Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Casharka 4aad: Nebi Nuux iyo Daadkii

Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Kitaabka Tawreedda ah:

Bilowgii 6:5-22
Bilowgii 7:1-24
Bilowgii 8:1-22

Bal hadda casharka akhriso oo si fiican u samee tijaabada dhammaadkiisa ku taal. Casharku wuxuu ku macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Kitaabka Tawreedda ah.

Qaabiil iyo Haabiil waxay ahaayeen carruurtii Aadan iyo Xaawo. Midkood kastaaba wuxuu Ilaah u keenay allabari. Ilaah wuxuu u riyaaqay allabarigii Haabiil, laakiinse allabarigii Qaabiil uma bogin, mana aqbalin (Bilowgii 4:1-7). Taas aawadeed, Qaabiil wuxuu ku xanaaqay Haabiil oo wuuna dilay (Bilowgii 4:8).

Aadan iyo Xaawo taas way ka murugoodeen. Oo waxay soo xusuusteen inay Ilaah addeeci waayeen oo ay ku caasiyoobeen. Haddana, waxay indhahooda ku arkeen in dembigoodii reerkooda balaayo u soo jiiday oo ay qoyskoodii ku timid is dilid iyo gacan ku dhiiglenimo.

Markii dadkii sii batay oo sii tarmay waxaa dhacday inay sameeyeen dembiyo badan oo ka sii xunxun intii hore. Way is laayeen sidii Qaabiil iyo Haabiil oo kale. Dadkii waxay wada noqdeen dhuuniraacyo iyo hooggamiye kibir badan. Kitaabka Tawreedda ahu wuxuu leeyahay, “Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba” (Bilowgii 6:5).

Ilaah wuxuu Nebi Nuux u muujiyey inuu ka murugsan yahay xumaanta dadka dhulka jooga (Bilowgii 6:6). Bal maxaa Ilaah u murugooday? Dadku markii ay dembaabaan waxay ka go’aan Ilaah, oo sidaas daraaddeed ayaa Ilaah uga murugooday arrintaas.

In Ilaah laga go’o waa balaayo iyo masiibo cabsi badan. Adduunka oo dhammu wuxuu la silcayaa dembigii aadanaha. Ilaah ma doonayo in dadku isaga ka go’aan ama ka fogaadaan. Sababtaas daraaddeed, ayaa Ilaah la murugooday.

Ilaah wuxuu ciqaabay dadkii dembiileyaasha ahaa

Dadkii dunida joogay oo xumaanta iyo dembiga sameeyey waxaa lagu ciqaabay geeri iyo dhimasho ku soo degdegtay. Geeridaasu waxay laysay oo eber ka dhigtay dadka intiisii badnayd iyo duunyadiiba.

Reerkii Nebi Nuux oo keliya ayaa ka jiray wax Ilaah rumaysan (Bilowgii 6:8). Ilaah Nebi Nuux wuu badbaadiyey oo daadkiina wuu uga dhigay. Ilaah wuxuu Nebi Nuux u sheegay inuu samaysto doonni weyn (Bilowgii 6:13-17). Sidaas daraaddeed, Nebi Nuux iyo wiilashiisii waxay dhisayeen doonnidii sanooyin badan. Dadkii dembileyaasha ahaa oo dhammu way ku qosli jireen. Waxayna is lahaayeen, Nebi Nuux waa qof waalan.

Ugu dambaystii, doonnidii waa la dhammeeyey samaynteedii. Waxaana fuulay Nebi Nuux iyo qoyskiisii iyo xayawaankii qaarkood. Markaasaa roob soo da’ay oo waxaa yimid daad iyo duufaan weyn. Daadkaas waxaa ka nabad gelay Nebi Nuux iyo qoyskiisii oo keliya. Dadkii kale oo dhammu way wada baabba’een (Bilowgii 7:19-23).

Afartan berri ka bacdi ayaa roobkii joogsaday oo daadkii yaraaday. Doonnidiina waxay ku dul degtay buuraha Araarad oo ku yaalla Aasiyada Galbeed (Bilowgii 8:4). Nebi Nuux iyo qoyskiisii oo dhammu waxay ka degteen doonnidii oo waxay caabudeen oo ku mahadnaqeen Ilaahii iyaga badbaadiyey, Ilaahna cibaadadoodii wuu ka aqbalay.

Ilaah wuxuu heshiis la samaystay oo axdi u qaaday Nebi Nuux iyo dunida oo dhan. Wuxuu ballan ku qaaday inuusan mar dambe daad sidaas oo kale ah dunida ku soo daynayn. Wuxuu cirka ka muujiyey qaanso-roobaad in taasu calaamad u ahaato axdigiisa (Bilowgii 9:11-13).

Waa inaannu aad uga taxaddirnaa sida aynu u dhaqanno iyo nolosheenna. Qisadan ku saabsan daadkii qarnigii Nebi Nuux waxay na baraysaa digniin weyn iyo cabsi Ilaah. Waxay na tusaysaa inuu Ilaah dembiga aqbalin.

Akhiro waxaa jiri doona ciqaab kale oo weyn. Ciqaabkaas kama dambaysta ah oo waynu wuxuu bilaaban doonaa Maalinta Qiyaamaha. Nebiyadii Ilaah waxay nooga digeen in dadka Ilaah diiday oo dhan Maalinta Qiyaamaha lagu tuuri doono haro weyn oo dab ah, taasoo ah cadaabka.

Carruurtii Nebi Nuuxna way dembaabeen

Rumaysadlaawayaashii oo dhammu way wada dhinteen. Nebi Nuux iyo qoyskiisii oo keliya ayaa dunida ku noolaa. Malaha Nebi Nuux wuxuu rajaynayey inay dadku mar dambe dembaabin. Laakiin dembigu wuxuu ku jiraa qof kasta oo aadami ah. Xataa Nebi Nuux inuusan dhiman ayaa dadkii mar kale dembaabay. Nebi Nuux qudhiisuba wuxuu ku sakhraamay khamri (Bilowgii 9:20,21).

Xooggii dembiga iyo rumaysad la’aantii waxay ku bateen dunida mar kale. Dhawr sannadood ka bacdi ayaa farcankii Nebi Nuux waxay dhisteen muunaarad dheer (taallo). Munaaraddaas dheer waxaa magaceeda la oran jiray “Munaaraddii Baabel”. Dadkaasu way kibreen oo waxay rabeen inay noqdaan dad caan ah oo xoog badan.

Arrintaas Ilaah uma riyaaqin, umana bogin. Sidaas daraaddeed, Ilaah wuxuu joojiyey shuqulkii iyo hawlihii ka socday Munaaraddii Baabel oo wuxuu dadkii ku kala firdhiyey afaf kala duwan. Markii ay dadkii is afgaran waayeen, ayey kala tageen (Bilowgii 11:8-9). Meel alla meeshii ay tageenba, carruurtii iyo farcankii Nebi Nuux way sii dembaabeen.

Qorshaha Ilaah oo ku saabsan sidii uu inoo badbaadin lahaa

Ilaah marna ma illoobin qorshihiisii inuu dembiga naga badbaadiyo. Ilaah marna nama illoobin, waayo, isagu waa naga fikiraa.

Markii Nebi Nuux doonnidii ka degtay, ayaa Ilaah wuxuu siiyey hal qaynuun. Ilaah wuxuu Nebi Nuux ku amray inuusan cunin hilib dhiig ku jiro (Bilowgii 9:4). Waaggaas ilaa iyo maantaydan la joogo waxaa jira dad badan oo ah Yuhuud, Masiixiyiin iyo Muslimiin oo aan innaba cunin ama cabbin dhiig iyo hilib dhiig leh toona.

Bal maxaa Ilaah ugu amray Nebi Nuux inuusan dhiig cunin ama cabbin? Waxaad hadhow kitaabka ka arki doontaa in dhiigga allabariga oo la daadiyaa uu ka mid yahay sida Ilaah u doonayo inuu naga badbaadiyo dembiga. Intaad casharradan sii baranaysid, waxaa bayaan kuu sii noqon doonta jaangooyada Ilaah doonayo inuu nagu badbaadiyo.

Aayaddan kor ka xafid.
Yexesqeel 18:4: “Naftii dembaabtaa way dhiman doontaa.”

Tijaabada Casharka 4aad: Bilowgii Dadka

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: