Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Casharka 1aad: Masiixu waa Erayga Eebbe

Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Injiilka:
Yooxanaa 1:1-5
Yooxanaa 1:14
Luukos 1:26-37
Luukos 2:1-20

Bal hadda casharka akhriso oo si fiican uga jawaab tijaabada. Casharku wuxuu kuu macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Injiilka.

Injiilku bayaan buu u muujinayaa in Ciise Masiix yahay Erayga Ilaah.

Injiilku wuxuu leeyahay: “Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah” (Yooxanaa 1:1). Injiilku wuxuu kaloo leeyahay: “Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay” (Yooxanaa 1:14).

Taas macnaheedu waxaa weeye in Eraygii Eebbe Ilaah dunida yimid oo uu dadka la noolaan jiray. Eraygaasu wuxuu noqday nin. Magaciisuna wuxuu ahaa Ciise Masiix.

Imaanshihiisii waxaa sheegay malaa’ig Jibriil

Sidee baa Erayga Ilaah nin u noqday? Sidee baa Erayga Ilaah dunida u yimid? Luukos oo dhakhtar xertii ka mid ahaa ayaa inoo sheegaya sidii arrintaasu u dhacday. Kitaabka Injiilka oo Luukos qoray wuxuu leeyahay sidan soo socota.

Maryan waxay ahayd gabar bikrad ah, waxayna joogtay magaalada Naasared oo ku taal dalka Falastiin. Waxayna u doonnanayd oo ay guursan lahayd nin nijaar ah oo magaciisa la oran jiray Yuusuf. Maryan iyo Yuusuf labaduba waxay ahaayeen dadkii kasoo farcamay nebi Ibraahim oo weliba waxay ahaayeen farcankii nebi Daa’uud.

Yuusuf iyo Maryan intii aysan is guursan, ayaa waxaa Maryan u yimid malaa’ig Jibriil. Malaa’igtaasu waxay iyada u sheegtay inay wiil dhali doonto. Waxay kaloo ku tiri, wiilka waxaa loo bixin doonaa Ciise (Luukos 1:31). Magaca “Ciise” macnihiisu waa Badbaadiye (Matayos 1:21).

Malaa’ig Jibriil waxay kaloo sheegtay oo tiri: “Nin weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa’uud … boqornimadiisuna ma idlaan doonto” (Luukos 1:32-33).

“Kolkaasaa Maryan waxay malaa’igtii ku tidhi, Sidee baa waxanu ku noqon doonaan? Anigu ninna garan maayo. Malaa’igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona…” (Luukos 1:34-35).

“Maryan ayaa tidhi, Waa i kan, waxaan ahay addoontii Rabbiga. Sidaad u hadashay ha ii noqoto” (Luukos 1:38).

Markaasa malaa’igtii ka tagtay, Maryanna aad bay u faraxday! Taas dabedeedna, Maryan waxay bilowday inay Ilaah ammaanto. Madiixeedii qaarkiis waa kan:

“Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa,
Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah…
Kuwii gaajaysnaa ayuu wax wanaagsan ka dhergiyey,
Kuwii hodanka ahaana iyagoo madhan ayuu diray.
Midiidinkiisii Israa’iil ayuu caawiyey inuu xusuusto
inuu u naxariisto Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba
(Siduu awoowayaasheennii ula hadlay)” (Luukos 1:46-55).

Yuusuf aad buu uga xumaaday, markii uu maqlay oo ogaaday in Maryan uur leedahay. Wuxuu ku goostay inuusan Maryan guursan. Laakiinse malaa’ig Ilaah baa riyo ugu digtay.

Malaa’igtii waxay ku tiri: “Yuusuf ina Daa’uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid” (Matayos 1:20).

Yuusuf malaa’igtii buu addeecay, oo naag ahaan buu Maryan ula guri gelay. Laakiin naag ahaan uguma aanu tegin ilaa iyo intii ay ka dhashay Ciise Masiix (Matayos 1:24-25).

Dhalashadii Ciise Masiix

Waaggaas waxaa dalka Falastiin isticmaarsan jiray Boqortooyadii Roomaanka. Dadkii oo dhan waxaa lagu amray inay aadaan meeshii isirkoodii hore degganaan jiray oo hoy u ahaan jiray, si loo ogaado tirada qabiilkooda. Yuusuf wuxuu ka soo askumay oo isirkiis ka yimid magaalada Beytlaxam, sidaas daraaddeed, Yuusuf iyo Maryan waxay aadeen Beytlaxam, iyagoo ka tegay Naasared, socdaalkaasuna wuxuu ahaa qiyaas 200 oo kiilomitir. Taasu waxay ahayd arrin awal Ilaah u muujiyey nebi Miikaah 700 oo sano ka hor. Ilaah awal buu sii sheegay in Masiixu Beytlaxam ku dhalan doono (Miikaah 5:2).

