Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Casharka 3aad: Aadan iyo Xaawo Ilaah bay ku caasiyoobeen

Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Kitaabka Tawreedda ah:

Bilowgii 3:1-24

Bal hadda casharka akhriso oo si fiican uga jawaab tijaabada dhammaadkiisa ku taal. Casharku wuxuu ku macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Kitaabka Tawreedda ah.

Maanta raadiyaha ma dhegaysatay? Warka idaacadda ma dhegaysatay? Malaha raadiyuhu wuxuu ka warramay xarbi iyo dagaal colaadeed. Malaha waxaad maqashay warar ku saabsan abaar, daad iyo duufan shil weyn ridday. Malaha waxaad maqashay rabshooyin iyo qas ka taagan magalooyinka London, Nayroobi, Qaahira ama New York. Warka aad idaacadda ka maqashay, ma wuxuu u badnaa war wanaagsan mase war xun oo dareen leh? Waxaa surrowda in warku rabsho iyo dareen u badnaa.

Markii Ilaah dunida abuuray, wuxuu yiri, wax waluba aad bay u wanaagsan yihiin. Laakiinse hataan waxyaalaha aynu maqalno ama aragno intooda badanu ma wanaagsana. Maxaa dhacay? Sababtu waa maxay? Maxaa dunida ka dhigay rabsho miiran? Maxaa abaaraha keenay? Maxaa dunida keenya rabshooyinkan oo dhan?

Nebiyadii iyo kuwii Ilaah soo diray waxay kutubta nooga sheegeen in dadka rabsho iyo masiibooyin ku dhacaan, markii ay Ilaah ku caasiyoobaan ama ka sii jeestaan. Dembi waa maxay? Dembi waa markii dadku Ilaah ku caasiyoobaan.

Kitaabka Tawreeddu wuxuu na tusaysaa oo noo sheegayaa in dembigu bilowday, markii Aadan iyo Xaawo ay diideen inay Ilaah addeecaan. Waxay Ilaah amarkiisii ku yiraahdeen, “maya”. Rabshooyinka iyo dhibaatooyinka maanta adduunka ka taaganu waxay ka bilowdeen dembigii ay faleen Aadan iyo Xaawo.

Aadan iyo Xaawo waxay diideen inay Ilaah addeecaan

Bal xusuuso in Ilaah Aadan iyo Xaawo dhex geeyey Beertii Ceeden. Geed kasta mirihiisa way cuni kareen, geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta mirihiisa mooyaane (Bilowgii 2:15-17).

Maalin baa waxaa Xaawo u yimid Shaydaan oo abeeso qaabkeed leh. Wuxuu u sheegay, naa geedka laydiin diiday waa wanaagsan yahay. Wuxuu ku yiri, Haddaad geedkaas mirihiisa cuntid indhahaagu way furmi doonaan oo waxaad u caqli badnaan doontaa sida Ilaah oo kale (Bilowgii 3:4-5).

Xaawo ra’yigaas way u riyaaqaday. Waxay doonaysay inay sidii Ilaah u caqli badnaato. Markaasay geedkii fiirisay wuuna la wanaagsanaaday. Markaasay miro ka goosatay oo cuntay. Qaar kalana waxay siisay Aadan (Bilowgii 3:6).

Aadan iyo Xaawo waxay aqbaleen taladii iyo sasabashadii Shaydaanka. Waalidkii ugu horreeyey oo aadanahu ka soo askumay waxay diideen inay Ilaah addeecaan. Taasuna waxay ahayd markii ugu horraysay oo dembigu dunida ka bilowday.

Qof kasta oo aadami ahu waa dembaabaa

Dadka oo dhammu waa dhashii ka soo farcantay Aadan iyo Xaawo. Oo sidii Aadan iyo Xaawo ayaannu Ilaah addeeci waynay. Kitaabka Rooma wuxuu leeyahay sidan: “Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah” (Rooma 3:23).

Taasu miyey adag tahay inaannu rumaysanno? Bal in yar fikir oo waxaad is waydiisaa: “Miyaan mar kasta Ilaah addeecaa?” Shaki la’aan jawaabtu waa “maya”. Marar badan ayaad Ilaah addeeci waydaa oo geftaa.

Malaha saaxiibka ayaad lacag ka xadday. Malaha walaalkaa baad dhaqsiyo ugu xanaaqday. Mindhaa marmar runta oo dhan ma sheegtid. Ficilladaas oo dhami waxay na tusayaan inaannu dembi leennahay.

Inkastoo aynu doonayno inaannu Ilaah addeecno, haddana, dhammaanteen waannu gefnaa oo ma aynu samayno waxa Ilaah naga doonayo oo qumman. Waannu gefnaa, maxaa yeelay, waxaa nagu jira dembi dabeecaddeenna ku waynaaday oo ka buuxa. Waannu damac badan nahay oo waannu kibir badan nahay.

Dembigu waa ka weyn yahay khaladka iyo gefka aynu samayno. Dembigu waa Ilaah oo la addeeci waayo. Dembigu ma ahan ficillada qalloocan oo aynu samayno oo keliya. Qalbigeenna dembi baa ka buuxa. Dhammaantayo waannu dembownay.

Dembigu wuxuu keenaa cabsi

Aadan iyo Xaawo intii aysan dembaabin kahor, ma ay cabsan jirin, ceebna ma dareemi jirin. Xataa dhar ma ay xiran jirin, kamana xishon jirin qaawanaantooda. Aadan iyo Xaawo markii ay dembaabeen ka bacdi ayey ceeb dareemeen oo xishood baa gelay. Haddiiba waxay doondooneen inay labbistaan oo ay cawradooda ku asturtaan. Cabsi aysan horay u qabin ayaa gashay oo intay dhirtii ku ordeen ayey caleemo balballaaran ka soo jarteen oo cawradoodii ku qariyeen (Bilowgii 3:7).

Aadan iyo Xaawo sidii ay noqdeen ama iska garteen waynu garanaynaa aad iyo aad. Waxaannu isku daynaa inaannu dembigeenna u qarinno siyaalo badan oo kala duwan. Marmar waynu ilka caddaynaa, si aynu ku qarinno nacaybka qalbigeenna ku jira. Dadka kale waynu ka cabsannaa oo sidaas daraadeed uma qalbi furnin. Waxaa saas naga dhigay oo ceebtaas noo yeelay waa dembiga qalbigeenna ku jira aawadiis.

Dembigu wuxuu Inaga dheereeyaa Ilaah

Aadan iyo Xaawo intii aysan dembaabin kahor, Ilaah bay la hadli jireen oo la sheekaysan jireen. Ilaah way jeclaayeen, kamana ay baqi jirin isaga. Markaas iyagu waxay ahaayeen dad wanaagsan.

Laakiin markii ay dembaabeen ka bacdi ayey Ilaah way ka baqeen. Waxay ku dhuunteen geedaha dhexdooda (Bilowgii 3:8). Waxay isku dayeen inay Ilaah ka cararaan. Waxay ogaadeen inaysan dad wanwanaagsan ahayn. Waxayna ogaadeen inuu Ilaah aqbali karin, oo taas aawadeed ayey Ilaah uga baqeen oo uga dhuunteen.

Annaguna marar badan ayaannu isku daynaa inaannu Ilaah ka dhuumanno sidii Aadan iyo Xaawo oo kale. Marar badan waxaynu jecel nahay in Ilaah naga tago oo iska daayo aannu xaaraanteenna ku dhex jirnee. Xataa mararka qaarkood waynu is illowsiinnaa Ilaah iyo hadalkiisaba. Dembiga waa wax baas oo murug iyo caloolxumo leh. Dembigu wuxuu aad u halleeyaa nolosheenna iyo nafaheenna. Markii aynu dembowno, waxaa naga go’a xariggii iyo xiriirkii aynu Ilaah la lahayn.

Yaa eedda iska leh?

Ilaah Aadan iyo Xaawo wuxuu ugu muuqday Beertii Ceeden. Laakiin iyagu waxay ku dhex qarsoomaayeen geedihii beerta (Bilowgii 3:8-13). Ilaah wuxuu iyagii waydiiyey sababta ay u dhuumanayeen.

Aadan baa wuxuu ku jawaabay, “Eebbow, waan kaa baqayey.”

Ilaah wuu garanayey sababta ay isaga uga dhuumanayeen. Si kasta haddii ay yeelaan dembigooda Ilaah kama ay qarin karin.

Ilaah wuxuu iyagii ku yiri, “War ma geedkii aan idinka xarrimay baad mirihiisii cunteen?”

Markaasaa Aadan wuxuu ku jawaabay, “Ilaahow, adigu xaas baad i siisay oo xaaskii baana geedka mirihiisii i cunsiisay.”

Xaawana waxay tiri, “Ilaahow, abeesaa i khiyaantay oo anna waan cunay mirihii geedka.”

Weligaa saas oo kale ma yeeshay? Adigoo garanayaa inaad khalad samaysay, weligaa dad kale ma ku eedaysay gefkaagii. Haddaad saas yeesho, ogow taas waa khalad oo waa dembi.

Haddii qof kugu yiraahdo geed dheer iska tuur ama qar iska xoor, oo intaad saas yeesho aad meeshaas ku dhimato, yaa eedda iska leh? Haddaad saas yeesho, qof kastaaba wuxuu kugu oran doonaa, waxaad tahay qof doqon ah. Waxaa lagugu oran doonaa adigaa eedda iska leh.

Arrinta dembigu waa saas. Dadka iyo Shaydaankuba way ku duufsan karaan, laakiinse marnaba kuguma khasbi karaan inaad dembowdo. Markii aad dembi fashid, adigaa eedda iska leh. Hase ahaatee inaannu saas cintiqaadsanno way nagu adag tahay. Waxaa noo sahlan oo noo fudud inaannu yeelno sidii Aadan yeelay oo kale. Waxaa noo fudud inaannu eedda dad kale dushooda ka saareen.

Ilaah wuxuu ku talagalay inuu ina badbaadiyo (Qorshaha Ilaah)

Ilaah Aadan iyo Xaawo wuu ka dhex saaray Beertii Ceeden, maxaa yeelay, way dembaabeen. Iyagii iyo dunida oo dhanba way eedeen dembigoodii. Laakiin Ilaah waa naxariis miiran oo wuxuu doonayey inuu Aadan iyo Xaawo iyo ilmahoodaba ka badbaadiyo dembiga iyo xumaanta iyo xoogga Shaydaanka.

Waaggaas hore ayaa Ilaah wuxuu bilaabay inuu inoo muujiyo siduu ugu talagalay inuu aadanaha dembiga ka badbaadiyo. Wuxuu sameeyey laba waxyaalood oo inoo muujinaya inuu ku talagalay inuu ina badbaadiyo:

  1. Wuxuu ballanqaaday in wiil naagu dhashay uu Shaydaan madaxa ka burburin doona (Bilowgii 3:15). Kaasu waa ballankii ugu horreeyey oo Ilaah ku ballanqaaday inuu soo dirayo Masiixa.
  2. Wuxuu Aadan iyo Xaawo huwiyey wan haraggiis, si uu u daboolo ama u asturi cawradooda iyo dembigooda (Bilowgii 3:21).

Kitaabka Tawreedda ah ayaa arrintaas ku faahfaahin doonaa oo si fiican kuugu macnayn doona. Haddase waxaa lagama marmaan ah inaad intaas xusuusnaato:

Mar alla markii ay Aadan iyo Xaawo dembaabeen, ayaa Ilaah wuxuu bilaabay inuu aadanaha dembiga ku badbaadiyo.

Aayaddan kor ka xafid.
Rooma 3:23: “Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah.”

Tijaabada Casharka 3aad: Bilowgii Dadka

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: