Casharka 4aad: Masiixu Waa Jidka Runta ah
Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Injiilka:
Yooxanaa 14:1-31
Bal hadda casharka akhriso oo si fiican uga jawaab tijaabada. Casharku wuxuu kuu macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Injiilka.
Saddex sannadood oo ka dambaysay markii nebi Yooxanaa baabtiisay, Ciise Masiix wuxuu sameeyey oo dadka bari jiray mucjisooyin waaweyn oo yaab miiran ah. Bal aynu isla fiirinno waxyaalaha muhiimka ah ee kitaabka Yooxanaa inooga sheegayo in Ciise Masiix sameeyey ama baray. Halkan waxaa ku yaal liis dheer oo muujinaya ra’yiyada ugu muhiimsan cutub kasta ee kitaabka Yooxanaa ku taal:
- Nebi Yooxanaa Baabtiisihii wuxuu dadka ku baabtiisi jiray oo ku ag wacdiyi jiray Webiga Urdun oo wuxuu dadka u sii diyaarin jiray inay Ciise Masiix aqbalaan. Ciise Masiix waxaa baabtiisay nebi Yooxanaa (cutubka 1aad).
- Ciise Masiix wuxuu aaday oo ka qayb galay xaflad aroos. Mar dambana wuxuu aaday magaalada Yeruusaalem oo wuxuu macbudka dhexdiisa ka cayriyey geddisley wax ku kala iibsanayey (cutubka 2aad).
- Wadaad magaciisa la oran jiray Nikodemus ayaa Ciise Masiix goor habeennimo ah u yimid. Ciise Masiix wuxuu Nikodemus ku yiri, waa in inanku u dhintaa, si dadku ku helo nolol waaraysa (cutubka 3aad).
- Ciise Masiix wuxuu haweeneydii reer Samaariya u macneeyey inay waajib nagu tahay inaynu Ilaah ku caabudno ruuxa iyo runta (cutubka 4aad).
- Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey nin curyaan ahaa muddo 38 sannadood ah (cutubka 5aad).
- Ciise Masiix wuxuu quudiyey 5,000 oo qof, biyaha badda dushoodana wuu ku socday (cutubka 6aad).
- Dadkiina si weyn bay u kala qaybsameen. Qaar waxay rumeeyeen in Ciise yahay Masiixa, qaar kalana way diideen oo way riddoobeen (cutubka 7aad iyo cutubka 8aad).
- Ciise Masiix wuxuu bogsiiyey nin indhala’aan ku dhashay (cutubka 9aad).
- Ciise Masiix wuxuu dadka baray inuu isagu yahay Arijirka Wanaagsan, iyo in dadku yahay sidii ido ama ari oo kale (cutubka 10aad).
- Ciise Masiix saaxibkiis oo la oran jiray Laasaros ayaa dhintay oo la aasay. Isagoo afar maalmood aasnaa ayaa Ciise Masiix dhimashadii ka soo sarakiciyey (cutubka 11aad).
- Ciise Masiix wuxuu soo galay magaalada Yeruusaalem waqtigii Ciidda Kormaridda. Waxaana meeshaas ku soo dhoweeyey dad tiro badan. (cutubka 12aad).
- Habeenkaasna Ciise Masiix iyo xertiisii waxay wadajir u cuneen allabbarigii Kormaridda. Markii ay wada casheeyeen ka bacdi ayaa Ciise Masiix xeero biyo ah soo qaatay oo u caga dhaqay xertiisii oo dhan. Ciise Masiix wuxuu yiri, taasu waxay calaamad u tahay oo ay muujinaysaa in kuwa aniga i raacay ay adeege isu noqdaan oo midba midka kale u adeego (cutubka 13aad).
- Ciise Masiix wuxuu xertiisa baray waxyaalo ku saabsan jannada, ducada iyo Ruuxa Quduuska ah (cutubka 14aad).
- Ciise Masiix wuxuu xertiisa baray in Masiixiyiintu ay dunida kor joogaan, laakiinse aysan weligood samayn ficillada xunxun ee ay dadka dunidu sameeyaan. Dadka aan rumaysnayn waxay kadeed iyo cadaadin ku sameeyaan kuwa Ciise Masiix rumeeyey oo raacay. Laakiinse Masiixiyiintu qof kasta waa inay jeclaadaan (cutubka 15aad, cutubka 16aad, cutubka 17aad).
- Ciise Masiix dadkii diidanaa baa qabsaday oo intay iskutallaabta korkiis ku qodbeen buu halkaas ku dhintay (cutubka 18aad iyo cutubka 19aad).
- Ciise Masiix wuxuu ka soo sarakacay dhimashadiisii, markuu saddex maalmood qabri ku jiray ka bacdi. Dabadeedna wuxuu is tusay oo u muuqday xertiisii marar badan oo kala duwan (cutubka 20aad iyo cutubka 21aad).
Ciise Masiix isagoo jira 33 sano ayaa cadowgiisii goor habeennimo ah u yimaadeen oo intay kaxaysteen ayay maxkamad soo hor tageen. Dabadeedna dil bay ku xukumeen, waxayna ku qodbeen iskutallaab korkeed. Intaan maxkamadda la soo taagin in yar kahor ayuu wuxuu xertiisii kula dardaarmay waxbariddii ugu dambaysay oo aad muhiim u ah. Waa kuwaan, wixii u baray oo ku saabsanaa jannada, ducada iyo Ruuxa Quduuska ah isla habeenkii cadowgiisu qabsadeen oo maxkamadda u kaxaysteen.
Jannada iyo Aabbaha
Xerta Ciise waxay doonayeen inay jannada galaan. Mana ay rabin inay cadaabka galaan, markii ay dhintaan. Ciise Masiix wuxuu iyaga u sheegay sidii ay jannada ku geli lahaayeen. Wuxuuna ku yiri sidan soo socota:
“Guriga Aabbahay wuxuu leeyahay hoyaal badan…. waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo. Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan.” (Yooxanaa 14:2-3)
Taas macnaheedu waxaa weeye in markii uu dhintay oo haddana soo noolaaday uu Ciise Masiix aaday jannada. Oo jannadana wuxuu nooga diyaarinayaa meel wanaagsan oo aynu ku noolaanno. Masiixu wuu soo noqon doonaa maalin maalmaha ka mid ah oo wuxuu kuwa isaga raacay oo rumeeyey geyn doonaa jannada.
Laakiinse su’aashu waxay ka taagan tahay: Sidee baynu ku ogaan karnaa inaynu jannada tegayno?
Ninkii xertii ka mid ahaa oo magaciisa oo la oran jiray Toomas ayaa Ciise Masiix su’aal caynkana weydiiyey. Wuxuu ku yiri, “Sayidow, ma naqaan meeshaad tegaysid ee sidee baan ku naqaan jidka?”
“Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.” (Yooxanaa 14:5-6)
“Filibos baa ku yidhi, Sayidow, Aabbaha na tus, waana nagu filan yahay. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus? Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya” (Yooxanaa 14:8-10).
Arrintan waxaynu ka baran karnaa dhowr waxyaalood.
- Ciise Masiix waa jidka jannada loo maro, oo weliba wuxuu kaloo yahay runta iyo nolosha.
- Ciise Masiix wuxuu ku soo noqon doonaa adduunkan maalin maalmaha ka mid ah inuu jannada geeyo kuwa isaga raacay oo rumeeyey.
- Ciise Masiix iyo Ilaaha Aabbaha ahu waa isku mid qura. Markii aynu aqoonsanno Masiixa Ilaahna waynu naqaan. Taasu waa sabab ka mid ah sababaha dadku u aqoonsaday in Ciise Masiix yahay inankii Ilaah.
Ducada
Taas ka bacdi Ciise Masiix wuxuu ka hadlay wax ku saabsan ducada.
“Oo wax alla waxaad magacayga ku weyddiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka. Haddii aad wax igu weyddiisataan magacayga, waan samayn doonaa” (Yooxanaa 14:13-14).
Taas macnaheedu waxaa weeye in kuwa Ciise Masiix rumaysanu ay magaciisa wax kasta Ilaah ku weyddiisan karaan. Muminiinta oo dhammu waxay Ilaah ku ducaysan karaan afkooda hooyo. Waxay Ilaah u sheegi karaan waxay u baahan yihiin oo dhan. Ilaahna wuu na maqli oo baryadeenna wuu naga jawaabi, markii aynu ku ducaysanno magaca Ciise Masiix.
Lataliye ama Gargaare
Ciise Masiix wuxuu ballanqaaday inuu soo dirayo Lataliye ama Gargaare.
“Aniguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin, waxaa weeye, Ruuxa runta ah oo aanay dunidu qaadan karin, waayo, ma aragto, garanna mayso, idinkuse waad garanaysaan, waayo, wuu idinla jiraa, wuuna idinku jiri doonaa” (Yooxanaa 14:16-17).
Dadka qaarkood waxay yiraahdaan ballanqaadkaas waxaa Ciise Masiix ula jeeday in nebi kale oo isaga ka dambeeyaa imaan doono. Sida runta ah qaar baa waxay yiraahdaan nebigaas kale oo imaanayaa waa “Axmed”. Laakiinse Injiilku wuxuu bayaan u xaqiijinayaa erayga ah “Lataliye” ee ma sheego wax “Axmed” ku saabsan ama la macne ah. Injiilku Lataliyahaas wuxuu ku tilmaamaa inuu yahay Ruuxa Quduuska ah (Yooxanaa 14:26).
Kitaabka Quduuska ahu wuxuu bayaan u muujiyaa in Lataliyahaasu xertii ku soo degay 10 maalmood ka bacdi, markii Ciise Masiix jannada ku noqday (Falimaha Rasuullada 2:1-4). Lataliyuhu waa Ruuxa Quduuska ah, wuxuuna sameeyaa hawlaha Ilaah oo dunida ka socda maantaydan aynu joogno.
Hibooyinka Ilaah
Malaha waxaad haddeertan jeceshahay inaad Ciise Masiix rumayso. Hadday saas tahay, macnaheedu waa in Ruuxa Quduuska ahu kula hadlayo. Haddii aad Ciise Masiix u rumaysad inuu yahay Rabbigaaga iyo Badbaadiyahaaga, Ruuxa Quduuska ahu wuxuu bayaan kuugu xaqiijin doonaa in dembigaagii oo dhan Eebbe cafiyey. Ruuxa Quduuska ahu wuxuu nagu hagaa oo noo muujiya runta oo dhan oo weliba wuu noo qalbiqaboojiyaa. Ruuxa Quduuska ahu waa hadiyad xaq Ilaah ka timid oo aad iyo aad u wanaagsan.
Ilaah wuxuu noo diyaariyey hibooyin badan. Wuxuu noo sameeyey janno aynu ku raaxaysanno. Wuxuu na siiyey dariiq toosan oo dembigeenna lagu cafiyi karo. Wuxuu noo sheegay sidii aynu u ducaysan lahayn iyo inuu ducadeenna naga aqbalayo. Wuxuu na siiyey Ruuxa Quduuska ah oo mar kasta na caawimaya. Ilaah hibooyinkaas oo dhan wuxuu nagu siiyaa Ciise Masiix daraaddiis.
Aayadan kor ka xafid. Yooxanaa 14:6: “Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.”
Tijaabada 4aad: Ilaahay Dadka Wuu Jecel Yahay
Waxaad doorataa jawaabta saxda ah. Saddexda jawaabood mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.