Ugu dambaystii markii Yuusuf iyo Maryan ay Beytlaxam yimaaddeen, waxay heli kari waayeen meel ay ku hoydaan. Goor ay quusteen, ayaa nin u oggolaaday xeradiisa lo’da.

Isla habeenkaas ayaa Ciise Masiix xeradii ku dhashay. Maryan waxay ilmihii huwisay oo ku duudduubtay maro yar oo jilicsan. Oo waxay ku jiifisay qabaal yar oo lo’da cawska iyo buunshaha loogu shubi jiray. Qabaalkaasu wuxuu ahaa sariirtii ugu horraysay oo Ciise Masiix ku jiifsado. Intii waxyaalahaasu ay Beytlaxam ka dhacayeen, ayaa meel buuralay ah oo aan magaalada ka fogayn arijirro dhowr ah ay idahooda ku ilaalaysanayeen. Iftiin weyn oo ay la yaabeen ayaa ciirkii habeennimo si kadis ah ugu ifitiimiyey. Oo waxaa arijirradii u muuqatay malaa’ig Eebbe soo diray. Markaasaa arijirradii aad u cabsadeen.

Laakiin malaa’igtii baa waxay ku tiri: “Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan. Waayo, maanta waxaa magaalada Daa’uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah” (Luukos 2:10-11).

Intii malaa’iigtu iyaga la hadlaysay ayaa waxaa samadii isugu yimid kumanyaal kale oo malaa’igo ah, iyagoo Ilaah ammaanaya oo leh: “Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda” (Luukos 2:14).

Dabadeedna malaa’igihii way iska tageen. Markaasaa arijirradii haddiiba tageen oo waxay aadeen magaaladii Beytlaxam, oo halkaasay Ciise Masiix ka heleen Ilaahna mahad bay u naqeen.

Niman Xigmad leh oo Bari ka Yimid

Kitaabka Injiilka ee Matayos waxaynu ka akhrinaa in xiddig yaab lahu cirka ka muuqatay, markii Ciise dhashay. Niman reer bari ah oo xiddigo-yaqaanno ahaa ayaa waxay garteen in xiddigtu tahay mucjiso Ilaah iyaga ugu sheegayo in Masiixu dhashay. Dadka qaarkiis waxay u malaynayaan in nimankaas xigmadda lahu ay ka yimaadeen dalalka oo hadda loo yaqaan Iraan iyo Ciraaq. Xiddigo-yaqaannadaasu waxay daba galeen xiddigtii iyaga hagaysay ilaa iyo ay Ciise Masiix ka heleen magaalada Beytlaxam. Oo waxay Ciise Masiix siiyeen hadiyado aad u wanaagsan oo kala ahaa dahab, beeyo iyo malmal.

Ciise Wuxuu ku Noolaan jiray Dalka Masar iyo Dalka Falastiin

Markii xiddigaa-yaqaannadu Ciise Masiix ku soo booqdeen magaalada Beytlaxam ka bacdi ayaa malaa’ig Ilaah waxay Yuusuf u sheegtay inuu Maryan iyo Ciise Masiix oo cunug yar ah uu u qixiyo dalka Masar, maxaa yeelay, ammaan uma ay ahayn in Ciise Masiix sii joogo dalka Falastiin. Waxaa Yuusuf khasab ku noqotay inuu Ciise Masiix Masar u qixiyo, maxaa yeelay, taliyeyaashii reer Rooma midkood (Boqor Herodos) ayaa doonayey inuu Ciise dilo.

Yuusuf, Maryan iyo Ciisaba waxay degganaan jireen dalka Masar intii dhowr sannadood ah. Markii uu dhintay taliyihii doonayey inuu Ciise Masiix nafta ka gooyo la bacdi ayaa Yuusuf ku soo celiyey Maryan iyo Ciise Masiix magaalada Naasared ee ku taal dalka Falastiin. Ciise Masiix wuxuu ku koray oo ku barbaaray magaalada Naasared (Matayos 2:1-23).

Xusuuso: Ciise Masiix waa Erayga Ilaah. Casharrada soo socda midkood kastaba waxaa laga soo guuriyey Injiilka, waxayna kaa caawinayaan sidii aad bayaan ugu garan lahayd siyaabaha Ciise Masiix ku yahay Erayga Eebbe.

Aayaddan kor ka xafid. Waxay casharka kaa siinaysaa ra’yi muhiim ah.
Yooxanaa 1:1: “Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah.”

Tijaabada 1aad: Ilaahay Dadka waa Jecel Yahay

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: