Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

War Ku Saabsan Qoraaga Iyo Tifatiraha

Axmed%20Cali%20Xayle

Axmed Cali Xayle wuxuu ku dhashay Buulo Burte, Soomaaliya, oo wuxuu ka dhashay reer Muslin ah oo jacayl badan, kuwaas oo martigelinta iyo tixgelinta aad u qiimeyn jirey. Isagu wuxuu noqday nin dhallinyaro ah oo arday ehlu diin ah oo Quraanka barta. Dabadeedna wakhti uu taariikhda waddankiisu xaalad adag oo jahawareersan ku jirey, ayuu isagu ogaadey Masiixa iyo awooddiisa jacaylka ee isbeddelka keenta. Isagoo ka jawaabaya sidii uu hubey in Masiixu udub-dhexaad u yahay nabad lala yeesho Ilaahay, ayuu isagu diidey fursad wanaagsan oo uu siyaasadda waddankiisa heer fiican ka gaadhi lahaa, laakiinse wuxuu u kacay xaggaa iyo Kiinya markii dambena Maraykanka.

Axmed wuxuu Maraykanka ka qaatay shahaadooyin la xidhiidha hurumarka bulshada oo weliba si gaar ah ugu sii takhasusay nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. 1982-dii, ayuu isagoo doonaya inuu waddankiisii wax u qabto dib ugu laabtay Soomaaliya si uu uga shaqeeyo horumarka iyo nabadda dadkiisa. 1987 ayuu isagu guursadey Martha J. Wilson, oo Soomaaliya ayay iyagu degeen. Xataa markii uu waddanku dagaalladii sokeeye galay, oo ay noqotay inay waddanka ka baxaan, Axmed wuxuu weli ku hamiyayey yeedhitaankiisii ahaa inuu qolooyinka is dagaalaya heshiisiiyo. 1992, mar uu Muqdisho ku joogey mid ka mid ah safarradiisii nabadaynta ahaa ayaa isaga madfac lugta kaga dhacay oo ka gooyey.

Shan iyo toban sannadood ayuu Axmed maadada nabadaynta ka dhigayey Jaamacadda Daystar ee ku taalla Nayroobi, Kiinya, halkaas oo ay qaar badan oo ardaydiisii ahaa ka yimaadeen waddamo dagaallo baabi’iyeen, oo ay Soomaaliyana ka mid tahay. Qoysku waxay Maraykanka dib ugu soo laabteen 2009-kii, oo waxay degeen Glendale, Wisconsin. Axmed iyo Martha saddex carruur ah ayay dhaleen kuwan oo la kala yidhaahdo Afrax, Safiya, iyo Geeddi.

David W. Shenk in badan oo noloshiisa ah ayuu Bariga Afrika ku noolaan jirey, halkaas oo ay waalidiintiisu ka ahaan jireen Masiixiyiintii ugu horreeyey ee diinta faafin jirey ee halkaa taga, iyagoo la shaqayn jirey hay’adda la yidhaahdo Eastern Mennonite Missions. Isaga iyo xaaskiisa Grace lix iyo toban sanno ayay ka soo shaqeeyeen Soomaaliya iyo Kiinya, iyagoo si gaar ah xoogga saari jirey waxbarashada meelaha Islaamku ku badan yahay. Isagoo ah wadaad, mid kaniisadaha aasaasa, iyo macallin ayuu sidoo kale ka shaqeeyey isku xidhka guud ahaan kaniisadaha adduunka iyo faafinta diinta Masiixiyadda, oo muddo dhoweydna wuxuu agaasime waxbarasho ka ahaa Lithuania Christian College. Wakhtigan la joogo wuxuu la taliye caalami ah u yahay Eastern Mennonite Mission.

Xiisaha uu isagu u leeyahay sida ay Masiixiyiintu ugu dhex noolaan karaan bulshooyinka, nabadaynta iyo ka dhex markhaatifurka adduun diimo badan—gaar ahaan Muslimiinta dhexdooda—ayaa keentay inuu isagu tago in ka badan 100 waddan. Badanaa wuxuu safraa isagoo tababbaro iyo casharro gaagaaban bixinaya, ama wada hadallo is fahan ah la yeelanaya Muslimiinta, tan oo ay ka mid tahay wada hadal dhex maray isaga iyo wadaadada magaalada Qum, ee Iiraan. Isagu wuxuu qoray ama tifatiray toddoba iyo toban buug oo waaweyn ama kuwo yaryar, oo wuxuu qoray qoraallo tiro badan oo ku saabsan mowduucyo la xidhiidha Injiilka iyo nabadaynta adduun kala nooc nooc ah. Gaar ahaan buugaggiisa kala ah A Muslim and Christian in Dialogue iyo Journeys of the Muslim Nation and the Christian Church, ayaa gaar ahaan ah kuwo ay buuggan Teatime in Mogudishu isla socdaan.

David wuxuu macallin ka soo noqday jaamacado kala duduwan iyo mac-hadyo sarsare oo diinta Masiixiyadda lagu dhigo oo ku yaal Maraykanka dhexdiisa iyo adduunka intiisa kaleba. Isagu wuxuu shahaadada (doctorate) oo ah waxbarashada la xidhiidha diimaha ka qaatay New York University, isagoo si gaar ah ugu takhasusay cilmiga barashada dadka iyo dhaqammadooda (anthropology). Isaga iyo Grace afar carruur ah ayay leeyihiin, kuwaas oo sii dhalay toddoba carruur ah oo ay iyagu awoow iyo ayeeyo u yihiin. Iyagu waxay hadda deggan yihiin Mountville, Pennsylvania.