Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Waynu Is Arki Doonaa!

Axmed wuxuu dhintay ku dhowaad laba sanno kaddib markii uu aniga igu martiqaaday inaan qoritaanka xusuus qorkiisa kala shaqeeyo. Inkasta oo uu kansarkii ku faafayey isaga xagga jidhka ka daciifiyey, haddana ruuxiisu wuu sarreeyey. Dibedda Milwaukee ee gobolka Wisconsin oo ah meeshii uu Axmed ku noolaa laba iyo toban saac ayaa baabuurku jidka ugu sii jirayey marka laga soo baxo gurigayaga oo ku yaalla Lancaster, Pennsylvania. Mararka qaarkood waan ilmeynayey intii aan anigu saaxiibkay socdaalkii qiso-nololeedkiisa la duubayey.

Muddo ilaa saddex bilood intaanu dhiman ka hor ah, guriga Xayle ayaan muddo hal maalin ka badan joogey si aannu buugga sixitaankii ugu dambeeyey ugu samayno. Axmed aad buu u jiranaa. Laga bilaabo fiidkii aan anigu halkaa imid, Martha iyo aniga ayaa iska nasnasinayney akhrinta qoraalkii gabaggabada ahaa ka hor intaan buugga la daabicin, Axmedna marmar ayuu talo fikrado sixitaan ah nagu soo kordhinayey. Maalintii ku xigtey ballan daawo ayuu ku lahaa meel laba saac oo baabuurka ah u jirta gurigooda. Intii aannu jidka ku sii jirney waxaannu sii wadney inaannu buugga akhrino. Oo waxaannu tan dhammayney fiidkii hore isla markii aannu gurigooda dib ugu soo noqonay.

Axmed aad buu u daallanaa, laakiinse wuxuu aad u doonayey inuu fiidkaa tago Kaniisaddii Eastbrook, halkaas oo loogu ducaynayey saaxiib u adeegi doonayey oo ka dhex shaqayn dooney dadka Soomaaliyeed ee Bariga Afrika ku nool. Intii caabudaada lagu jirey, ayuu Axmed maykarafoonkii qabsaday oo si qiiro leh u qaaday laba qasiido oo wanwanaagsan oo Soomaali ah. Codkiisii macaanaa ayaa dhismihii kaniisaddii buuxiyey intii uu isagu sida farxadda leh u qaadayey qasiidooyin Ilaah ammaan ah kuwaas oo ammaanaya oo sharfaya Ciise oo Badbaadiyahiisa ah. 9-kii fiidnimo ayaa caabudaaddii iyo ducayntii dhammaatay, oo waxaan anigu Axmed aad uga codsaday inaannu gurigii dib ugu laabano.

Axmed taas uu ka soo horjeestey! Anigu waan yaabay! Ka hor intaanan guriga soo aadin, wuxuu doonayey inaan anigu kulan waraysi oo aan fiidyow isaga kaga qaadayo la yeesho. Saddex su’aalood ayaan isaga waraysigaa ku weydiiyey. Ta koowaad, maxaad adigu u dooneysaa in buuggan la qoro? Ta labaad, maxaad dooneysaa inaad Muslimiinta buuggan ugu sheegto? Ta saddexaad, maxaad dooneysaa inaad Masiixiyiinta u sheegto? Wuxuu sheegay in ujeeddada buuggani ahayd inuu isagu dadka kula qaybsado markhaatifurkiisii ahaa inuu Ciise Masiix yahay Babdaadiyaha, iyo in badbaadadiisu ay nabad tahay. Saaxiibbadiisii ka tirsanaa Kaniisaddii Eastbrook ayaa markhaatifurkiisan ku ridey YouTube oo bilihii markaa ku xigey kumanyaal adduunka oo dhan ku nool ayaa daawaday waraysigaa afarta daqiiqo soconaya.

Dabadeedna waxaannu dib ugu laabanay gurigii Xayle, oo waxaannu ka dheregney raashin fiican oo ah hilib la dubey iyo bataati. Axmed si fiican buu wax u cunay. Oo cuntadana waxaa karisay gabadhooda Safiya. Diyaafadani waxay la mid ahayd martigelintii dhabta ahayd ee aan anigu marar badan gurigooda ku arkay. Oo diyaafadani waxay astaan u tahay diyaafadda aannu maalin maalmaha ka mid ah ku wada qaadan doonno oo ku farxi doonno annagoo Ciise Masiix la joogna. Oo gabaggabadiina tukasho ayaannu ku soo xidhnay.

Isagoo bakooradiisii ku tukubaya ayuu Axmed ilaa iyo albaabka i soo gaadhsiiyey. Hab ayaannu isa siinay. Waxaannu ogeyn inay tani tahay markii ugu dambeysey ee aannu annagu adduunka isku arki doonney. Waxaannu isla oggolaanay inaanan isa macasalaameyn, waayo waxaannu ogeyn inaannu maalin maalmaha ka mid ah mar kale dib ugu kulmi doonno Badbaadiyaha, Ciise hortiisa.

Aniga ayaa la soo boodey, oo idhi, “Axmedow, socdaal aad u fiican baynu soo wada marnay!”

Axmedna wuxuu iigu jawaabey, “Wada socdaalkeenna aynu Ciise la leenahay waa mid abidkii soconaya. Waa inoo sidaa iyo is arag dambe, David!”

“Haa, walaalkayga qaaliga ahow. Waa inoo sidaa iyo is arag dambe!”

Saddex bilood kaddib, Abriil 26, 2011 ayaa socdaalkii uu Axmed la lahaa Masiixu wuxuu galay noloshii tan ku xigtey. Isagu 58 sanno ayuu jirey. Dhowr jeer ayaan isaga telefoon u diray intii uu sii tabarta beelayey. Telefoonkaygii ugu dambeeyey, waxa keliya ee uu awoodey waxay ahayd inuu yidhaahdo, “Waad ku mahadsan tahay inaad ila soo hadashay David: waad ku mahadsan tahay telefoonkaaga!”

Qiso-nololeedkan Axmed wuxuu gurigiisa soo gaadhey Abriil 27, oo hal maalin kaddib geeridiisii. In kasta oo aanu isagu buuggan, Jidkii Nabaddoonka arkin, tiro buuggan ah ayaa laga helayey dhowr meelood oo isaga lagu xusayey iyo weliba isaga aaskiisii. Jidka Nabaddoonku wuxuu dhaliyey doodo nolol baadhis ah, oo ka dhex dhaliyey bulshooyinka Masiixiga iyo kuwa Muslinka ah labadaba. Kooxaha qaarkood waxay buuggan u qaataan sidii casharro ay ku baranayaan dabeecadda Islaamka iyo ta Injiilka. Su’aalaha la isla qaadaadhigayo ama laga wada hadlayo ee cutub kasta la socda ayaa keenay inay iyagu buuggan sidan u isticmaali karaan.

Kaniisadda aan anigu ka tirsanahay, oo Mountville Mennonite, ayaa buuggan u isticmaalaysey sidii koorso waxbarsho ah oo saddex iyo toban usbuuc Axad kasta la bixinayey. Dadka kaniisadda ka tirsan intooda badani waxay doorteen inay koorsadan ka qaybgalaan, kuwan oo ay dhallinyaraduna ku jirto.

Mid kuwii koorsadan qaatay ka mid ah ayaa aniga igu yidhi, “Ilaahay ayaa markhaatifurka qiso-nololeedka Axmed u isticmaalay inuu noloshayda beddelo!”

David W. Shenk

Qoraal Gunaanad Ah: