Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 4

Inkastoo uusan wax eed ah lahayn, haddana Yuusuf waxaa lagu tuuray xabsi. Laakiin ma gunuunicin mana su'aalin Eebbe. Wuxuuse qalbigiisa ka gartay Ilaah inuu dhacdooyinkan dan ka leeyahay. Uma hoggaansamin xaalad ayaandarro ah uusan tabar u haynin. Maya, wuxuuse u hoggaansamay Ilaah isagoo rumaysad leh. Wuxuu garanayey in Ilaah uu isaga daryeelayo oo ku hoggaaminayo waddada toosan.

Yuusufna xabsiga wuxuu la yimid dabeecad la mid ah tii uu kaga shaqaynayey guriga ninkii sarkaalka ahaa. Waxaana u caddaatay qof kasta in Yuusuf garaad iyo kartiba leeyahay, isagoo rumaysad ku qaba Ilaaha keliya ee dhabta ah.

Waxaa dhacday in xabsigii uu ku jiray Yuusuf lagu soo xiray madaxa kuwa khamriga u geeya boqorka Masar iyo madaxa kuwa wax u duba boqorka. Habeen baa labadoodiiba riyooyin wareeriyey ku kala riyoodeen.

Kii u sarreeyey kuwa khamriga siiya boqorka ayaa yiri: "Waxaan jeclaan lahaa inuu jiro mid riyooyinkan noo fasira."

Yuusuf ayaa ku yiri, "Fasirka riyooyinku Eebbe buu ka yimaadaa. Haddiise aad ii sheegtaan riyooyinkiinna waxaa laga yaabaa in Ilaah ii muujiyo micnahooda."

Markaasaa madaxii kuwii khamriga keeni jiray boqorka riyadiisii Yuusuf u sheegay, sida ku qoran Kitaabkii Bilowgii 40:9-11, oo leh:

"Riyadaydii waxaan ku arkay geed canab ah oo i hor yaal. Geedkuna wuxuu lahaa saddex laamood. Waxayna u ekaayeen sidii iyagoo magoolaya, ubaxyadiina soo baxayaan; markaasaa rucubyadii waxay noqdeen canab bisil. Koobkii Fircoonna gacantayduu ku jiray, markaasaan canabkii guray oo koobkii Fircoon ku tuujiyey, koobkiina waxaan u dhiibay gacantii Fircoon."

Kii u weynaa kuwii wax dubi jiray baa isna yiri, sida ku qoran Bilowgii 40:16-17, oo leh:

"Aniguna waxaan riyadaydii ku arkay saddex dambiil oo kibis cad cad ku jirto oo madaxayga saaran. Oo dambiishii ugu wada sarreeysay waxaa ku jiray cunto cayn kasta ah oo Fircoon loo dubay; markaasay haadkii cuntadii ka cuneen dambiishii madaxayga saarnayd."

Yuusuf wuxuu ku fasiray riyooyinkii sidatan: Saddexda laamood iyo saddexda dembiilood waxay u taagan yihiin saddex maalmood. Oo waxay tahay in saddex maalmood gudahood kan khamriga u geyn jiray boqorka shaqadiisii lagu celin doono, laakiin kan madaxa u ah kuwa wax duba waa la deldeli doonaa.

Yuusuf baa wuxuu ku yiri kii khamriga boqorka u geyn jiray, "Fadlan i xusuuso marka aad ku noqoto guriga boqorka. Waxaa inta la'iigu hayaa dembi aanan gelin, waxaanan jeclaan lahaa inaan fursad u helo si dacwaddayda loo hor dhigo boqorka. Fadlan warkayga gaarsii."

Maalintii saddexaad ninkii u sarreeyey kuwa wax duba waa la deldelay, isla sidii uu Yuusufba ku sii saadaaliyey riyadii, oo kii kuwa khamriga geeya madaxda u ahaana hawshii buu dib ugu bilaabay boqorka, laakiin Yuusuf xabsiga ayaa lagu illoobay; oo waxaa illoobay ka khamriga u geeya boqorka! Laakiin Eebbe qorshe ayuu u hayey addoonkiisa daacadda ah. Ilaah waxba ma illoobo.