Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 5

NUUX WUXUU AQBALAY QORSHIHII ILAAH

Axdigii Ayaa La Aasaasay

Ilaah wuxuu ku yiri Nuux sida ku qoran Kitaabka Bilowgii 6:18 oo leh:

"Laakiin axdigayga adigaan kula dhigan doonaa." Waxaad samaysaa doonni adigoo raacaya tusmooyinkayga. Waxaad soo kaxaysataa qoyskaaga oo xayawaanka duurkana soo geli, sidaan kuu sheegay, oo waxaad ka badbaadi doontaa biyaha daadka dhammayn doona wixii naf leh oo kale."

Ilaah wuxuu u isticmaalay erayga axdi sabab khaas ah daraaddeed. Bacdamaa axdigu uu yahay shay la mid ah sida heshiis ama qandaraas, shaqadiisu waxay tahay isku xiridda laba qaybood oo wada dhiganaya ballan ama wacad. Mid kasta oo axdigaas ku jira waxaa saaran mas'uuliyad waajib ku ah, iyagoo dhanna waxay yeeshaan rajo faa'iido leh.

Nuux wuxuu gartay waxa Eebbe u sheegay isaga. Wuxuuna aqoonsaday in axdigu ahaa habkii Ilaah dadka isugu soo dhowayn lahaa. Waxay ahayd ulajeeddada Ilaah bilowgii in dadka iyo isaguba ay nabad ku wada noolaadaan. Nuux wuxuu garanayey inuu raalligelin karo Ilaah markii uu si buuxda u addeeco. Wuxuuna garanayey xitaa in addeecidda Ilaah ay u keenayso badbaado iyo nolol isaga. Eebbe eraygiisa kama noqdo. Nuux badbaadadiisa Ilaah baa dammaana-qaaday. Sinaba ugama shakiyin badbaadadiisa, waayo Ilaah ma shirqoolo kuwa xaqa ah. Mana khiyaamo kuwa isaga raaca. Sida qandaraaska wanaagsan oo kale, ayaa axdiga Ilaahna u keenaa faa'iido qof kasta.

Nuux kama shakiyin axdigaas. Waxaan ka akhrinnaa Kitaabka Bilowgii 6:22 wixii noloshiisa laga qoray erayadan: "Nuux wax kasta sidii Ilaah ugu amray buu u sameeyey." Addeecistiisa ayuu Eebbe ku raalligeliyey oo ugu helay samatabixin naftiisa iyo tan qoyskiisaba.

Nuux wuxuu fahmay hadallada Ilaah. Wuxuu aqbalay oo rumeeyey wixii Eebbe yiri oo dhan. Waxaa isaga ka hor yimid go'aanno ay ahayd in uu kala doorto. Wuxuu go'aansan karay inaanu raacin qorshaha Ilaah ee badbaadada; hase yeeshee, xorriyaddiisii doorashada isagoo leh ayuu go'aansaday in uu u macaammiloodo si waafaqsan tusmooyinka Eebbe. Markii aynu ka fekerno wax ku saabsan xaaladdan, waxaa inoo caddaanaysa in Nuux u dhaqmay si ay ku dheehan tahay rumaysad weyn iyo dhiirranaan.

Kuwii ku xeernaa oo dhan, sidaynu soo aragnay, waxay xiisaynayeen oo keliya nolol raaxo iyo naf-jeclaysi badan. Weligood ma ay maqlin daad; mana ay arag biyo cirka ka soo hooraya. Waxaase ay maqleen Nuux oo Ilaah ka hadlaya oo isku dayaya inuu ka qanciyo iyaga inay noloshooda beddelaan. Malaha way ku qosleen oo waxay la noqotay in uu yahay mid doorsoon. Mar kale waxay haddana maqleen isagoo leh, "Daad baa imanayaa." Waxayna maqleen codkiisii iyaga u digayey markii uu la hadlayey wiilashiisii oo uu u sheegayey sida loogu baahnaa inay galaan doonnida uu dhisayey.

Nuux, isagoo raacaya cabbiraadihii Eebbe, ayuu dhisay doonni cajiib ah. Tan nafteeda ayaa ka markhaati kacaysay muhiimadda hadalladiisa. Hawshii daacadda ahayd ee samirku ku larnaa iyo farriimihii loogu digayey waxay socdeen sannaddo badan. Dadkii ku qoslay ee ismoogaysiiyey Nuux ayaa iyaguna go'aanno gaarayey. Isla sidii ficilladii Nuux u caddeeyeen inuu doortay inuu rumeeyo oo addeeco Ilaah, ayaa sidoo kale kuwo badanina ku caddaysteen falalkooda inay diidaan Ilaah.