Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Casharka 2aad: Ilaah wuxuu abuuray Aadan iyo Xaawo

Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Kitaabka Tawreedda ah:

Bilowgii 1:26-31
Bilowgii 2:9
Bilowgii 2:15-25

Bal hadda casharka akhriso oo si fiican uga jawaab tijaabada dhammaadkiisa ku taal. Casharku wuxuu ku macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Kitaabka Tawreedda ah.

Kitaabka Tawreeddii ahu wuxuu noo sheegayaa in Ilaah nin ka abuuray ciidda dhulka (Bilowgii 2:7). Rabbiga Ilaah ahuna nin buu ka sameeyey ciidda dhulka, dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday naf nool (Bilowgii 2:7) Ilaahna wuxuu ninkii u abuuray haweeney u weheshado oo la dhaqmo. Ilaah wuxuu ninkii ku riday hurdo weyn oo wuxuu dhinaciisa ka soo bixiyey feerihiisa ka mid ah. Feertiina Ilaah wuxuu ka abuuray haweeney nool (Bilowgii 2:21-23). Haweeneydaas waxaa la oran jiray Xaawo. Ninkana waxaa la oran jiray Aadan. (Bilowgii 3:20-21).

Aadan wuu jeclaa Xaawo, maxaa yeelay, iyadu waxay ahayd qayb jirkiisa laga soo gooyey. Qisadanu waxay noo muujinaysaa sidii Ilaah ula jeeday nikaax iyo guur xalaal ah. Ninka waxaa waajib ku ah inuu xaaskiisa jeclaado, xaaskuna waxaa waajib ku ah inay ninkeeda jeclaato. Guurku wuxuu ninka iyo xaaskiisa u mideeyaa si khaas ah.

Dadka aadamiga ahu waa maxay? Sababta Ilaah noo abuuray maxay tahay? Nolosha dadku maxay tahay oo tartaa? Su’aalahaanu waa kuwa ugu waaweyn qof aadamiga ahu is waydiin karo.

Waxaa nalaga abuuray ciidda dhulka

Bal xusuuso in Ilaah dadka abuuray maalintii lixaad, markii uu abuuray xayawaanka waaweyn. Ilaah baa nin wuxuu ka abuuray ciidda dhulka (Bilowgii 1:26-31).

Taasu waxay na tusaysaa inaannu nahay qayb ka mid ah dunidii Ilaah abuuray. Waa sababtaas aawadeed waxaannu xayawaanka meel meel uga shabbahno. Wax baannu maqli karnaa, wax baannu urin karnaa, oo waxaannu samayn karnaa cod iyo sharqan. Markii qorraxdu kulushahayna, waxaannu jecel nahay inaannu geedaha harkooda ku nasanno. Waxaannu isu daafacnaa sidii libaaxa oo kale.

Habase ahaatee, waxaa jira siyaalo kale oo muhiim ah oo aannu xayawaanka aad iyo aad uga wanaagsan nahay.

Waxaannu leenahay neeftii nolosha Ilaah

Tawreeddii Nebi Muuse waxay sheegaysaa sidan: “Rabbiga Ilaah ahuna nin buu ka sameeyey ciidda dhulka, dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday naf nool” (Bilowgii 2:7). Tawreeddii Ilaah soo waxyooday waxay kaloo leedahay sidan: “Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray” (Bilwogii 1:27).

Aayadahanu waxay noo muujinayaan inaannu nahay uun khaas ah oo aad muhiim u ah. Kitaabka Tawreeddu ahu wuxuu na leeyahay, waxaa naloo abuuray “Ilaah araggiisa”, oo waxaannu leennahay neeftii nolosha Ilaah. Taasu run ahaantii waa yaab iyo amakaag! Ilaah hortiisa dadku waa uun khaas ah sida xaqiiqdaa!

Waxaannu nahay uun khaas ah

Halkan waxaa ku yaal afar siyaalood oo muujinaya inaannu nahay uun khaas ah oo muhiim ah.

  1. Waxaannu nahay uun khaas ah oo muhiim ah, waayo, waannu fikiri karnaa oo waannu shaqayn karnaa.
    Ilaah wuxuu Aadan iyo Xaawo ku amray inay dhulka (dunida) xannaaneeyaan oo u taliyaan (Bilowgii 1:28-30). Taas macnaheedu waxaa weeye, in dhulka iyo wax alla waxa kor saaranba nalagu aamminay inaannu xannaanayno. Waxaannu nahay xannaaneeyeyaasha adduunka.

Waxaa noo eg ama nagu habboon inaannu dhulka ugu isticmaalno wixii dadka u wanaagsan. Waxaannu dhulka ka dhul dhisannaa waddooyin waaweyniyo daaro dhaadeer. Waxaannu isticmaalnaa oo manaafacaadsannaa geel iyo ari, waxaannu samaysanna makiinado, raadiyayaal iyo taleefanno. Waxyaalahaas oo dhan waxaannu u samayn karnaa si wacan, waayo, waannu fikiri karnaa oo caqli baannu leennahay oo waannu shaqayn karnaa. Waa inaannu dunida si qumman uga shaqaynaa, si ay anfac wanaagsan noogu yeelato. Haddii aynaan saas yeelin, dee markaas Ilaah baannu ku caasiyoobaynaa oo aynaan hadalkiisa addeecayn.

  1. Waxaannu nahay uun khaas ah oo muhiim ah, maxaa yeelay, Ilaah baannu la hadli karnaa.
    Ilaah wuxuu la hadlay Aadan iyo Xaawo. (Bilowgii 1:28-30).

Markii aannu Ilaah la hadlayno, waxaannu kula hadalnaa caabudid iyo duco. Tukashada waa maqlid Ilaah la maqlo iyo la hadlid isaga loo dan sheegto. Ilaah wuu na maqlaa, markii aannu isaga tukasho kula hadalno. Runtu waxaa weeye in Ilaah doortay inuu nala hadlo.

  1. Waxaannu nahay uun khaas ah oo muhiim ah, maxaa yeelay, waxaynu kala garan karnaa waxa qumman iyo waxa qalloocan.

Ilaah markii uu abuuray Aadan iyo Xaawo wuxuu iyaga dhex geeyey beer janno oo qurux badan. Beertaas waxaa la oran jiray Beertii Ceeden.

Ilaah wuxuu Aadan u oggolaaday inuu beerta ka cuni mira alla mirihii uu rabo oo dhan. Laakiin waxaa jiray hal geed oo Aadan mirihiisa laga xarrimay. Geedkaas mirihiisa laga xaaraantinimeeyey wuxuu ahaa geed khaas ah. Waxaana la oran jiray, “geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta.”

Ilaah wuxuu Aadan ku yiri, “Maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa” (Bilowgii 2:17).

Haddaba, waxaa Aadan la gudboonayd inuu Ilaah addeeco oo amarkiisa yeelo ama inuu Ilaah ku caasiyoobo oo amarkiisa diido.

Qisadan ku saabsan geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa muhiim oo waxay noo sheegaysaa laba waxyaalood oo run ah.
Marka hore, waxaannu kala garan karnaa waxa qumman iyo waxa qalloocan.
Marka labaadna, Ilaah naguma khasbo inaannu isaga addeecno mar kasta. Haddaba, xumaanta iyo wanaagga middii aynu samaynayno annagu waa inaynu kala doorannaa oo goosannaa.

  1. Waxaannu nahay uun khaas ah oo muhiim ah, maxaa yeelay, Ilaah ujeeddo gooni ah buu noogu talagalay.

Ilaah wuxuu Aadan geliyey neeftii nolosha (Bilowgii 2:7). Ilaah wuxuu Aadan ku afuufay neeftiisii. Taas macnaheedu waxaa weeye Ilaah wuxuu na siiyey ruux iyo naf khaas ah oo innaga nagu gaar ah.

Ruuxaas khaaska ah oo aynu leennahay aawadeed, waxaynu nahay kuwo Ilaah doortay oo isaga gaar u ah. Xannaaneeyayaasha dunida oo keliya ma aynu nihiin ee waynu ka sii fiican nahay intaas. Ilaah wuxuu nagu magacaabaa uunkiisii iyo ummaddiisii. Waxaa nalaga abuuray Ilaah araggiisa oo taas aawadeed Ilaah wuxuu naga doonayaa inaynu isaga jannada kula noolanno weligeen iyo abidkeenba.

Maxaa Ilaah inoo abuuray?

Maxaa Ilaah dadka aadamiga ah u abuuray? Ilaah wuxuu noo abuuray inaan dunida si qumman u xannaanayno. Ilaah wuxuu naga doonayaa inaynu dunida si wanaagsan u dhawrno. Wuxuu naga doonayaa inaynu ahaanno xannaaneeyayaal wanwanaagsan.

Kuwii dunida si wanaagsan u dhawra Ilaah wuxuu ku soo dejiyaa oo korkooda ka yeelaa baraka khaas ah iyo naxariistiisa. Waxaannu Ilaah ku addeeci karnaa inaynu si wanaagsan u xannaanayno oo daacad ku ahaanno wax alla wixii uu isagu ina siiyey.

Aayaddan kor ka xafid.
Bilowgii 1:27: “Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray.”

Tijaabada Casharka 2aad: Bilowgii Dadka

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal guji.

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: