Casharka 5aad: Axdigii Ilaah la dhigtay Nebi Ibraahim
Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Kitaabka Tawreedda ah:
Bilowgii 12:1-20
Bal hadda casharka akhriso oo si fiican uga jawaab tijaabada dhammaadkiisa ku taal. Casharku wuxuu ku macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Kitaabka Tawreedda ah.
Nebi Ibraahim wuxuu dunida ku noola sanooyin badan oo ka dambeeyey daadkii dunida qarqiyey qarnigii Nebi Nuux. Wuxuu aabbihiis la degganaan jiray dal la oran jiray Mesobotamiya. Magaalada uu joogi jirayna waxaa la oran jiray Haaraan. Mesobotamiya waxay woqooyi ugu toosnayd Maka, waxayna u jirtay 1500 oo kiloomitir oo keliya. Waxayna ahayd dalka maanta loo yaqaan Ciraaq. Mesobotamiya waxay ahayd dal aad ugu wanaagsan daaqsiinta xoolaha iyo beeratacabka. Dalkaas waxaa ku yaal laba webi oo waaweynoo xagga buuraha biyo badan ka keena.
Nebi Ibraahim wuxuu qabay xaas qurux badan oo magaceeda la oran jiray Saarah. Haweeneydaasu waxba carruur uma dhalin Nebi Ibraahim, waayo, waxay ahayd madhasho. Laakiinse Nebi Ibraahim wuu ladnaa oo si wanaagsan buu ku noolaa.
Ilaahay, Nebi Ibraahim buu doortay
Nebi Ibraahim waxaa ku dhacay arrin noloshiisii oo dhan beddelay. Ilaah baa wuxuu ku yiri isagii: “Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac” (Bilowgii 12:1). Markaasaa Ibraahim tegay (Bilowgii 12:4).
Nebi Ibraahim wuxuu addeecay Ilaah
Nebi Ibraahim wuu addeecay yeeristii Ilaah isaga u yeeray. Yeeristaas Ilaah oo uu addeecay aawadeed, ayaa Nebi Ibraahim ka tegay oo ka haajiray reerkii aabbihiis iyo dhulkiisiiba. Wuxuu socdaal ku jiray bilo badan. Ugu dambaystiina, wuxuu yimid dal cusub oo qalaad. Dalkaas qalaad oo uu yimid waxaa la oran jiray Falastiin ilaa maantaydanna waa loo yaqaan magacaas. Nebi Ibraahim wuxuu dalkaas Falastiin degganaa sanooyin badan iyo waqti dheer. Akhirkiina wuxuu ku dhintay dalkaas Falastiin, isagoo ka fog ummaddii aabbihiis iyo ehelkiisii oo dhan.
Ilaah ballan buu Ibraahim u qaaday
Ilaah wuu garanayey oo wuu ogaa in Nebi Ibraahim iimaan dhab ah iyo rumaysad daacad ah leeyahay. Ilaah wuu ku farxay Nebi Ibraahim, maxaa yeelay, isagu Ilaah buu addeecay oo si dhab ah u aamminay. Taas daraaddeed, Ilaah wuxuu ballanqaaday inuu Nebi Ibraahim barakeeyo (Bilowgii 12:2).
Ilaah wuxuu ballanqaaday inuu Nebi Ibraahim dhashiisa u badiyo sida xiddigaha samada. Wuxuu ballanqaaday inuu dalka Falastiin hanti ahaan u siiyo Nebi Ibraahim iyo farcankiisa weligood iyo abidkoodba. Wuxuu ballanqaaday inuu binu aadanka oo dhan ku barakeeyo wiil Nebi Ibraahim ka dhalan doona.
Nebi Ibraahim wuxuu la kulmay dhibaatooyin waaweyn
Nebi Ibraahim dhib bay ku ahayd inuu saaxiibadiis oo dhan ka tago. Dhib bay ku ahayd inuu xoolajir ku noqdo dal qalaad oo uusan aqoon. Dhib bay ku ahayd inuu reerguuraa ku ahaado dalka Falastiin. Waqti yar ka bacdi, waxaa Nebi Ibraahim ku dhacday dhibaato weyn oo culus. Meeshii Nebi Ibraahim deggana roob baa laga waayey oo dhulkiina abaar buu noqday. Xoolihii caws ay daaqaan waa laga waayey. Dadkiina cunto uu cuni waa la waayey (Bilowgi 12:10).
Dadka Ilaah raaca oo u go’ay maantaydanba sidaas oo kale ayaa dhibaatooyin uga hor yimaadaan. Dadka qaarkood waxaa laga cayriyaa guryahoodii iyo maalkooda. Qaarna saaxiibadood baa ku qosqosla oo ku kajama. Dhibaatooyinka caynkaas ahu waa inoo tijaabo oo waxay naga dhigaan kuwo adadag oo Ilaah ku kalsoon. Waxay na tusayaan inaynu Ilaah si run ah u rumaysan nahay iyo in kale. Waxay na tusayaan inaynu jecel nahay inaan Ilaah addeecno iyo in kale.
Markii dhibaato nagu timaaddo Ilaah iskama kaayo illoobo. Maya, taasu marnaba ma dhacdo. Ilaah mar kasta wuxuu doonayaa inuu noogu naxariisto naxariistiisa weyn. Wuxuuna doonayaa inuu na siiyo awood iyo itaal wanaagsan oo aynu ku adkaysanno, markii ay dhibaato nagu timaaddo.
Inkastoo Nebi Ibraahim uu gajooday oo uu harraaday, haddana wuxuu goostay inuu Ilaah addeeco oo uu isaga iska aammino. Nebi Ibraahim dib uguma noqon gurigii aabbihiis ee Ilaah buu iska aamminay oo addeecay. Dhibaatooyinkii kahor yimid ma ay qalbi jabin ee wuxuu iska joogay dalkii qalaad oo uu qariibka ku ahaa. Wuxuu yeelay sidii Ilaah ku amray.
Ballankii Ilaahay u qaaday Nebi Ibraahim wuu adkaa in la rumaysto
Inkastoo Nebi Ibraahim Ilaah iska addeecay, haddana way ku adkayd inuu Ilaah si buuxda u aammino. Maxaa yeelay, Ilaah ballamadii uu isaga u qaaday waxay ahaayeen kuwo si adag lagu rumaysan karo.
Nebi Ibraahim xaaskiisii waxay ahayd duq gabowday, oo weliba waxay ahayd madhasho. Haddaba, bal Nebi Ibraahim farcankiisu sidee bay xiddigaha samada ula mid noqon kareen, isagoo aan innaba dhal lahayn?
Dhalashadii Ismaaciil
Saarah waxay umalaysay inaysan weligeed wiil dhalayn. Sidaas daraaddeed, waxay Nebi Ibraahim u fasaxday inuu haweeney labaad guursado. Nebi Ibraahimna wuu aqbalay taladii Saarah kula talisay. Wuxuu guursaday haweeney magaceeda la oran jiray Haagaar. Haagaar waxay Nebi Ibraahim u dhashay haddiba wiil magaciisa la oran jiray Ismaaciil.
Ilaah wuxuu ballanqaaday inuu barakeeyo farcankii Ismaaciil. Ilaah wuxuu ballanqaaday in Ismaaciil dhashiisa noqon doonto quruun weyn oo xoog badan. Barakadii Ilaah waxay dul saarnayd wiilkii Ismaaciil ahaa. Kitaabka Tawreedda ah wuxuu noo sheegayaa sidan soo socota: “Ilaahna wiilkii buu la jiray” (Bilowgii 21:20). Ismaaciil iyo hooyadiis Haagaar waxaa lagu fogeeyey cidla lamadegaanka ah. Waxay waayeen biyo ay cabbaan. Laakiinse malaa’ig Ilaah baa badbaadisay oo waxay Haagaar tustay ceel biyo leh (Bilowgii 21:14-21). Taasu waxay na tusaysaa in Ilaah Ismaaciil jeclaa oo xannaanayn jiray.
Nebi Ibraahim wuxuu iska rumaystay ballankii Ilaah u qaaday
Markii Ismaaciil dhashay ka bacdi ayaa Ilaah wuxuu is tusay Nebi Ibraahim. Ilaah wuxuu Nebi Ibraahim u ballanqaaday in xaaskiisii Saarah ay wiil kale u dhali doonto. Kaasu wuxuu ahaa ballanqaad la yaab leh. Saarah waxay ahayd naag gabowday oo madhasho ah. Markii ballankaas Ilaah u qaaday Saarah waxay ku dhowayd sagaashan jir, markeedii horana waxayba ahayd madhasho.
Habase ahaatee, Nebi Ibraahim Ilaah wuu iska rumaystay!
Ilaah Nebi Ibraahim wuu jeclaa, maxaa yeelay, isagu wuxuu iska rumaystay ballankii Ilaah. Taasu waa arrin lagama maarmaan ah. Kitaabka Rooma wuxuu leeyahay, “Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo” (Rooma 4:23). Marmarka qaarkood Nebi Ibraahim aad uma rumaysan Ilaah. Laakiin wuxuu aad iyo aad u rumaystay in xaaskiisii Saarah ay wiil u dhali doonto.
Rumaysadkii uu Ilaah rumaystay aawadeed ayaa Ilaah wuxuu yiri, Nebi Ibraahim waa nin wanaagsan. Nebi Ibraahim wuxuu dembiga kaga badbaaday rumaysadkii uu rumaystay ballanka Ilaah. Annaguna sidaas oo kale ayaannu ku badbaadi karnaa.
Ilaah axdi weyn buu Nebi Ibraahim la dhigtay
Ilaah axdi weyn buu Nebi Ibraahim la dhigtay. Ilaah wuxuu doortay Nebi Ibraahim oo wuxuu ballanqaaday inuu isaga barakeeyo. Nebi Ibraahim wuxuu raalli ku noqday inuu Ilaah rumeeyo oo isaga oo qura addeeco. Rumaysadkii uu Ilaah rumaystay aawadeed ayaa baraka Ilaah oo khaas ahu waxay ku soo kor degtay oo ku raagtay Nebi Ibraahim iyo qoyskiisiiba.
Axdiga u dhexeeyey Nebi Ibraahim iyo Ilaah wuxuu ahaa mid muhiim ah. Ilaah wuxuu Nebi Ibraahim ka doonayey inuu axdiga Eebbe mar kasta xusuusnaado. Sidaas daraaddeed, Ilaah wuxuu Nebi Ibraahim ku amray inuu is gudo (Bilowgii 17:10-11). Gudniinkaasu wuxuu calaamad u ahaa axdigii ka dhexeeyey Nebi Ibraahim iyo Ilaah. Taas intii ka dambaysayna dhashii Ibraahim waxay mar kasta gudi jireen wiilashooda oo waxay ahayd astaan lagu yaqaan oo caan ah.
Wixii Ilaah ballanqaaday waa u barako qof kasta
Wiilkii Ilaah ballanqaaday wuxuu dhashay, markii Nebi Ibraahim boqol jir ahaa, Saarahna sagaashan jir bay ahayd. Nebi Ibraahim arrintaas wuu ku farxay aad iyo aad, oo wiilkiina wuxuu u bixiyey Isxaaq.
Dhashii Nebi Ibraahim oo Isxaaq ka farcantay Ilaah ballan weyn buu u qaaday. Ilaah wuxuu yiri, “oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga” (Bilowgii 22:18).
Taas macnaheedu waxaa weeye in quruumaha dunida oo dhammu ay ku barakoobi doonaan Isxaaq oo ahaa ina Ibraahim. Waxaad meel kale ku baran doontaa in Badbaadiyihii dunidu ka dhashay farcankii Nebi Ibraahim iyo Saarah. Run ahaantii, axdigii Ilaah la dhigtay Nebi Ibraahim wuxuu muhiim u ahaa dunida oo dhan.
Aayadan kor ka xafid. Rooma 4:3: “Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.”
Tijaabada Casharka 5aad: Bilowgii Dadka
Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.