Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Aadan Jimcaale Faarax— Aqoonyahan, Gabyaa, Turjumaan, iyo Hoggaamiye Kaniisadeed Dhiirran

Aadan Jimcaale Faarax wuxuu sannadihii u dhexeeyey 1935—40-kii ku dhashay baadiyaha u dhow Wardheer oo ku taalla dhulka hadda loo yaqaaano Gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Wuxuu ka dhashay qoys reer baadiye ah oo geellooda gobolladaa daajin jirey. Qaraabadiisa intooda badani waxay ku noolaayeen Gaalkacyo iyo Caabudwaaq oo kala tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud.

Qiyaastii 1955, sida dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo bariga Itoobiya ka soo jeeda, wuxuu Aadan go’aansaday inuu u guuro Soomaaliya, oo markaa ku hoos jirtey Talada Qarammada Midoobey, ka hor intii aan gobannimada la qaadan, 1960. Isagu waxbarashadiisii aasaasiga ahayd wuxuu ku qaatay Itoobiya dhexdeeda, halkaas oo sidoo kale ku bartay af-Amxaariga.

jimcaale0

Muqdisho ayuu Aadan kula kulamay hay’addii Masiixiga ahayd ee la odhan jirey Sudan Interior Mission (SIM), oo af-Ingiriisigiisii ayuu kordhistey kaddib markii uu ku biiray fasalladii ay hay’addaasi fiidkii dadka luuqadda ku bari jirtey. Wuxuu kaloo halkaa ku maqlay Injiilka Ciise Masiix. Muddo yar kaddib, ayuu isagu aaminay inuu Ciise Masiix yahay Sayidkiisa iyo Badbaadiyahiisa. Markaa kaddib, Aadan wuxuu intii muddo ah u guurey Buulo Burte oo wuxuu SIM kala shaqeeyey iskuulkoodii iyo cisbitaalkoodii. 1984, ayuu Aadan caabudaad ay Ururkii Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee Masiixiyiintu isugu imaan jireen ka dhex sheegay, inuu mid ka mid ah qasiidooyinkiisa ugu caansan “Baaqiga Eebbow” curiyey isaga oo dharkiisa ku kaawiyadaysanaya Buulo Burte.

jimcaale1

Muddo yar 1957 kaddib, ayuu Aadan bilaabay inuu la shaqeeyo haweeney Masiixi ah oo turjumaan Baybal ah oo SIM ka tirsanayd taas oo magaceeda la odhan jirey Dorothy Modricker. Iyadu waxay bilowday inay Baybalka oo dhan ku turjunto afka Soomaaliga iyada ay caawinayaan koox Soomaali ahi oo Aadan ugu muhiimsanaa maadaama uu hadiyad khaas u lahaa afka Soomaaliga. Hadiyadiisaa uu luuqadaha u lahaa daraaddeed, wuxuu Aadan awoodey inuu tixraaco Bayballada ku turujuman afafka Carabiga, Axmaariga, Talyaaniga, Jarmalka, iyo Ingiriiska. Haweeneydani, waxay markii hore bilowday inay dhowr Soomaali ah la turjunto Axdiga Cusub. Kitaabkii ugu horreeyey ee ay dooratay inay iyada iyo Aadan wada turjumaan wuxuu ahaa Luukos. Dhammaadkii 1960, afarta qiso ee Injiilka (Matayos, Markos, Luukos, iyo Yooxanaa) iyo Kitaabka 1 Korintos ayaa la dhammeeyey.

Isaga oo wada shaqadii uu Axdiga Cusub ka hayey, ayuu bilaabay inuu turjumo inta badan Axdigii Hore. Markii 1965 la gaadhey, Aadan wuxuu turjumey Bilowgii, Boqorradii 1 & 2 (Laawiyiintii weli lama turjumin), iyo Daanyeel, Cesraa, Nexemyaah, iyo Sabuurro badan. Ugu dambayntiina wuxuu Aadan kooxdii turjumaanada ka tegey 1967, oo Dorothy Modricker ayaa aakhirkii 1969 turjumaaddii dhammaysay. Axdiga Cusub waxaa la daabacay 1976, Baybalka oo dhan – Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub waxaa la daabacay 1979 (Miller 2006).

Aadan iyo qoyskii Modricker saaxiibbo isku dhow bay noqdeen, sida ay gabadhoodii yarayd ee Joy xusuusato: “Hal xusuus baa igu dheer markii aanu qiyaastii 10 sanno jirka ahayn. Walaalkayga John (mataanka igu ah) iyo aniga ayaa isla murmeyney. Oo Aadan aad buu uga xumaaday murankayaga. Runtii, Isagu nin nabadda jecel buu ahaa!” (Sida ay shakhsiyan noogu sheegtay 2023).

