Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 7

Ilaah wuxuu ku yiri Nuux daadkii kaddib, isla sidii uu yiri intaanu daadku iman, male kasta oo fikirrada qalbiga dadka waa shar keliya. Haddana Ilaah wuxuu doonayey inuu axdi cusub la dhigto Nuux, markanna wuxuu ballankii ku fidiyey faracii Nuux oo dhan. Eebbe wuxuu muujiyey siduu uga carooday dabeecadaha dembiga miiran ee dadka markii uu soo diray daadka. Wuxuu tusmeeyey in dembigu yahay wax aad u xun oo keena ciqaab. Waxaa kaloo uu ina tusay in qof kastoo ku kalsoonaada oo addeecana Ilaah aanu hoos imanaynin xukunka.

Imminka, sidii uu u yiri ee ku qoran Kitaabka Bilowgii 9:9 oo leh, "Anigu axdigayga baan idinku adkaynayaa, idinka iyo farcankiinna idinka dambeeya;" oo uu qaanso-robaaddana calaamad ka dhigay, Ilaah wuxuu mar kale muujiyey sida uu had iyo goorba u daneeyo oo rajo uga leeyahay dadka. Waxaynu garanaynaa inuu doonayey in qisada Nuux qarniyada soo fool lahaa loo sheego quruumo kala duwan ee soo socda, waayo waxaynu badanaa aragnaa in qisada loo soo qaato sida cashar Ilaah doonayo inuu giddigeen wax innagu baro.

Eebbe wuxuu innagu yiri, "Xusuusta Nuux. Isla sidii ay xaaladuhu ahaayeen maalmahaas, oo dadka dembiga lehna ayan Ilaah dhug ugu yeelan ilaa daadkii yimid oo qaaday iyagii oo dhan, ayaa waxaa jiri doonta maalin marka Ilaah xukumi doono dunida." Waxaad xusuusataan Nuux, waayo wuxuu ahaa mid daacad ah, oo Ilaahna raalli buu ka noqday isaga. "Xusuuso Nuux," Eebbe baa innagu yiri, "markii aan ku dhaartay in biyaha ayan dabooli doonin dhulka dushiisa mar kale....jacaylkayga aan guuldarraysanayn ee aan idiin qabo innaba lama gilgili doono oo axdigaygii nabaddana halkiisii lagama qaadi doono."

TUKASHO

Ilaahow! Kan Ilaaliya oo difaaca kuwa xaqa ahow. Ammaani korkaaga ha ahaato weligeed. Isla sidii aad shakhsi ahaan ugu tilmaantay Nuux dhismaha doonnida taasoo ka celisay daadkii, raalli ka ahow inaad aniga igu toosiso dhismaha doonni aan u dhisto noloshayda; dhismaha xiriirka aan kula yeesho, doontaasoo isla sidii Nuux oo kale kaasoo iga difaaca maalinta weyn ee naxdinta leh ee qiyaamaha. Waxaad ku beertaa niyaddayda xiriir cibaadaysi iyo addeecis leh; maxaa yeelay naftaydu waxay kuugu qaylinaysaa axdi noocaas oo kale ah, kaasoo aniguna aan xaqiiqo ahaan ogaan karo inaad adigu tahay magangalkayga, oo markaasina badbaadadayda la iga badbaadinayo baaba'a iyo cadaabta ay tahay hubaal. Oo markaasi oo keliya bay naftaydu nabad ku nasanaysaa.

Aammiin.