Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 5

WAA INAYNU IXTIRAAMNO OO ADDEECNO ERAYGA EEBBE

Bal imminka aynu qisadii Muuse ku noqonno. Kaddib markii uu helay labadii loox ee Maragga ayuu buurtii kala soo degay. Intaanuu soo gaarin xeradii ay degeen dadku ayuu maqlay yabaq iyo hees. Wuxuu isweyddiiyey maxay dadku samaynayaan? Way ku adkayd inuu rumaysto wixii ay samaynayeen! Waxay samaysteen sanam -- wuxuu ahaa qaalin lo' ah oo ay dahab ka sameeyeen. Iyagoo u ciyaaraya bay waxay sanamkaas u caabudayeen sida Ilaah oo kale.

Muuse aad buu u niyad jabay oo u carooday wuxuuna tuuray looxyadii dhagxaanta ahayd ee uu gacmaha ku sitay, oo way jajabeen. Haddaba halkaas miyey ku dhammaatay muujintii Ilaah ee la qoray? Yaanay noqon! Muuse wuxuu ahaa hoggaamiye dhab ah. Wuxuuna maamul iyo kala dambayn ku soo celiyey xerada. Dabadeedna Eebbe buu baryey, isagoo weyddiisanaya cafiska dadka. Ilaah wuxuu ciqaabay dadka markuu masiibo u keenay, laakiin isagu aad buu u naxariis badnaa. Wuxuu ka jawaabay baryadii Muuse oo wuxuu sii waday qorshahiisii uu doonistiisa dadka ugu muujinayey iyadoo qoran.

Ilaah baa Muuse ku yiri, sida ku qoran Baxniintii 34:1 oo leh:

"Waxaad soo qortaa laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg, oo waxaan looxyada ku qori doonaa erayadii ku qornaa looxyadii hore, oo aad jebisay."

Eebbe sidan buu ku muujiyey inaan eraygiisa marnaba la baabi'in ama la beddelin. Mar labaad ayuu looxyadii dhagxaanta ahaa wax kula qoray gacantiisa. Xitaa, Ilaah wuxuu Muuse u sheegay inuu xagga hadalka ka taageeri doono. Taasu waxaa weeye, inuu ka dhowri doono in khaladaad uu sameeyo. Waxaa markaasi xaqiiqo inoo noqonaysa in Erayga Eebbe aanu lahayn wax khaladaad ah.

Muuse wuxuu marar badan sheegay in hadallada qoran ee Ilaah ay yihiin wax qaali ah oo dadkiisu haystaan. Qorniinku Ilaah buu ka yimid oo Ilaah baana dhowraya weligii. Ilaaha keenay wuu awood badan yahay oo wuxuu awoodaa inuu dhowro hadalladiisa wax kastoo dhacaba ama xaalad kastoo lagu jiro. Sida aynu aragnay, Eebbe wuxuu horey ugu xaqiijiyey hadalladiisa calaamooyin la yaab leh iyo mucjisooyin. Wuxuu yiri, "Hadalladan waa amarradayda ay leeyihiin farac kasta."

Markii aan dib u fiirinno taariikhda waxaan arkaynaa in Ilaah xaqiiqdii uu difaacay oo dhowray Eraygiisa. Wuxuuna inaga inoogu yimid isagoo hufan oo dhan waliba sax ka ah, inkastoo ay jireen isku day la doonayey in lagu baabi'iyo.

Dad ulajeeddo shar ah wata ayaa xataa waxay damceen inay ku qalloociyaan macnaha Qorniinka oo ay qariyaan xaqiiqooyin muhiim ah marka ay fasirayaan. Hase ahaatee, Ilaah ma aha in la diido. Isagu waa Guullaha ka sarreeya wax walba oo eraygiisana lama beddeli karo weligiis.

Markii aynu akhrinno Tawreedda maanta ayey ina siinaysaa farriin la mid ah tii ku qornayd nuqligii la qoray waagii hore. Aqoonyahannadu waxay caddeeyeen in sidii kitaabka Tawreedda loo dhowray iyo sidii Muuse loogu soo dhiibayey, ay tahay mucjiso tilmaamaysa awoodda Ilaah iyo runta Qorniinka Quduuska ah.