Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Casharka 6aad: Qorshihii Ilaah ee Yacquub

Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Kitaabka Tawreedda ah:

Bilowgii 25:19-34
Bilowgii 37:2-11

Bal hadda casharka akhriso oo si fiican u samee tijaabada dhammaadkiisa ku taal. Casharku wuxuu ku macnaynayaa oo ku faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Kitaabka Tawreedda ah.

Axdiga Hore intiisa badanu waxay sheegaysaa qisadii iyo taariikhdii dhashii Nebi Ibraahim iyo Saarah. Laakiin run ahaantii, intaas way ka sii badan tahay. Oo waa taariikh sheegaysa sida Ilaah noogu muujiyey qorshaha uu doonayo inuu naga badbaadiyo.

Markii aynu addeecno Ilaah, ayaannu waxaan aragnaa in Ilaah arrimaheenna iyo nolosheenna ka shaqaynayo. Waxaan arkaynaa in Ilaah naga taxaddarayo siduu uga taxaddaray Nebi Ibraahim iyo carruurtiisii.

Ilaah wuxuu doortay Yacquub

Nebi Ibraahim wuxuu damcay in wiilkiisa Isxaaq ahu u naaga ka guursado dadkiisii reer Mesobotamiya. Sidaas daraaddeed, mid adeegehiisii ka mid ah ayaa wuxuu diray Mesobotamiya oo ahayd dalkii aabbihiis. Ilaahna ninkaas wuxuu ku toosiyey naagtii uu Isxaaq u doortay. Magaceeda waxaa la oran jiray Rebeqah.

Muddo 20 sannadood ah Rebeqah wax carruur ah ma ay dhalin. Laakiin Isxaaq baa iyada Ilaah u baryey. Dabadeedna, Ilaah wuxuu iyadii siiyey laba wiil oo mataano ah (Bilowgii 25:21). Wiilaashaasu intii aynan dhalan ayaa Ilaah wuxuu Rebeqah ku yiri, “Kan weynuna wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar” (Bilowgii 25:23). Wiilkii hore waxaa lagu magacaabay Ceesaw, kii dambena waxaa lagu magacaabay Yacquub.

Ceesaw wuxuu noqday ugaarsadii weyn oo wuxuu jeclaa inuu duurka iska jooga. Yacquubse wuxuu jeclaa inuu guriga iska ag joogo, oo aqalka hooyadiis kama fogaan jirin. Maalin baa Ceesaw wuxuu ku soo hungoobay ugaarsashadii oo wuxuu u yimid walaalkiis Yacquub, isagoo aad iyo aad u gaajaysan. Wuxuuna walaalkiis Yacquub weydiistay wax uu cuno. Laakiinse Yacquub wuxuu ku yiri, “Maanta iga iibi curadnimadaada” (Bilowgii 25:31). Sidaas daraaddeed, Ceesaw wuxuu curadnimadiisii Yacquub kaga iibsaday fuud cas ah.

Markii Isxaaq uu gaboobay oo uusan aad wax u arki karin, ayuu wuxuu damcay inuu u duceeyo wiilkiisii Ceesaw oo curadkiisii ahaa. Laakiin Yacquub baa aabbiihiis Isxaaq siray, oo wuxuu iska soo dhigay Ceesaw. Oo sidaas ayuu ku qaatay ducadii uu Isxaaq rabay inuu Ceesaw ugu duceeyo.

Ilaah dadkii reer baani-Israa’iil wuxuu u kaxeeyey oo geeyey dalka Masar

Yacquub wuxuu dhalay laba iyo toban wiil. Wiilashaas midkood wuxuu ahaa Yuusuf. Yuusuf walaalihiis baa aad ula colloobay oo necbaaday, maxaa yeelay, aabbahood Yacquub baa isaga aad uga jeclaa intooda kale oo dhan. Yacquub wuxuu Yuusuf siiyey khamiis qurux badan oo khaas ah. Maalin baa Yuusuf wuxuu ku riyooday walaalihiis oo isaga u sujuudayo (Bilowgii 37:5-8). Markii uu walaalihiis riyadii u sheegay, ayey isagii aad u sii necbaadeen.

Waa dambe, iyagoo arigoodii duurka daajinaya oo aabbahood iyo gurigii ka fog, ayaa waxaa u yimid Yuusuf oo iyaga ka soo war doonay. Oo intay qabteen oo xirxireen ayey addoon ahaan uga iibsadeen niman geddisley ah u Masar u socda. Oo aabbahoodna waxay ku yiraahdeen, Yuusuf bahal baa cunay.

Markuu Masar tegay ayaa Yuusuf waxaa laga iibsaday nin Footiifar la oran jiray oo ahaa sirkaal Fircoon u shaqeeya. Yuusuf aad buu u qurux badnaa. Markuu intii muddo ah ninkaas addoon u ahaa ayaa waxaa iska caashaqday xaaskii Footiifar oo waxay ku tiri, “Kaalay oo ila jiifso.” Laakiin Yuusuf waa diiday inuu haweeneydaas ka sinaysto. Kitaabka Quduuska ahu wuxuu noo sheegayaa, “Oo waxay noqotay, in kastoo ay maalinba maalinta ka dambaysa la hadlaysay Yuusuf, inuu maqli waayay inuu la jiifsado ama uu la joogo iyadii” (Bilowgii 39:10).

Maalin baa isagoo Yuusug ka dhex shaqaynay guriga ayaa waxaa qabsatay xaaskii Footiifar oo waxay ku dhegtay dharkiisii uu qabay oo waxay ku tiri, “Ila jiifso” (Bilowgii 39:12). Yuusuf wuu ogaa sinadu inay dembi tahay. Wuu ogaa inay dembi Ilaah ka dhan ah tahay. Markaasu gurigii ka cararay oo dibadda uga baxay, iyadoo dharkiisii gacanta ku haysata. Maalintii dambena intay soo roortay ayey ninkeedii been u sheegtay. Oo waxay ku tiri, “Yuusuf baa i kufsaday.” Kolkaasaa Footiifar aad u xanaaqay oo Yuusufna xabsi buu ku tuuray.

Ilaah wuxuu la jiray Yuusuf xataa markii uu xabsiga ku jiray. Habeen baa waxaa riyooday Fircoon. Nin Yuusuf horay u yiqiin baa wuxuu Fircoon ku yiri, “Riyadaas waxaa macneheeda kuu sheegi kara Yuusuf.” Yuusuf baa xabsigii looga yeeray, kolkaasuu Fircoon u sheegay in riyadaasu tahay digniin xagga Ilaah ka timid. Oo macneheedu wuxuu ahaa in toddoba sannadood kadib abaar ka dhici doonto dalka. Markaasaa Fircoon xabsigii Yuusuf ka sii daayey oo wuxuu ka dhigay taliye sare oo xukuma dalka Masar oo dhan. Toddoba sannadood ayaa Yuusuf cunto kaydinayey oo wuxuu u tabaabushaystay waqtiga abaarta.

Markii abaartii timid ayaa Yuusuf walaalihiis dalkii Masar ugu yimaadeen oo waxay u soo doonteen inay cunti ka iibsadaan. Markii ay Yuusuf la kulmeen ayey u wada sujuudeen. Mana ay garanayn inuu Yuusuf yahay. Markii ugu horraysay si qallafsan oo jirrabaad buu ula macaamilooday. Dabadeedse, wuu isu sheegay inuu walaalkood Yuusuf yahay. Iyagiina aad iyo aad bay u cabsadeen, laakiinse wuxuu iyagu ku yiri, “Ha cabsanina, hana baqina.” Wuxuuna intaas sii raaciyey, “Idinku xumaan baad ila damacsanaydeen, laakiinse Ilaah wuxuu damacsanaa wanaag si uu u sameeyo siday maantaba tahay oo uu dad badan badbaadiyo” (Bilowgii 50:20).

Yuusuf walaalihiis ku yiri, “Taga, oo aabbahay Yacquub dalka Masar iigu keena.” Sidaas daraadeed, Yacquub iyo carruurtiisii oo dhammuba waxay u guureen dalka Masar.

Saddex waxyaalood oo muhiim ah

Qisadanu waxay na baraysaa saddex waxyaalood oo muhiim ah.

  1. Waxa Ilaah damacsan yahay had iyo goor ma noqdaan waxa aynu u malaynayno iyo sida aynu filanayno. Isxaaq wuxuu filanayey in Ilaah qorshihiisu Ceesaw ku fuli doono, waayo, isagaa curad ahaa. Caadada dadkii Isxaaqna sidaas bay ahay. Laakiin Ilaah wuxuu doortay Yacquub.
  2. Ilaah xataa dhib iyo qaxar waa ku isticmaalaa, markii uu doonayo inuu khayr keeno. Markii Yuusuf walaalihiis ay addoon ahaan u iibsadeen, Ilaah khayr buu ka damacsanaa dhibkaas iyo qaxarkaas. Akhirtaankii, Yuusuf wuxuu ogaaday in Ilaah khayr ka damacsanaa arrintaas oo dhan.
  3. Ilaah waa naga samatabbixin karaa duufsasho kasta iyo wixii jirrabaad ah oo dhan. Yuusuf waa diiday wixii ay xaaskii Footiifar ka doonaysay, Ilaahna wuxuu isagii siiyey guul iyo liibaan.

Aayaddan kor ka xafid.
Bilowgii 50:20: “Idinku xumaan baad ila damacsanaydeen, laakiinse Ilaah wuxuu damacsanaa wanaag si uu u sameeyo siday maantaba tahay oo uu dad badan badbaadiyo.”

Koorsada kale oo tan ku xigta waxaad ku baran doontaa Kitaabka labaad ee Tawreedda ah. Waxaad ka baran doontaa waxbarasho ku saabsan nebiyadii iyo dadkii Ilaah oo ahaa Nebi Muuse, Haaruun iyo Nebi Daa’uud.

Tijaabada Casharka 6aad: Bilowgii Dadka

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: