11).
Taas dabadeed, Ciise Masiix wuxuu ku maqnaa oo aaday lamaddegaanka muddo 40 maalmood ah. Shaydaanka baa wuxuu isku dayey inuu Ciise Masiix duufsado oo dembaajiyo, laakiin wuu guulaysan waayey, Ciise Masiix mana uu dembaabin (Matayos 4:1-11). Markii Ciise Masiix cidladii ka soo noqday, ayuu wuxuu doortay 12 nin oo uu ugu talaggalay inuu ku tababbaro shuqulkiisa (Markos 3:14-19). Nimankaas waxaa lagu magacaabi jiray 12 xerta ah Ciise Masiix.
Muddo saddex sannadood ah oo markaas ka dambaysay Ciise Masiix mashquul ayuu ahaa. Yooxanaa wuxuu kitaabkiisa ku qoray, haddii wixii Ciise Masiix sameeyey oo dhan la wada qori lahaa dunida oo dhammu ma qaadi karteen kutubta tiradooda (Yooxanaa 21:25). Koorsadan waxaynu ku baranaynaa in yar oo ka mid ah waxyaalihii Ciise Masiix sameeyey ama yiri.
Habab Cibaado oo kala Duwan
Casharkan waxaynu ku arki doonnaa wixii Ciise Masiix dadka ka baray sharuudaha cibaadada runta ah. Sidaad wada ogsoon tihiin diin kastaba waxay leedahay habab kala duwan oo loo cibaadaysto. Waad aragtay dad Ilaah caabudaya. Waxay isku dayaan inay ficilkooda ku muujiyaan waxyaabaha ay ku fekerayaan ama iska garanayaan ama qalbigooda ka rumaysan yihiin.
Dadka qaarkood way istaagaan ama way jilbajoogsadaan, markay Ilaah caabudayaan. Qaar kalana way sujuudaan oo wejigay dhulka saaraan. Qaarna waxay dhegaystaan kitaabkooda oo loo akhrinayo, dabadeedna loo macnaynayo. Qaar kalana waxay ku madiixaan heeso ama qasiidooyin Ilaah ammaan iyo mahadnaq ah. Qaar waxay iska qaadaan hagoogta iyo cumamadaha iyo wixii madaxooda qarinaya oo dhan. Qaar kalana waxay cagahooda ka siibaan kabaha iyo dacaska cayn kasta ha ahaadeene.
Ficilladaas oo dhan waxay dadka sameeyaa u haystaan inay yihiin qayb muhiim ah oo cibaadada ka mid ah.
Sidii Reer Samaariya u Cibaadaysan Jireen
Reer Samaariya iyo reer banii-Israa’iil labaduba waxay degganaan jireen dalka Falastiin. Laakiin dadyowgaasu is ma ay jeclayn oo colaad baa iyaga ka dhexaysay. Waxyaalaha ay isku qoonsadeen waxaa ka mid ahaa siyaalaha kala duwan oo ay u cibaadaysan jireen. Reer Samaariya waxay Ilaah ku cabuudi jireen Buurta Gerisiim dusheeda. Reer banii-Israa’iilna waxay Ilaah ku caabudi jireen macbudkii ku yiil magaalada Yeruusaalem.
Reer Samaariya waxay rumaysanayeen in Buurta Gerisiim ay tahay meel quduus ah, maxaa yeelay, waxay u haysteen in Aadan iyo Xaawo Ilaahay ku uumay buurtaas dusheeda. Reer Samaariya waxay kaloo meel quduus ah u haysteen ceel ku yaal Buurta Gerisiim agteeda, maxaa yeelay, waxaa ceelkaas qoday Yacquub boqolaal sano waqtigaas ka hor. Run ahaantii, waxaa ceelkaas lagu magacaabi jiray Ceelkii Yacquub.
Ciise Masiix iyo Haweeney Reer Samaariya ah oo ka Wada Hadlay Wax Cibaadada ku Saabsan
Ciise Masiix wuxuu socdaal ku dhexmaray gobolka Samaariya, isagoo ka tegay gobolka koofureed ee Yahuudiya, una socday gobolka woqooyi ee Galili. Socdaalkaas fogaantiisu wuxuu ahaa in ku dhow 200 oo kiilomitir jidka loo maraana wuxuu dhexmari jiray gobolka Samaariya.
Goor har kulul ah ayaa Ciise Masiix iyo xertiisii ku soo beegmeen magaalada la yiraahdo Sukhar oo reer Samaariya oo ay degganayeen. Xertii waxay cunto u doonteen magaaladii, laakiin Ciise Masiix wuxuu ku haray Ceelkii Yacquub oo u dhowaa. Buurtii Gerisiimna halkaas kama ay fogayn oo waa ay u muuqatay isaga.
Ciise Masiix oo ku nasanaya ceelka kaalinkiisa ayaa waxaa u timid haweeney reer Samaariya ah oo biyo doon ah. Waxayna ka timid magaalada Sukhar. Ciise Masiix wuxuu bilaabay inuu haweeneydii la hadlo. Hadalkoodiina sidaan buu ahaa (Yooxanaa 4:7-26).
“Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi. Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan. Naagtii reer Samaariya ahayd waxay haddaba ku tidhi isaga, Sidee baad, adigoo Yuhuudi ah, biyo ii weyddiisanaysaa, anigoo naag reer Samaariya ah? (Waayo, dan iskuma leh Yuhuudda iyo reer Samaariya.)
“Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool.
“Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool? Miyaad ka weyn tahay awowahayagii Yacquub oo ceelka na siiyey oo isaga qudhiisu ka cabbay iyo wiilashiisii iyo xoolihiisuba?
“Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa, laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah.
“Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado.
“Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Tag oo ninkaagii u soo yeedh, oo halkan kaalay.
“Naagtii ayaa u jawaabtay oo ku tidhi, Nin ma lihi.
“Ciise wuxuu ku yidhi, Run baad ku hadashay, Nin ma lihi. Waayo, shan nin baad lahayd, kan aad haddeer haysatidna ninkaagii ma aha. Taas run baad ku sheegtay.
“Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay. Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo.
“Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba. Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda. Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale. Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.
“Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa.
“Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.”
Markaasaa haddiiba haweeneydii magaaladii dib ugu carartay oo waxay arrintaas u sheegtay dadkii magaalada degganaa, oo waxay ku tiri, “War bal kaalaya oo ila arka nin ii sheegay wax alla wixii aan wejigay sameeyey oo dhan. Sow kaasu ma ahan Masiixii aynu sugaynay?”
Markaasaa dadkii magaaladii ka soo wada dareereen oo waxay u yimaadeen Ciise Masiix. Markii ay la hadleen ayaa qaarkood badanu rumaysteen in Ciise yahay Masiixa, kasoo ah Badbaadiyaha dunida.
Cibaadada Runta ah Waxaa Sal u ah Ruuxa iyo Runta
Qisadan ku saabsan hadalkii uu Ciise Masiix la yeeshay haweeneydii reer Samaariya waxay ina tusaysaa afar qodob oo run ah kuna saabsan cibaadada runta ah.
- Waxba kuma jabna meesha aynu Ilaah ku caabudno, maxaa yeelay, Ilaah meel kasta waa joogaa. Ilaah waynu caabudi karnaa mar kasta, oo meel kastana waynu ku caabudi karnaa.
- Ilaah wuxuu doonayaa in qof kastaba isaga caabudo. Ciise Masiix wuxuu waqti u helay inuu haweeneydii reer Samaariya kala hadlo wax ku saabsan cibaadada runta ah oo Eebbe lagu caabudo. Isagu wuu la hadlay haweeneydaas inkastoo ay ahayd haweeney dembi miiran oo dadka intiisa badanuna aysan xushmayn jirin. Haweeneydaasu waxay u yeertay deriskeedii reer Samaariya inay arkaan oo u yimaadaan Ciise Masiix. Dabadeedna, Ciise Masiix wuxuu la hadlay dadkii reer Samaariya oo magaalada ka yimid oo dhan. Taasu waxay na tusaysaa in Ciise Masiix doonayo dadka dembiileyaasha oo dhan inuu caawimo oo ay Ilaah u soo noqdaan. Taasu waxay calaamad u tahay oo muujinaysaa un dadka oo dhammu u wada baahan yahay cibaado runta ah.
- Ciise Masiix Ilaah wuxuu ku muujiyey in Ilaah yahay Aabbe weyn oo aad u wanaagsan oo weliba jecel yahay carruurtiisa oo dhan oo waxyaalaha ay u baahan yihiinna aad buu uga fikiraa, wuuna og yahay. Ilaaha Aabbaha ahu wuu la hadlaa carruurtiisa oo farxaddooda iyo murugtoodana wuu uga garaabaa, markii ay la hadlaanba. Cibaadada Ilaah aqbalaa waa sidii qoys faraxsan oo Aabbahood wehelsanaya hareerahana ka jooga. Cibaadada runta ahu waa in Ilaaha Aabbaha ah lagu garwaaqsado farxad iyo mahadnaq.
Calaamadaha aynu ku isticmaalno marka aynu cibaadaysanayno iyo siyaabaha kala duwan oo aynu u cibaadaysanno way ka qayma yar yihiin xiriirka aynu la leenahay Ilaaha Eebbaha ah. Haddii aynu dembi qalbigeenna ku qarinayno, ama haddii aynaan u aqoonsan Ilaah sidii Aabbe na jecel dee markaas Ilaah uma caabudi karno si run ah.
- Cibaadada runta ahu waa aqoonsi farxad leh oo xagga qalbiga iyo niyadda ka yimaada. Waa sidii raxmadda roobka oo meeshii u ku da’o nolol iyo ramaas cusub ka soo saara, inkastoo uu dhulku engegnaa abaarna ahaa bilo badan. Taasu waa wixii Ciise Masiix ula jeeday, markii uu haweeneydii reer Samaariya ku yiri, Anigaa ku siin kara biyo nololeed. Cibaadada runta ah oo Ilaaha Eebbaha ah lagu caabudaa waxay la mid tahay farxadda uu iska garto sidii nin harraadsan oo biyo u ku oonbeelo helay.
Ciise Masiix baa masuul ka ah oo ay shuqulkiisa tahay inuu xiriir qumman oo farxad leh Ilaah noogu geeyo. Markaas oo qura ayaa cibaadadeennu run noqon kartaa.
Aayaddan kor ka xafid. Yooxanaa 4:24: “Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.”
Tijaabada 2aad: Ilaahay Dadka Wuu Jecel Yahay
Waxaad doorataa jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.
