Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 4

Xukun Iyo Naxariis Baa La Qorsheeyey

Waxay hadda u muuqataa in Ilaah ay haysatay dhibaato rasmi ah, miyaanay ahayn? Waa khasab inuu xukun ku soo rogo dunidan dembiga miiran. Laakiin isla markaana wuxuu lahaa hammi weyn oo uu ku dheehan yahay naxariis iyo raxmad aan la soo koobi karin. Wuxuuna wax kasta ka doorbidayey in dadkiisu ay ka soo dhalaalaan dantii iyaga loo abuuray. Wuxuuna ka doonayey iyaga inay isaga magaciisa ammaan u keenaan. Marka muxuu samayn karay?

Inkastoo uu dhulka si caro leh u eegayey, haddana wuu garanayey bilowgiiba sida uu dhibaatadan u xallin doono. Qorshe ayuu hayey. Wuu awooday inuu burburiyo dunidan dembiga miiran oo dhan, isagoo haddana dadka badbaadinaya, waayo waxaa jiray hal nin oo xaq ahaa, oo aan iin lahayn oo dadkii wakhtigaas ka mid ahaa, ninkaasoo Ilaah la socon jiray. Magiciisana waxaa la oran jiray, nebi Nuux.

Xaalku halkan ayuu marayey markii Nuux maqlay codka u sheegayey daadka ama duufaanta soo socotay. Wuxuu maqlay cod aan uga imanaynin raadiyow; wuxuuse ahaa cod si toos ah Eebbe uga yimid.

Markaasina Ilaah wuxuu Nuux ku yiri sida ku xusan Kitaabka Bilowgii 6:13, 17 oo leh:

"Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yiri, Intii jir leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaaray; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga ka yimid, oo bal eeg, iyagaan dhulka la baabi'in doonaa. Oo bal eeg, anigu daad biyo ah baan ku soo dayn dhulka, inaan baabi'iyo inta jirka leh oo dhan oo neefta noloshu ku jirto, inta samada ka hoosaysa; wax kasta oo dhulka joogaaba way dhiman doonaan."

Sidaad arkayso ba, inkastoo Nuux uu ahaa nin ku hoos jira xaaladda dembiga, haddana Eebbe raalligiisa ayuu helay waayo Ilaaha Abuurihiisa ah ayuu mar kasta ku dhowaa oo wuxuu jeclaa inuu isaga horjoogo. Nuux wuxuu ku socon jiray dariiqa Eebbe oo wuxuu mar kasta doonayey in uu Ilaah u hoggaansamo. Ilaah wuxuu Nuux u doortay rasuulkiisa. Isagoo adeegsanaya Nuux ayuu farriin digitaan ah u diri karay dadka; una tusmayn karay dadka adduunka naxariis iyo raxmad. Ilaah wuxuu muujinayaa in inkastoo ciqaabi imanayso, uu haddana keenayo hab lagu badbaadiyo kuwa maqla codkiisa oo isaga addeeca.

Markaa Eebbe wuxuu u sheegay Nuux daadka halaagga inuu u imanayo iyadoo ay sababtay xaaladda dembiga miiran ah ee dadka. Dembiga faraha lagama laaban karo iyadoo aan la ciqaabin. Daadku wuxuu ahaa ciqaabta Ilaah. Laakiin Eebbe wuxuu Nuux u sameeyey hab uu kaga baxsado, waayo Ilaah dadkiisa weli wuu danaynayey oo wuxuu doonayey inay gartaan naxariistiisa iyo ulajeeddada uu ka leeyahay noloshooda. Wuxuu u sheegay Nuux inuu si taxaddar leh u dhegaysto oo uu raaco tusmooyinkiisa oo dhan.

Waxay ahayd in Nuux dhiso doonni weyn, taasoo ku dul sabbeeysa biyaha korkooda oo iyaga badbaadisa ilaa iyo inta duufaantu socoto. Ilaah wuxuu isaga u sheegay tusmadii iyo cabbiraadahii saxda ahaa ee dhismaha doonnida. Waxay tilmaan cad innaga siinaysaa taasu xiisaha iyo danaynta shakhsi ahaaneed ee Ilaah u hayey dadkiisa markii uu u sharraxay faallo kasta oo ku saabsanayd diyaargarowga. Markii aynu ka akhrinno qisadaas sida ay ugu dhigan tahay Kitaabkii kowaad ee Tawreedda nebi Muuse oo la yiraahdo Bilowgii, waxaynu fahmaynaa in Eebbe la jiray Nuux, isagoo eegaya abaabul kasta, markii la dhisayey doonnida. Waxay u muuqataa in Ilaah dul wareegayey fuundigiisan uu doortay, isagoo hagaya, tusaalaynaya oo hubinayana in markabkan uu doonayey in uu saaro abuuristiisa uu jecel yahay uu noqdo mid u qalma inuu iska caabbiyo carada duufaan kasta. Ma jirin awood shar leh oo marna burburin kartay kuwa aqbala difaaca doonnida wanaagga leh ee Ilaah!

Ilaah wuxuu u sheegay Nuux inuu jiro wakhti loo qoondeeyey in roobku hoori doono kaddib marka doonnida la dhammaystiro. Waxay ahayd in biyuhu ka soo baxaan dhulka, oo wax kastoo neefta noloshu ku jirtana ay haftaan, kuwa doonnida ku jira mooyaane. Nuux waxay ahayd in xubnaha ka tirsan qoyskiisa uu soo geliyo doonnida, oo xayawaanka kasta oo kalena lab iyo dheddig labo labo ah u soo geliyo doonnida, si markaasi noloshu ay u sii jirto marka daadku dhammaado.

Waxaynu markaas aragnaa, ka hor inta ayan ciqaabta ama xukunku iman, in Eebbe horey ugu sameeyey abuuristiisa khaaska ah, waa banii-aadanka e, hab badbaado ah oo ay kaga baxsadaan ciqaabta kuna aqbalaan nolosha cusub. Ilaah wuxuu doortay nin, waa Nuux e, iyo hab, waa doonnida e, kuwaasoo dadka lagu ogeysiin karay hubaasha ama xaqiiqada xukunka imanayey iyo waddada badbaadada.