Casharka 3aad: Masiixu waa Kibista Nolosha
Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Injiilka.
Yooxanaa 6:1-71. Bal hadda casharka akhriso oo si fiican uga jawaab tijaabada. Casharka wuxuu kuu macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Injiilka.
Badda Galili waxay ku taallaa dhanka woqooyi ee dalka Falastiin. Dhowr nin oo ka mid ahaa xertii Ciise Masiix waxay ahaayeen kalluumaystayaal ka kala yimid magaalooyinkii ku yiil Badda Galili hareeraheeda. Ciise Masiix waqti badan buu dadka wax ku bari jiray magaalooyinkii gobolka Galili.
Dadku aalaaba saacado badan bay u soo lugayn jireen inay Ciise Masiix arkaan oo wacdigiisa maqlaan. Qaar badanu waxay ugu imaan jireen inuu cudurradooda ka bogsiiyo. Dad indhala’aan, dad curyaan ahaa iyo dad jinniyo qabay intaba wuu bogsiiyey, markii ay Ciise Masiix u yimaadeen.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Ciise Masiix iyo xertiisii waxay heleen war geeriyeed oo naxdin leh. Waxay maqleen in Boqor Herodos uu dilay nebi Yooxanaa, kaasoo ku amray askartiisii inay nebi Yooxanaa madaxa ka gooyaan. Herodos wuxuu ku noolaa nolol macsi miiranna. Wuxuuna haystay oo u galmooday naagtii walaalkiis. Nebi Yooxanaa wuxuu Herodos u sheegay in ficilkaasu yahay dembi weyn oo foolxun. Sababtaas aawadeed, ayaa nebi Yooxanaa xabsi loogu riday, dabadeedna waxaa dilay oo qoorta ka gooyey askartii Herodos (Matayos 14:1-12).
Ciise Masiix iyo xertiisii aad bay arrintaas uga caloolxumaadeen (Matayos 14:13). Waxay u lugeeyeen degmo buuralay ah oo dhanka bari kaga taal Badda Galili, halkaasoo ay keligood ku cidlaysteen. Laakiinse dadkii si uun bay ku ogaadeen in Ciise Masiix halkaas joogo markaasaa kumanyaal qof ku soo qulquleen inay arkaan oo wacdiskiisa maqlaan. Boqollaal qof oo jirran baa u yimid Ciise Masiixna kulligood wuu wada bogsiiyey. Dadkuna way dhegaysteen wacdigiisii, iyagoo u wada riyaaqaya, maxaa yeelay, wuxuu ku hadlayey wax Ilaah ku saabsan oo amar iyo geesinimo leh (Matayos 7:28-29).
Ciise Masiix Wuxuu Quudiyey Shan Kun oo Qof
(Yooxanaa 6:1-15) Maalintii way dhammaatay gabbalkiina waa dhacay. Dadkiina waxaa qasab ku noqotay inay guryahoodii u hoyaadaan, maxaa yeelay, buuraha dushooda ma ay seexan karin.
Ciise Masiix wuxuu xertiisii ku yiri, “Dadka waa inaynu quudinnaa, maxaa yeelay, hadday tagaan, iyagoo gaajaysan guryahoodii hoyaad kuma gaarayaan.”
Xertiisii yaab iyo amakaag bay afka la kala qaadeen! Oo waxay yiraahdeen, “Dadka intaan tiro le’eg cunto ma kala gaarsiin karno xataa haddaynu 200 oo shilin haysanno.”
Ciise Masiixna wuxuu ugu jawaabay, “Dadka waa inaynu quudinna.”
Nin xerta ka mid ahaa oo magaciisa Andaros la oran jiray ayaa wuxuu yiri, “Waxaa dadka ku dhex jira wiil yar oo haysta shan xabbo oo rooti ah iyo laba kalluun.”
Ciise Masiix wuxuu uga jawaabay, “Waa hagaag, ee orodoo ii keen wiilka.”
Ciise Masiix wuxuu wiilkii ka guddoomay cuntadii yarayd ee uu sitay. Markaasaa Ciise Masiix wuxuu dadkii oo dhan ku amray inay u fariistaan koox koox konton konton ah. Dadkiina way addeeceen Ciise Masiix. In ka badan 5,000 oo qof ayaa caws ku kor fariistay.
Markaasaa Ciise Masiix samada fiiriyey oo Ilaah ugu mahadnaqay cuntadii. Taas dabadeedna wuxuu bilaabay inuu jejebiyo kibistii iyo kalluunkii. Kolkaasaa xertii cuntadii u geeyeen dadkii koox kooxda u fadhiyey. Qof kastaaba wuxuu helay in ku filan oo waa laga wada dhergay. Markaasuu dadkii ku yiri, “Taga oo guryihiinnii u hoyaada.” Markii dadkii goobtaas ka dareereen ayaa xertii soo ururiyeen jajabkii meesha ku haray oo waxay ka soo buuxiyeen laba iyo toban dambiilood!
Ciise Masiix Wuxuu ku Kor Socday Biyaha Badda Dushooda (Yooxanaa 6:16-21)
Habeenkaas Ciise Masiix wuxuu iska diray xertii oo wuxuu ku amray inay doonni raacaan oo ay badda dhanka kale uga tallaabaan. Isaguna keligiis wuxuu ku haray buuraleydii, si uu fursad ugu helo inuu gooni ahaan u tukado.
Habeenkaas xertii waxay ku dhib muteen doonyihii. Dabayl xoog weyn baa ku kacday oo hirarkii badduna si khatar ah bay u kaceen. Inkastoo ay lix saacadood doonyihii seeb ku riixayeen haddana masaafada ay socdeen waxay ahayd shan kiilomitir oo keliya.
Ciise Masiix wuxuu ku ducaysanayey dhulka birriga ah, wuuna ogaa in xertiisu doonnidii ku dhib muteen. Ciise Masiix wuxuu jeclaa xertiisa, sidaas daraaddeed, wuxuu goostay inuu caawimo oo dhibka ay ku jireen ka gargaaro. Sababtaas aawadeed, wuxuu ka soo kacay birrigii uu joogay oo wuxuu ku soo dul socday biyihii badda, isagoo u soo socda doonnida xaggeedii. Goor ay toban saac oo habeennimo tahay ayaa xertii waxay arkeen Ciise Masiix oo biyaha dushooda ku lugaynaya oo xaggooda u soo socda. Markii hore dhammaantood aad bay u wada baqeen oo cabsi baa beerka goysay, waayo, waxay moodeen in muqaalka u muuqday uu yahay cirfiid ama jinni.
Laakiin Ciise Masiix ayaa la hadlay oo ku yiri, “War waa aniga ee ha cabsanina.”
Markaasaa xertii aad iyo aad u farxeen. Ciise Masiixna wuxuu ugu tegay doonnida dusheedi oo haddiiba waxaa joogsatay duufaantii dhacaysay, doonnidiina waxay markiiba soo gaartay meeshii ay u socdeen.
Erayga Ilaah xoog buu leeyahay
Qisooyinkanu waxay muujinayaan oo ina barayaan waxyaalo muhiim ah oo ku saabsan Ciise Masiix. Kitaabka Tawreedda ugu horreeya waxaynu ka barannay in Ilaah wax kasta ku uumay Eraygiisa. Injiilkuna wuxuu inoo muujinayaa in Erayga Ilaah nin noqday iyo in ninkaasu yahay Ciise Masiix qudhiisa.
Isla Eraygaas uu Ilaah dunida oo dhan ku uumay wuxuu mar kasta leeyahay xoog weyn oo uu ku sameeyo hawlaha cajaa’ibka waaweyn ee Ilaah. Erayga Ilaah wuxuu dhowr xabbo oo rooti ah iyo laba xabbo kalluun ah ka dhigi karaa cunto ku filan oo deeqda 5,000 oo qof. Biyaha badda dushoodana wuu ku socon karaa. Baddoo kacsan mawjadaheedana wuxuu ka dhigi karaa balli deggan oo aan duufaan iyo dabayl midna lahayn. Maadaama Ciise Masiix uu yahay Eraygii Ilaah, wuxuu awood u lahaa inuu sameeyo ficilladaas cajaa’ibka waaweyn leh ee Ilaah.
Ciise Masiix waa Kibistii Nolosha (Yooxanaa 6:22-59)
Dadkii Ciise Masiix uu quudiyey aad bay ugu farxeen. Subaxdii dambe intay doonayo soo wateen ayay badda dhankeedii kale u soo wareegeen. Waxayna aad u doonayeen inay Ciise Masiix mar kale helaan. Kolkii ay heleen aad bay mar labaad ugu farxeen oo waxay filanayeen oo ay aad u rajaynayeen inay cunto kale oo badan ka dhergaan!
Hadalkoodii ay Ciise Masiix la yeesheen sidan soo socota ayuu ahaa.
“Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey. “Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Maxaannu yeelnaa si aannu shuqullada Ilaah u samayno? “Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray” (Yooxanaa 6:27-29).
“Sidaa darteed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba calaamadee baad samaynaysaa inaannu aragno oo ku rumaysanno? Maxaad, samaynaysaa? Awowayaasheen waxay cidlada ku cuneen maannada sidii loo qoray, Wuxuu samada ka siiyey kibis ay cunaan.
“Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Muuse samada idinkama siin kibistii, laakiin Aabbahay baa samada idinka siiya kibista runta ah. Waayo, kibista Ilaah waa kan samada ka soo degay oo dunida nolosha siiya.
“Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kibistan mar walba na sii.
“Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis. […] Anigu waxaan ahay kibista nool ee samada ka soo degtay. Haddii qof uun kibistan cuno, weligiis wuu noolaan doonaa” (Yooxanaa 6:30-35,51).
Tani macnaheedu waxaa weeye in kuwii Ciise Masiix rumeeyaa ay ku raaxaysan doonaan jannada weligood. Waayo, Masiixu waa kibistii nolosha oo samada ka timid. Ninkii rumaystana wuxuu helayaa nolol daa’im ah.
Waa Kuma Ciise?
Maalintaas ka bacdi qaar badan baa ka haray oo iska dhaafay Ciise Masiix la socodkiisii (Yooxanaa 6:66). Dadkaasu waxay diideen inay Ciise Masiix u rumeeyaan inuu yahay Masiixii.
“Haddaba Ciise wuxuu laba-iyo-tobankii ku yidhi, Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan?” (Yooxanaa 6:67)
“Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe. Annaguna waa rumaysannay, waana og nahay inaad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah.” (Yooxanaa 6:68-69)
Aayaddan kor ka xafid. Yooxanaa 6:29: “Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.”
Tijaabada 3aad: Ilaahay Dadka Wuu Jecel Yahay
Waxaad doorataa jawaabta saxda ah. Saddexda jawaabood mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.