Sannado badan kaddib, John Modricker wuxuu xusuustay Aadan, in ka badan turjumaanadii kale oo dhan. John wuxuu rumaysnaa inuu Aadan u qalmey maamuus dheeraad ah maadaama uu hadiyadii uu luuqadaha ee uu lahaa u isticmaalay inuu dadkiisa Erayga Ilaahay gaadhsiiyo (Miller 2006).

jimcaale2

Haweeney Masiixiyiintii ugu horreeyey ee Soomaalida ka dhex shaqeeya ka mid ah, oo Joy Carter la yidhaahdo ayaa (Nofeembar 2023) xusuustay: “1960, (Ka hor intaanan anigu Muqdisho imaan) Aadan wuxuu Dorothy ka caawinayey fasallada luuqadda. Dabadeedna, isagu qoys New Zealand ka yimid ayuu Oktoobar 1960 u raacay Lugh Ferrandi (Luuq Ganaane) si ay halkaa uga furaan xarun ay SIM ku yeelanaysey. Xilli roobaad buu ahaa, oo laba bilood oo keliya ayay iyagu meeshaas joogeen, arrimo caafimaad darteed ayayna meeshaas uga tageen, qorshihii xaruntuna muu hirgelin. Intii Oktoobar 1961 iyo Abriil 1962 u dhexeysey, Dorothy Modricker casharradeedii ugu dambeeyey ayay Muqdisho ka bixisay, oo Aadan ayaa iyada fasallada luuqadda ka caawinayey. Wuxuu kaloo isagu ahaa ‘imtixaan-qaadaha’ sagaal arday oo ka tirsanaa SIM iyo Somali Mennonite Mission. Waxaan anigu xusuustaa Dorothy oo dadka u sheegaysa qasiidooyin uu Aadan qoray (‘Nacaskii’ and ‘Baaqiga Eebbow’), iyo isaga iyo Yuusuf Salaad oo 1961 iyo 1962 na baraya qasiidada 'Adiga Iftiinkayga ah' maalmihii Axadda ee Baybalka la isla baran jirey. Isagu daacad buu Sayidka u ahaa oo waxaan ku faraxsanahay inaan isaga jannada ku arki doono.” (Si shakhsiyan ah ayay warkan noogu sheegtay 2023).

Intaa waxaa dheer, inay Joy Carter xusuusato dhacdo kale oo noloshii Aadan ah: “Abriil 1967, markii aan Jigjiga joogey, waxaan maqlay in Aadan xabsi guri lagu xidhay magaallada Harar kaddib markii uu xuduudka bilaa sharci kaga soo gudbey. Waxaa laga yaabaa inuu doonayey inuu iskuul Baybalka lagu barto oo Jarmalka ku yaalla tago. Anigu waxaan u tegey inaan isaga ka raadiyo Harar oo waxaan helay isaga oo Jigjiga loo soo tarxiilay, meeshaas oo uu weli xabsi guri kaga jirey laakiinse haddana loo oggolaa inuu magaallada marmaro, laakiinse aan loo fasixin inuu ka baxo oggolaansho la’aan. Saddex bilood buu nala joogey intii waraaqihiisii ka hagaagayeen, oo aad baanu ugu faraxnay doorkii uu caabudaada Axadda ka qaadan jirey iyo sidii uu saamaynta wanaagsan ugu yeeshay kuwii Masiixiyaddu ku cusbayd. Anigu ma hubo inuu markii dambe Jarmalka tegey iyo in kale.” (Si shakhsiyan ah ayay warkan noogu sheegtay 2023).

Haweeney SIM ka tirsanayd, oo Ruth Myors la yidhaahdo ayaa xusuusahan Aadan ka haysa, “Waxaan xusuustaa inuu ahaa nin caqli badan, oo naxariis leh, oo jibo u qaba Sayidka, sheeko-yaqaanna ah oo aad daacad ugu ahaa ku turjumidda Baybalka ee afka Soomaaliga. Sharaf bay aniga ii ahayd inaanu Aadan is naqaaney.” (Myors 2016; si shakhsiyan ah ayay warkan noogu sheegtay 2023).

Shaqadadii Aadan ee uu Sabuurrada ku turjumey waxay dadka ajnabiga ah iyo Soomaalida Muslinka ahiba isaga ugu aqoonsadeen inuu luuqadda ku xeeldheeraa. Ninkii luuqadda Soomaaliga aqoonyahanka ku ahaa ee B.W. Andrzejewski “Guush” la odhan jirey ayaa warqad uu Dr. Howard F. Dowdell of SIM Canada in 1977 u qoray ku muujiyey sida uu ula dhacay sida tayada sare leh ee Baybalka loogu turjumey afka Soomaaliga. “Heerka tayo ee af Soomaaliga ah ee Baybalka lagu turjumey oo keliyahi aad uma sarrayso, laakiinse wuxuu kaloo qaabilsan asalkii qoraalladii Baybalka ee qadiimka ahaa, oo ku habboon yahay sida ay Soomaalidu u fekeraan.”

Qoraal uu Andrzejewski joornaal ku daabacay 1990 ayuu ku qoray, “1979, turjumaaddii Baybalka ee afka Soomaaliga ayaa Soomaali badan soo jiidatey. Marka la fiiriyo habka loo turjumey iyo erayada la isticmaalay waxaa muuqata in kooxdii Soomaalida ahayd ee turjuntey ay luuqadda aad ugu xeeldheeraayeen. Marka laga hadlayo turjumaadda Sabuurradii, gabyaa Soomaali ah ayaa sheegay in marka la akhriyo loo maleeyo inuu buuggu markii horeba af Soomaali ku soo degey.” (Andrzejewski 1990).

Aadan wuxuu kaloo door weyn ka qaatay bilowgii Ururkii Masiixiyiinta Soomaaliyeed 1967 (Miller 2006; Warner, Si shakhsiyan ah ayay warkan noogu sheegtay 2023). Kooxdani waxay ka koobnayd Soomaali asalkoodii Muslin ahaa (oo niman dhallinyaro ah u badnaa) kuwaas oo Masiixiyiin ku noqday, inta badan adeeggii Somali Mennonite Mission and SIM. Waxay u badan tahay inuu Aadan baabtiisey oday Masiixiyiintii ka tirsanaa oo Soomaali-Baantuu ah oo la odhan jirey Elisha Mabruuk, oo ka soo hadhay xubnihii kaniisad ay degaanka Jamaame ka aasaaseen Masiixiyiin reer Sweden ah, ka hor intii aan Mussolini iyaga waddanka ka caydhin 1936.

jimcaale3

Haweeney ka tirsan Masiixiyiintii Mennonite-ka ahaa ayaa wax ka qortay sidii wacdis uu Aadan ku wacdiyey uu nolosheeda u taabtay: “Markii la gaadhey Oktoobar 1973, Muqdisho ayaanu dib ugu soo laabanay. Qalbigayga waxaan ka dareemay madhnaan ruuxiyan iyo dareen ahaanba, oo waxaan kooxdii aan isla shaqayn jirney ka codsaday inay ii soo duceeyaan aniga oo bogsiimo ruuxiyan filaya. Laakiinse taasi si degdeg ah umay dhicin, ma hubo intii ay qaadatay intii uu iftiinku iiga baxayey, laakiinse waxaan hubaa sidii ay taasi ku dhacday. Maalin Jimce ah ayaa mid hoggaamiyeyaashii Ururkii Masiixiyiinta Soomaalidu ka wacdiyey Sabuurkii 139:23-24: ‘Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow, oo bal fiiri inuu jid xumaan ahu igu jiro iyo in kale, Oo igu hoggaami jidka weligiis ah.” Way caddayd inuu Ruuxu hoggaaminayey. Tan ayay ahayd tii aan u baahnaa, oo sidaas baan sameeyey, Ilaahayna wuu ka jawaaabey…” (Keener Reed 2022 p. 156).

Wakhti 1970-nadii ah, Aadan wuxuu bilaabay inuu dowladdii Soomaaliyeed u shaqeeyo, qaybtii sirdoonka, sidii uu luuqadaha ugu xeeldheeraa aawadeed. Axmed Cali Xayle ayaa mar dambe sheegay, inuusan Aadan weligiis darajadiisaa u isticmaalin inuu dadka aan waxba galabsan ku dhibaateeyo, ama uu ku waxyeelleeyo mid ka tirsan walaalihii Masiixiyiinta.

Run ahaantii, isagu wuxuu awooddii uu dowladda ku lahaa u isticmaalay inuu 1982 caawiyo nin hoggaanka kaniisadda ka tirsanaa ee Elisha Mabruuk la odhan jirey iyo qoyskiisa. Berigaas, Aadan wuxuu ka shaqaynayey Degmada Jamaame. Elisha isaga oo da’ weyn ah ayuu ku geeriyoodey tuulo yar oo ku taal jiinka Webiga Jubba oo Jamaame ku dhow. Sheekhii tuuladaas ayaa reerkii u diidey inay isaga ku aasaan xabaalihii tuulada waayo isagu Muslin ma ahayn. Qoyskii Elisha ayaa Jamaame degdeg u tegey si ay dhibaatadoodaas Aadan ugu sheegaan. Isla markiiba Aadan intuu booliis soo kaxaystay ayuu tuuladii yimid si uu shiikhii ugu digo. Aadan wuxuu isaga u sheegay inuu Elisha ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo uu xaq u lahaa in lagu aaso xabaallaha tuulada. Waxaa intaas dheer, inuu isagu shiikhii siiyey digniin ah inuu xabis mutaysan doono haddii uu aaskaa hor istaago. Markii uu taas maqlay, shiikhii arrintaas wuu ka noqday, oo qoyskiina way aaseen Elisha. Tani waxay tusaysaa sidii ay caqiidadiisii Masiixinimadu u beddeshey dabeecaddii Aadan iyo sidii uu u arkay qabiillada kale. Isagu wuxuu ka soo jeedey qabiil geelley ah oo awood badan oo reer Mudug ah, sidaas oo ay tahay isagu wuxuu qaaday tallaabo adag oo uu ku difaacayo xaqa uu walaal Masiixi ahi u lahaa aas sharaf leh, kaas oo ahaa hoggaamiye Masiixi ah oo Soomaalida Baantuu ah.

jimcaale4

1983, Aadan wuxuu ka ruqsaystay shaqadii dowladda. 1984, isaga oo metelaya Ururkii Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho, ayuu Aadan u socdaaley Dooxada Jubba si uu Masiixiyiintii Soomaali Baantuu-ga ahayd ee Degmada Jamaame (Leaman 2021 ku kala firidhsanayd u baro Masiixiyiin ajnabi ah oo markaas meeshaas shaqo ahaan ugu guurey. Wuxuu iyaga baray carmaladdii Ruut ee Mallaayley ku noolayd, taas oo ninkeedii Muuse isna Masiixi ahaan jirey (Muuse iyo Elisha Mubaarak muddo isku dhow bay geeriyoodeen). Aadan wuxuu kaloo iyaga baray Tabitha Maria Magdalena Marwaale iyo qoyskii Elisha Mabruuk. Aadan wuxuu kaloo Masiixiyiin ajnabi ah ka soo kaxeeyey Muqdisho si ay booqdaan Tabitha iyo kuwo kale oo ahaa hadhaadigii koox Soomaali Masiixiyiin ah oo ku noolaa Dooxada Jubbada Hoose.

Mar dambe oo 1980-yadii ah, Aadan wuxuu wakhti ku qaatay inuu luuqadda Soomaaliga baro shaqaale ajnabi ah oo ka shaqayn jirey dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta. Isagu si joogto ah ayuu u wacdin jirey Ururkii Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee Jimceyaasha subaxdii ku kulmi jirey Croce del Sud cathedral (kaniisaddii weynayd ee Xamar Weyne ku taalley).

Markii uu dagaalkii sokeeye dhacay 1991, Aadan wuxuu go’aansaday inuusan bixin laakiinse uu reerkiisa la joogo, in kasta oo uu khatar ku jirey qabiilkii uu ka dhashay daraaddiis. 1993, ayuu isagu bilaabay inuu u shaqeeyo hay’ad samafal oo qalaad oo caawimaad degdeg ah sida cunto, caafimaad iyo guriyeyn siin jirtey dadkii ku barakacay Muqdisho iyo hareeraheeda. Tani waxay ahayd tusaale kale oo tusaya geesinimadiisa, isaga oo meel khatar badan sii joogey si uu u caawiyo walaalihiisa Soomaaliyeed ee baahida daran qabey. Aadan wuxuu xidhiidh la sii lahaa hadhaadigii Soomaalidii Masiixiyiinta ahayd ee ka tirsanayd Ururkii Masiixiyiinta Soomaalida, oo waxay is barteen Masiixiyiin cuscusub sida Liibaan Ibraahim Xasan.

Aadan caafimaaddarrooyin dhowr ah ayuu la tacaali jirey, aakhirkiina, 1996 ayuu Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku dhintay kaddib markii uu wadnuhu istaagey. Nin Ken Perkins la yidhaahdo ayaa xusuusta: “Markii ay hay’addeenna samafalku 1992 Muqdisho timid, Aadan wuxuu ka mid ahaa Soomaalidii Masiixiyiinta ahayd ee naga caawiyey in hay’addayada halkaas laga aasaaso. Saamayntiisii iyo jacaylkiisii ayaa aad ugu baahsanaa hab-qabiileedkii Soomaalida…Isagu wuxuu aabbe ruuxiyan ah u ahaa Soomaalidii Masiixiyiinta ahayd ee dhallinyarada ahayd. Intii uu hay’addayada la shaqaynayey, xataa waardiyeeshii Soomaalida ee Muslimiinta ahaa ayaa isaga aad u qadarin jirey. Dhimashadiisii, isaga oo alaab caawimaad ah garoonka diyaaradaha ka soo dejinaya, waxay Masiixiyiintii kale ku noqotay iyo aniguba nagu noqotay naxdin iyo filan waa. Waxaan badanaa maqli jirey isaga oo qasiidooyin si hoose u qaadaya marka uu shaqaynayo, aniga oo aan weli fahansanayn saamaynta ay qasiidooyinkaasi ku yeelan doonaan facyaasha Soomaalida Masiixiyiinta ah ee soo socda. Noloshiisii iyo qasiidooyinkiisii waxay markhaatifur u yihiin kuwa ay weli tahay inay rumeeyaan Masiixa uu Aadan u adeegi jirey.” (Si shakhsiyan ah ayuu warkan noogu soo gudbisey 2023)

Guulihii badnaa ee uu Aadan nolosha ka gaadhey waxaa ka mid ahaa inuu qasiidooyin u qoro kaniisadda Soomaaliyeed. Kuwo badan oo kuwaas ahna waxaa lagu daabacay Qasiidooyin Ilaah Amman ah:

  1. Aadan iyo Xaawo
  2. Adigaa Iftiinkayga ah
  3. Baaqiga Eebbow
  4. Dhalashada Ciise Masiix-Alla Dhowrayow
  5. Guullow Ilaahow
  6. Haye Aan Ammaanno
  7. Masiixeennii Maalintuu Dhashay Weeye
  8. Nacaskii iyo Kii Garaadka Lahaa
  9. Waxba Dhiigga Ciise Mooyee (tarjumaad)

Waxaa intaas sii dheer inuu isagu qoray qasiidooyin kale, oo aan badanaa la isticmaalin 40 sanno ee la soo dhaafay, kuwaas oo sidii loogu luuqayn lahaa la illaawey.

Run ahaantii, Aadan Jimcaale Faarax wuxuu ahaa mid ka mid ah aasaasayaashii hoggaanka u ahaa bilowgii Kaniisadda Soomaaliyeed. Hadiyaddii uu Ilaahay u siiyey luuqadda iyo aftahanimadiisii ayuu u isticmaalay inuu ugu adeego Sayid Ciise Masiix. Isagu si geesinimo leh ayuu uga markhaatifuri jirey awoodda nolosha beddesha ee Injiilka.

Tixraacyo:

Andrzejewski. B.W. 1977. Letter written to Dr Howard F. Dowdell of SIM Canada.

Andrzejewski. B.W. 1990. Biblical Translations and other Christian Writings in Somali: A Survey. Afrikanistische Arbeitspapiere 21:105-121. März 1990. ISSN 0178-725X. Institut für Afrikanistik, Köln, Germany. https://arcadia.sba.uniroma3.it/bitstream/2307/2548/1/Biblical%20translations%20and%20other%20christian%20writings%20in%20Somali.pdf

Ahmed A. Haile and David Shenk 2011. Teatime in Mogadishu. Herald Press. Harrisonburg, VA, USA. https://www.amazon.com/Teatime-Mogadishu-Journey-Ambassador-Christians/dp/0836195574

Carter, Joy. 2023. Personal Communication.

Leaman, Ivan. 2021. Born for a purpose. A memoir from the Horn of Africa. Masthoff Press, Morgantown, PA USA

Loewen, Joy Modricker. 2023. Personal Communication.

Miller, Helen. 2006. The Hardest Place. The Biography of Warren and Dorothy Modricker. Guardian Books, Belleville, ON Canada. https://www.amazon.com/Hardest-Place-Helen-Miller/dp/155306996X

Myors, Ruth. 2016. When the Lights Go Out: Memoir of a Missionary to Somalia. Acorn Press, Moreland, VIC, Australia. https://www.amazon.com/When-Lights-Go-Out-Missionary/dp/0994616600

Myors, Ruth. 2023. Personal Communication.

Perkins, Ken. 2023 Personal Communication.

Reed, Barbara Keener. 2022. Standing on Holy Ground — and Some Not So Holy. Amazon Digital Services LLC https://www.amazon.com/Standing-Holy-Ground-Some-Not/dp/B09Q23RTJ8

Warner, John. 2023. Personal Communication.