Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 6

Axdigii Waa La Ballaariyey

Ugu dambayntii doonnidii waa la dhammeeyey. Nuuxna wuxuu hubsaday in cunnadii oo dhan la soo saaray doonnida, taasoo ku filnayd iyaga iyo xayawaankaba inta daadkaasu socdo oo dhan. Dabadeedna xayawaankii waxaa la geeyey meelahoodii loogu talaggalay, siduu Eebbe u amray. Isagoo la socda xubnaha qoyskiisa ayuu Nuux doonnidii koray. War maxay ahayd wakhti uu Nuux rumaysadkiisu guulaystay! Nuux wuxuu ahaa nin xaq ah markii kuwo kalena ay ku noolaayeen dembi. Wuxuu addeecsanaa raacidda amarrada Ilaah. Si rumaysad leh ayuu u shaqeeyey oo si adag buu ugu dadaalay sidii uu doonta u diyaarin lahaa. Laakiin wakhtigaas markii uu galay albaabka si buuxda, oo cusub, oo khaas ah ayuu isugu dhiibay gacmaha Ilaah. Waxaynu ka akhrinnaa qisadiisa in lagu qoray, "Markaasna Ilaah baa xiray albaabkii doonnida." Ilaah baa xiray albaabka doonnida, oo ma jirin wax kale oo Nuux samayn karay. Si buuxda ayuu Ilaah ugu xirnaa, hadday noqon lahayd difaac iyo badbaado ciqaabta laga badbaadiyo, taasoo dunidan dembiga miiran ku soo socotay.

Xukunkiina waa yimid, oo daadkuna wuxuu ahaa xaqiiqo naxdin leh. Afartan maalmood iyo afartan habeen ayaa cirka roob ka hoorayey, oo ilo waaweyn baa ku soo butaacay dhulka. Isla sidii Ilaah yiri, iyo sidii Nuuxba ka digay, ayaa qof kastoo bannaanka ka joogay doonnida ku dhintay daadkii weynaa. Nuuxna waxaa difaacay doonnidii iyo axdigii Eebbe la dhigtay isaga.

Biyihii ayaa dhulka ku soo fatahay. Dabadeedna Ilaah wuxuu xiray ilihii biyaha ahaa ee dhulka hoostiisa ka imanayey, oo wuxuu joojiyey roobkii hoorayey. Wuxuuna soo diray dabaylo biyaha uumi bixiya, oo mar kale ayaa haddana dhulkii engegay. Ilaah wuxuu ku yiri Nuux, "Doonnida ka baxa." Oo wuxuu u sheegay Nuux in dadka iyo xooluhuba ay bilaabaan inay tarmaan mar kale, oo dhulkana ay ka yeelaan mid miro badan dhala.

Isla markii uu ku soo degay dhul engegan, ayaa Nuux wuxuu dhisay meel allabbari Eebbe loogu bixiyo, wuxuuna halkii ku bixiyey waaqdhaac guban, iyadoo taasuna ahayd caabudid iyo mahadnaq buuxa. Ilaah wuxuu ku farxay ficilka Nuux sameeyey, wuxuuna Nuux ku yiri, sida ku qoran Kitaabka Bilowgii 8:21, oo leh:

"Inkastoo, malaha qalbiga dadku yahay shar tan iyo yaraantiisa; mar dambena ma aan dili doono wax kasta oo nool sidii aan yeelay."

Ilaahna qaanso-robaadda ayuu calaamad uga dhigay axdigaas uu dadka la dhigtay.

Waxaynu ka garan karnaa hadalladii Ilaah in dabeecaddii dembiga lahayd ee dadka aanu daadkii baabi'in. Dadkii dembiga lahaa waa la wada baabi'iyey, laakiin xaaladdii dembigu way sii jirtay. Waxaynu ammuurtan ka baranaynaa in Nuux aan lagu badbaadin isagoo ka xoroobay xaaladda dembiga aawadeed, laakiin kalsoonidii uu Ilaah ku qabay aawadeed ayaa Eebbe u sameeyey waddo uu ku badbaado. Waayo Nuux wuxuu rumaysnaa Ilaah oo addeecay, Ilaahna wuxuu isaga geeyey meel uu ku badbaado. Wuxuu ka badbaaday biyihii butaacayey goortuu doonnida ku jiray, wuxuuna ka badbaaday xukunkii ku yimid adduunka dembiga badan. Kalsoonida iyo addeecistu waxay inoo keenaan wax la mid ah doonnidii Nuux, taasoo innaga yeesha inaan ka badbaadno ciqaabta imanaysa ama xukunka soo fool leh.