Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Casharka 5aad: Masiixa iyo Iskutallaabta

Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Injiilka:
Yooxanaa 18:1-40
Yooxanaa 19:1-42

Bal hadda casharka akhriso oo si fiican uga jawaab tijaabada. Casharku wuxuu kuu macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Injiilka.

Ciise Masiix waxaa la deldelay oo iskutallaabta lagu musmaaray waqtigii Ciidda Kormaridda. Arrintaasuna sidaan hoos ku qoran bay u dhacday.

Muddo saddex sannadood ah ayaa Ciise Masiix dadka wacdinayey oo kuwa jirranna bogsiinayey, isagoo ku wareegaya dalka Falastiin iyo meelo kaloo u dhow. Dabadeedna wuxuu u soo socdaalay magaalada Yeruusaalem. Yeruusaalem waxay ahayd xarunta diinta Yuhuudda.

Ciise Masiix ma ahayn nin kibir badan. Wuxuu doortay inuu magaalada Yeruusaalem soo galo, isagoo dameer fuushan. Shan boqol oo sannadood muddadaas kahor ayaa Ilaah waxyi ku tusay nebi Sekaryaah in Masiixu Yeruusaalem soo geli doono, isagoo dameer fuushan (Sekaryaah 9:9).

Markii dadkii arkay Ciise Masiix oo dameer fuushan oo Yeruusaalem soo gelaya ayay waxay bilaabeen inay heeso ku madiixaan iyagoo leh, “Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya oo boqorka Israa’iil ah” (Yooxanaa 12:13). Dadku waxay rajaynayeen in Ciise Masiix noqon doono boqor. Waxay filanayeen inuu iyaga ka xorayn doono gumaysiga ama isticmaarkii Boqortooyadii Roomanka.

Arrintaas waxaa ka naxay oo aan ku faraxsanayn madaxdii diinta Tawreedda iyo madaxdii dowladda. Waxay arkeen in Ciise Masiix noqonayo nin caan ah oo dadku aad ugu han weyn yihiin. Aad bay u necebaysteen, maxaa yeelay, dadkii baa rumaystay oo u aqoonsaday in Ciise Masiix yahay kii Quduuska ahaa oo xagga Ilaah ka yimid. Sababtaas daraaddeed, waxay madaxdii ku tashadeen inay Ciise Masiix dilaan. Xerta Ciise Masiix nin la jiray oo magaciisa oo la oran jiray Yuudas ayaa madaxdii kula heshiiyey inuu Ciise Masiix u soo gacangeliyo.

Allabarigii Kormaridda

Maalintii Ciise Masiix la deldelay habeenkii ka horreeyey ayaa Ciise Masiix kula casheeyey xertiisii Allabarigii Kormaridda. Waxay keli ahaantood joogeen qol uu siiyey nin saaxiibkood ahaa.

Markay cashaynayeen ayaa Ciise Masiix rooti soo qaaday oo intuu jarjaray ayuu xertiisii u kala qaybiyey. Oo haddana wuxuu soo qaaday koob weyn cabitaan canab ah, markaasuu xertii wadaajiyey. “Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakeeyey, wuuna jejebiyey oo xertii siiyey oo yidhi, Qaata oo cuna. Kanu waa jidhkaygiiye. Kolkaasuu koobkii qaaday oo mahadnaqay oo siiyey iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Kulligiin ka cabba. Waayo, kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay dembidhaafkooda aawadiis” (Matayos 26: 26-28).

Xusuuso: Allabbariga Kormaridda wuxuu dadka reer banii-Israa’iil xusuusin jiray oo ay ku xusi jireen waaggii Ilaah ka xoreeyey oo ka soo samatabbixiyey addoonsigii lagu gumaysan jiray dalka Masar qarnigii nebi Muuse. Waxay ku xusuusan jireen sidii Ilaah geeri uga badbaadiyey curadyadoodii, markii ay dhiigga wanka mariyeen albaabada guryahooda.

