Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 3

ADDOON BAA ADDEECAY DOONISTA ILAAH

War muxuu isbeddelay hab-nololeedkii Yuusuf! Wuxuu ahaa inan aad loo jecel yahay, waxaana lagu iibiyey lacag yar. Bacdamaa isaga loo qaatay sida ilmo aan waaya-arag ahayn, ma aanu istaahilin in lagu iibiyo lacagta caadiga ah ee addoomada lagu iibsado. Riyooyinkiisii imminka way fogaadeen. Intii uu joogi lahaa meel sharaf leh, waxaa isagii laga dhigay addoon. Niyadjab weyn baa ku dhici karay isaga. Aad buu u caroon karay oo aarsi buu ka fekeri karay.

Laakiin waxaynu qisada noloshiisa ku aragnaa inkastoo isla-weynidiisii la hoosaysiiyey, inaanu haddana muujin walaac. Wax caro ah ma uusan u muujin walaalihiis. Su'aalna kama celin jidadka Eebbe. Waxayse u muuqatay inuu niyaddiisa ka garanayay in Ilaah leeyahay ulajeeddooyin aanay mar walba dadku fahmi karin. Badanaa wuxuu isticmaalaa marxalado aan wanaagsanayn markuu doonayo si uu barako u keeno.

Ugu horrayntii, Yuusuf wax walba way u hagaageen. Waxaa laga sii iibiyey sarkaal reer Masar ah oo maalqabeen ah. Hawshiisiina si hagaagsan buu uga soo baxay oo dabeecad wanaagsan buu la yimid. Ninkii sarkaalka ahaa ayaa wuxuu arkay kartidiisii wuxuuna madax ugu dhigay ganacsigiisii. Eebbe baa shaqadiisii barakadeeyey, sidaas daraadeed sayidkiisii wuu barwaaqoobay ama taajirey.

Dabadeedna si lama filaan ah ayaa waxaa ula soo gudboonaaday tijaabo dhab ah oo dabeecaddiisa la tijaabinayo. Ninkii sarkaalka ahaa xaaskiisa ayaa waxay isku daydey inay isagii shukaansato. Si dhiiran oo shar ah ayay u jirrabtay, iyadoo leh, "Kaalay oo sariirta ila jiifso".

Intuuse si dhaqso leh isaga riixay ayuu Yuusuf ku yiri naagtii sayidkiisa, sida ku qoran Kitaabka Bilowgii, cutubka 39, aayadaha 8 iyo 9, oo leh:

"Bal eeg, sayidkaygu waxba kama oga waxa aan guriga ku hayo; wixiisii oo dhanna gacantayduu wada geliyey; oo weliba gurigan mid aniga iga weynu ma joogo, oo isaguna waxba igalama harin adiga mooyaane, maxaa yeelay, adigu waxaad tahay naagtiisii; haddaba sidee baan u samayn karaa xumaantan weyn, oo aan Ilaah ugu dembaabaa?"

Wakhtigaas tijaabada weyni la soo gudboonaatay, ayaa Yuusuf wuxuu magangelyo u raadsaday Rabbiga, waayo wuxuu si wanaagsan u ogaa in shar-falayaashu ayan marna horumar samayn. Wuxuuna ka mid ahaa kuwa xaqa ah. Xaaskii ninka sarkaalka ah waxay isku taxallujisay inay ulajeeddadeeda ka gaarto Yuusuf. Fursad kale ayay heshay si ay khasab uga sinaysato isaga, oo intay dharkiisii ku dhegtay bay cawradeeda hoos dhigtay. Gadaal buu isaga celiyey laakiin iyadu siima ay dayn. Shaarkiisii bay gadaal ka jeexday markii uu ka farabaxsanayey oo irridda ka sii baxayey. Yuusuf wuxuu ka mid ahaa kuwa xaqa ah.

Haweenaydii si caro leh bay u barooratay oo waxay bilowday inay eedayso Yuusuf. Waxaanay shaarkiisii tustay ninkeedii iyadoo leh, "Yuusuf wuxuu isku dayey inuu i xoogo, laakiin waan qayliyey. Oo wuuna cararay, oo bal eeg shaarkiisiina gacantayduu uga tegay."