Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 2

Sida ay mar kastaba tahay, Eebbe waa naxariis iyo raxmad badan yahay. Wuxuu daryeelay qoyskii Yacquub. Tobankii wiil ee falka sharka ah maleegayay, wuu u naxariistay, wuxuuna ka celiyey inay sameeyaan dil. Yuusufna wuu u naxariistay oo noloshiisii buu badbaadiyey. Qoyskana wuu u naxariistay oo mustaqbal buu u yeelay.

Ilaah wuu u naxariistaa dadka, laakiin waxaynu nolosha nebiyada ka baranaynaa inuu mar waliba ciqaabo ama xukumo sharka. Waa inuu dadka ogeysiiyo inay gartaan dembiga iyo natiijadiisa. Qisadii Yuusuf baynu ku arkaynaa runtan oo soo noqnoqonaysa. Dembiga wuxuu keenay dhibaato, laakiin Ilaah wuxuu keenay samatabbixin.

Inkastoo uu muujiyey itaaldarridda bani-aadannimada ee kibirka ah, Yuusuf wuxuu ahaa qof rumaysi ku qaba Eebbe oo si wacan buuna Ilaah ugu adeegay. Ilaah ayaa u oggolaaday isaga inuu silco, iyadoo uusan taas uga gol lahayn in uu ciqaabo, laakiin uu doonayey inuu isaga isu soo dhoweeyo. Waxaa kaloo uu doonayey in Yuusuf ku koro xigmad iyo rumaysad si uu u hanto hawsha soo socota. Yuusuf wuxuu soo aaday dhulkii daaqsinta isagoon garanayn in walaalihii qorshaysteen inay dilaan.

Walaalkiisii ugu weynaa ee mas'uulka isaga ka ahaa ayaa yiri, "Yaynaan diline, aan ceel ku ridno." Markaasay intay khamiiskii ka siibeen dhiig mariyeen, si Yacquub u rumeeyo in dugaag cunay isaga. Ceel maran ayayna isaga ku rideen.

Laakiin waxaa halkii soo maray koox safar ah. Mid baa ku taliyey sidatan, "War maxaynu addoon ahaan ugu iibin waaynay isaga? Sidaasaan isaga fogayn karnaa, isaga faa'iidana ku heli karnaa." Markaasay, intay soo bixiyeen, ku iibiyeen lacag yar. Waxaana loo kaxaystay Masar.

Yuusuf keligii ma uusan aadin Masar. Ilaah baase la jiray oo hoggaaminayey isaga. Noloshiisu ma ahayn mid nasiib ama ayaan ku xiran oo aan habaysnayn. Wuxuu si weyn u garanayey in Eebbe daryeelkiisa la mid yahay sida aabbe u daneeyo inankiisa.

Inkastoo dadka kale ay sida addoon ula dhaqmayeen isaga, wuxuu dareemay xiriirkan dhow ee uu Ilaah la lahaa. Eebbe ma uusan illoobin isaga. Ilaah wuxuu noloshiisa u badbaadiyey ulajeeddo. Wuxuuna sidan u sameeyey isagoo dhex marsiinaya marxalado si doonistiisa loo yeelo. Yuusuf wuxuu garanayey xaaladaha noloshiisa in loogu kalsoonaan karo xigmadda iyo raxmadda Ilaah.