Masiixiyiintu ma xusaan Ciidda Kormaridda. Laakiinse waxay xus ahaan u sameeyaan isweheshi lagu magacaabi Cashadii Rabbiga. Markay Cashadii Rabbiga samaynayaan, waxay wadaagaan kibis qurbaan ah iyo cabitaan canab oo ay isku koob ku wadaagaan, Masiixiyiintu sidaas bay ku xusuustaan in Ciise Masiix nafsaddiisii u bixiyey allabbari ahaan, isagoo lagu qodbay iskutallaabta korkeed, si dembigooda Ilaah u cafiyo oo ay u nolol daa’iimaa u helaan.

Madaxdii diinta Tawreedda ayaa Xukuntay Ciise Masiix (Yooxanaa 18:1-40)

Markii ay dhammaysteen cashadii Allabbariga Kormaridda ayaa Ciise Masiix xertiisii waxay aadeen beer magaalada Yeruusaalem dibaddeeda ku taal. Waxay ahayd goor habeennimo ah, Ciise Masiixna aad buu u murugaysnaa. Oo intuu xertiisii ka tegay ayuu wuxuu aaday meel uu keligiis ku ducaysto oo beerta dhinaceeda kale ah.

Markaas dabadeed waxaa haddiiba gurmad ku yimid askar uu horkacayo Yuudas oo xerta Ciise Masiix ka mid ahaan jiray. Wuxuu askarta u soo horkacay inuu ku caawimo, si ay Ciise Masiix meeshu joogo u helaan. Xertii kale way cabsadeen oo way kala carareen. Askartii waxay kaxaysteen Ciise Masiix oo waxay geeyeen shirkii madaxda diinta. Madaxdiina waxay Ciise Masiix weyddiiyeen su’aalo badan oo wada khaldan. Laakiin way ka heli kari waayeen gef uu galay oo ay ku caddeeyaan, si ay u qool geliyaan

Isaguse waa iska aammusay oo waxba uma jawaabin. Mar kale wadaadkii sare ayaa weyddiiyey oo ku yidhi, “Miyaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Kan la ammaano?”

Ciise baa yidhi, “Waan ahay, oo waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah, oo ku imanaya daruuraha cirka” (Markos 14:61-62).

Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen. Oo intay indhaha ka xidheen ayay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, “Noo sheeg, yuu yahay kan kugu dhuftay?” (Luukos 22:63-64).

Subaxdii dambe ayay waxay u geeyeen guddoomihii Boqortooyadii Roomaanka oo waxay ka codsadeen in la dilo Ciise Masiix. Ugu dambaystii guddoomihii waa u oggolaaday codsigoodii. Wuxuu amray in Ciise Masiix lagu deldelo iskutallaabtana lagu kor musmaaro.

Silicii Dhimashada Iskutallaabta Deldelaadda Korkeeda (Yooxanaa 19:1-42)

Askartii aad bay Ciise Masiix karbaash ugu garaaceen ilaa ay dhabarkiisii daliigo miiran ka dhigeen. Haddana waxay soo qaateen wax taaj la moodo oo ay ka sameeyeen qodxo oo intay madaxa u saareen ayay hoos ugu kaawiyeen ilaa wejigiisii dhiig ka dareeray. Waxay u geliyeen dhar qurxoon oo u eg kan boqoradda oo weliba way u sujuudeen, iyagoo ku kajamaya (Yooxanaa 19:1-7).

Dabadeedna waxay u taxaabeen buur magaalada horteeda ku taal oo magaceeda la yiraahdo Golgota. Markay Golgota geeyeen, ayay iskutallaabta qori ah ku kor deldeleen, iyagoo gacmihiisii iyo cagihiisii iskutallaabta ku kor musmaaray. Waxay kaloo isla meeshaas ku deldeleen laba tuug oo ay midba Ciise Masiix dhinac ka mariyeen (Yooxanaa 19:16-18).

Markaasaa dadkii qosol iyo qaylo Ciise Masiix kaga wareegeen, oo waxay ku yiraahdeen: “Haddaad tahay Wiilkii Ilaah, car bal iskutallaabta ka soo dego” (Matayos 27:39-44). Guddoomihii reer Roomana wuxuu iskutallaabta dusheeda sare ku dhejiyey calaamad far waaweyn oo ay ku qoran tahay: CIISIHII REER NAASARED, BOQORKA YUHUUDDA. Askartiina waxay kala qaybsadeen dharkiisii oo khamiiskiisiina qorituur bay u riteen (Yooxanaa 19:19-24).

Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, “Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan” (Luukos 23:34).

Isla maalintaas goor ay harkii tahay ayaa cirkii madoobaaday oo gudcur weynu dhulkii oo dhan ku soo degay. Markaasaa dadkii aad u cabsadeen. Gudcurkaasuna wuxuu dhammaaday saddex saacadood kaddib (Luukos 23:44).

Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, “Aabbow, gacmahaaga ayaan ruuxayga u dhiibayaa. Goortuu waxaas yidhi, ayuu ruuxii bixiyey” (Luukos 23:46). Haddana mar labaad buu qayliyey oo wuxuu yiri, “Waa dhammaatay.” Oo intuu madaxiisii hoos u foorarshay, ayuu ruuxiisii bixiyey (Yooxanaa 19:30). Dabadeedna askari baa waran daray Ciise Masiix dhinaciisa, oo dhiig iyo biyo ayaa ka soo dareeray meeshii laga wareemay (Yooxanaa 19:34).

Isla daqiiqaddaas ayaa waxaa dhacay dhulgariir weyn oo dhagaxyadii kala dillaacshay. Waxaa kaloo salka iyo baarka kala dillaacay daah weyn oo ku xirnaa Macbudka kaasoo kala xiri jiray Meesha Quduuska ah iyo Meesha ugu Quduusan (Luukos 23:44-45).

Dadkii joogay iskutallaabta agagaarkeeda waxay bilaabeen inay baroortaan. Waxay u ordeen xagga guryahooda iyaga oo aad u murugaysan. Degdeg waxay u garteen inay si weyn u dembaabeen. Xataa kii madaxda u ahaa askarta ayaa baroortay oo yiri, “Hubaal ninkanu xaq buu ahaa.” (Luukos 23:47).

Nin Taajir ahaa ayaa Ciise Masiix Aasay

Nin taajir ahaa oo magaciisa la oran jiray Yuusuf kii ahaa reer Arimataya ayaa maydkii Ciise Masiix soo qaaday oo wuxuu ku aasay qabri cusub oo uu isaga nafsaddiisa u qotay. Qabriga waxaa laga qoday buur dhexdeed oo wuxuu afka kaga awday dhagax weyn. Dhowr haween ah ayaa arkayey meeshii uu maydka ku aasay. Haweenkiina intay guryahoodii ku laabteen ayay soo diyaarsadeen dhir iyo uunsi ay maydka Ciise Masiix mariyaan. Madaxdii diinta Tawreedduna waxay goobtaas soo tubeen askar qabriga dhowr ah oo waardiye ka qabata (Yooxanaa 19:38-42).

Laakiin saddex maalmood ka bacdi ayaa Ciise Masiix qabrigii ka soo baxay oo soo noolaaday. Oo xataa maantaydan waa nool yahay! Casharka kan ku xiga oo soo socday ayaannu si tifaftiran uga baran doonna sidii Ciise Masiix qabriga uga soo baxay oo u soo noolaaday.

Aayaddan kor ka xafid. Yooxanaa 3:16: “Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.”

Tijaabada 5aad: Ilaahay Dadka Wuu Jecel Yahay

Waxaad doorataa jawaabta saxda ah. Saddexda jawaabood mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: