Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Casharka 1aad: Ilaah baa dunida abuuray

Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Kitaabka Tawreedda ah:

Bilowgii 1:1-25

Bal hadda casharka akhriso oo si fiican u samee tijaabada dhammaadkiisa ku taal. Casharku wuxuu kuu macnaynayaa oo ku faahfaahinayaa wixii aad kuu soo akhrisatay Kitaabka Tawreedda ah.

“Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.” Kuwaanu waxaa weeye erayada ugu horreeya Tawreedda ee Kitaabka Quduuska ah,

Dunidu waa meel cajaa’ib leh. Sow cajaa’ib miiran ma aha? Eraygii Ilaah u soo dhiibay Nebi Muuse ayaa wuxuu na tusayaa sida dunidu meel cajaa’ib miiran ah u tahay. Tawreeddii Nebi Muuse loo soo waxyooday ayaa waxay leedahay, Ilaah ayaa dunida abuuray.

Dadka qaarkooda Ilaahba ma rumaysna. Ilaah wuxuu kitaabkiisa ku caddeeyey in kuwaa aan isaga rumaysnaynu ay doqommo caqli daran yihiin. Kuwaasu ma sheegi karaan, mana garan karaan sida dunidu meel cajaa’ib leh kuu tahay ama kuu noqon karto.

Goortii Ilaah dunida abuuray

Aayadda ugu horraysa Kitaabka Tawreedda ah waxay sheegaysaa in Ilaah horrayntii samada iyo dhulka abuuray (Bilowgii 1:1).

Xusuuso: Bilowgii 1:1 macneheedu waxaa weeye, kitaabka Bilowgii cutubkiisa kowaad iyo aayadda kowaad. Kitaabka Bilowgii waa qaybta ugu horraysa Kitaabka Tawreedda ah.

Bilowgaas kitaabku sheegay goortuu ahaa ma taqaan? Culimmada saynisku intooda badanu waxay yiraahdaan dunida waa duq gabooday oo waxay soo jirtay malyuun sannadood. Laakiinse dadka qaarkood waxay yiraahdaan dhulku dhowr kun oo sannadood oo keliya buu soo jiray. Labadaas qolo kuweeba qumman? Arrintaas Kitaabka Tawreeddu waxba nooga sheegi maayo. Ma jiro qof si dhab ah u garanaya goortuu bilowgaas la sheegay ahaa.

Dunidu sidee bay u ekayd?

Maxaad u malaynaysaa in dunidu u ekayd bilowgii? Kitaabka Ilaah ee ugu horreeya ee Tawreeddu wuxuu sheegayaa inay ahayd wax aan innaba qaab lahayn oo maran (Bilowgii 1:2). Taas macneheedu waxaa weeye inaan dunidu markii ugu horraysay innaba qaab lahayn. Culimmada saynisku waxay umalaynayaan in dunida markii ugu horraysay uu ka buuxay dhagax karkaraya iyo gaas holcaya. Qorraxdu waa sidaas oo kale maantadan joogo, oo waxaa la yiraahdaa qorraxdu waa gaas iyo qiiq iyo olol isku wada qarxaya.

Laakiin Ilaah waa ka beddelay dhulka sidii hore oo aan qaabka lahayn, oo wuxuu ka dhigay meel wanaagsan. Ilaah wuxuu dhulka u sameeyey hawo iyo biyo. Wuxuu ka dhigay dhul berri ah iyo dabayl qabow. Ilaah wuxuu sameeyey roobka, dhirta iyo cawska. Wuxuu kaloo sameeyey kalluunka badda, libaaxyada, iyo geela. Waxa dunida jooga oo dhan Ilaah baa abuuray oo Eebbe u ah.

Sidee baa Ilaah dunida u abuuray?

Kitaabka Bilowgii cutubka kowaad waxaannu ka baranaynaa in Ilaah dunida ku abuuray lix malmood.

Maalintii kowaad: Ilaah wuxuu abuuray habeen iyo maalin (Bilowgii 1:3-5). Waxaannu garanaynaa in dunidu u wareegto sidii garangar oo kale. Waxaannu garanaynaa in wareeggaas uu sameeyo habeen iyo maalin. Ilaah wuxuu habeenka iyo maalinta noogu sameeyey inaynu helno waqti aynu shaqaysanno iyo waqti aynu nasanno oo wanaagsan. Taasu aad iyo aad bay noogu wanaagsan tahay innaga. Run ahaantii, Ilaah wuxuu ku talagalay inuu dunida ka dhigo meel aad u wanaagsan.

Maalintii labaad: Ilaah wuxuu abuuray neecawda iyo daruurta inay dhulka ka sarreeyaan (Bilowgii 1:6-8). Neecawdu waa daah, oo aad bay noo anfacdaa oo xijaab bay noo tahay. Waxay dhulka ka dhawrtaa oo kahor joogsataa in qorraxdu maalintii gubto ama aad u kululayso. Roobkuna wuxuu ka soo askumaa oo ka yimaada neecawda oo weliba daruuruhuna waa sidaas oo kale.

Maalintii saddexaad: Ilaah wuxuu abuuray dhulka engegan oo wuxuu kor uga soo saaray badaha (Bilowgii 1:9-13). Xataa buuraha dunida ugu dhaadheer waxaynu dushooda ka heli karnaa dhagaxyo asalkoodii hore ka soo askumay badda gunkeeda hoose. Taasu waxay inoo muujinaysaa in mar Ilaah og yahay ay baddu dhulka adduunka oo dhan ka korraysay ama ku dahaarnayd. Kitaabka Tawreedda ahi wuxuu sheegayaa in bilowgii biyuhu wax kasta ka korreeyeen (Bilowgi 1:6-10). Laakiinse markii dhulku badda ka soo muuqday ay geedo waaweyn iyo dhir yaryar ka soo baxeen.

Maalintii afaraad: Ilaah wuxuu abuuray qorraxda, iyo dayaxa iyo xiddigaha oo dhan inay iftiimaan (Bilowgii 1:14-19). Qorraxda, dayaxa iyo xiddiguhu wax weyn bay nagu taraan oo aad bay noo anfacaan. Xiddiguhu habeenkii bay noo iftiimaan. Markii aynu socdaal nahayna jihooyinka ayaannu ku tilmaansannaa. Qorraxda iyo dayaxu waxay iftiin na siiyaan habeenkii iyo maalintii. Qorraxda iyo dayaxu waxay noo kala tilmaamaan oo ayna ku kala aqoonsannaa waqtiga habeennimo iyo waqtiga dharaarnimo iyo xilliyada, bilaha iyo sannooyinka.

Maalintii shanaad: Ilaah wuxuu abuuray kalluunka iyo shimbiraha (Bilowgii 1:20-23). Nafleydaas Eebbe abuuray maxaad u malaynaysaa inay quuteen? Waxaa quud u noqday oo ay cuneen dhirtii Ilaah abuuray maalintii saddexaad! Ilaah wuxuu nafleyda oo dhan u sameeyey quud ay ku noolaadaan intuusan iyaga uumin kahor! Ilaah si wanaagsan oo cajaa’ib leh buu dunida jaangooyadeeda u sameeyey.

Maalintii lixaad: Ilaah wuxuu abuuray xayawaanka waaweyn oo ay ka mid yihiin geela iyo lo’da. Xayawaankaasu waxay joogaan oo ay ku nool yihiin korkiisa (Bilowgii 1:24-25). Xayawaankaas intooda badanu way noo anfacaan. Waan ku shaqaysannaa oo aad iyo aad bay noo caawimaan. Isla maalintaas ayaa Ilaah abuuray aadanaha.

Maalintii toddobaad: Ilaah wuxuu dhammaystiray shuqulkiisii uu dunida ku abuurayey (Bilowgii 2:2). Markii Ilaah dunida abuuray aad buu ugu farxay. “Oo Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeen” (Bilowgii 1:31).

Ilaah markii uu dunida abuuray, wuxuu abuuray eraygiisa oo keliya. Bal dhegayso, waxay Tawreeddu leedahay. Ilaah wuxuu yiri, “Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday” (Bilowgii 1:3). Markii aad akhrisatid cutubka kitaabka Bilowgii u horraysa, waxaad ku arki doontaa erayada leh, “Ilaah wuxuu yiri” ugu yaraan sagaal jeer. Markii Ilaah hadlay ayaa wax waliba ahaadeen. Erayga Ilaah ayaa dunida abuuray.

Muxuu Ilaah dunida u abuuray?

Ilaah markii uu dunida si wanaagsan u abuuray kadib, ayuu wuxuu siiyey dadka inay si qumman ugu isticmaalaan. Kitaabka Tawreedda ah wuxuu noo sheegayaa in Ilaah na siiyo wax kasta oo aannu ku raaxaysanno (Bilowgii 1:28-31). Dunidu waa hadiyad Ilaah ina siiyey.

Aayaddan kor ka xafid. Waxay casharka kaa siinaysaa ra’yi muhiim ah. Bilowgii 1:1: “Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.”

Tijaabada Casharka 1aad: Bilowgii Dadka

Waxaad doorataa jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta dhinaca bidix ku taal bal guji.

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: