Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 4

WAXAYNU RUN KA BARANNAA ERAYGA EEBBE

Mar dambe waxaynu ogaan doonnaa wixii dhacay markii Muuse ka soo degay Buur Siinay. Laakiin ugu horrayn aynu ka fekerno dulucda farriimaha Ilaah siiyey Muuse. Casharkan si kooban ayaa loogu sheegi karaa xaqiiqooyinkan. Sidaas darteed, waxaynu ku siin doonnaa liiska qodobbada ugu muhiimsan ee qisada. Waxay tani kaaga jawaabi doontaa su'aalo muhiim ah; waxayna kaa caawin doontaa inaad mar dambe si dhammaystiran u barato Tawreedda, iyo Qorniinka kale ee quduuska ah. Waxaad arki doontaa in waxbaridda noocan ahi ay tahay mid caawimaad weyn leh oo xiiso badan. Isku daydaa inaad hesho kutubta Tawreedda, Sabuurrada, iyo Injiilka.

Runta Lagu Muujiyey Tawreedda

  1. Waa inaydnaan Ilaah kale caabudin. Ilaah waa mid. Mid kalena ma jiro.

Ma aha inaynu caabudno awliyo, malaa'igo, iyo weliba qof kale, wuxuu doono ha ahaadee.

Ma aha inaynu samaysanno sanamyo noocay ahaadaanba. Tawreeddu si bayaan bay ammuurtaas uga hadashaa, sida ku qoran Kitaabka Baxniintii 20:4-5, oo leh:

"Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira. Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin."

Markii shey un qaato booskii Ilaah ee niyaddeenna, waxaynu samaysanaynaa nooc sanam ah. Lacagta, dhulka, iyo hantida kale ayaa laga yaabaa inay sanamyo inoo noqdaan haddii aynu wax badan danayno intii aynu danayn lahayn Ilaah.

  1. Ilaah wuxuu dib u cusboonaysiiyey Axdigiisii uu la dhigtay dadkiisa, wuxuuna ballanqaaday in iyaga uu barakadeeyo inta ay addeecsan yihiin oo dhan.

  2. Ilaah wuxuu u yeeraa dad iyo qarammo si ay ku gartaan, u rumeeyaan oo u addeecaan amarradiisa.

Si markaasi uu u abaabulo aasaas ku habboon farriimihiisa ku socdo banii-aadanka, ayaa Eebbe diyaariyey Tawreedda. Waxay Tawreeddu ina siisaa oraah qayaxan oo midaysan oo ku saabsan sharciyadiisa iyo habka uu dadka ula shaqeeyo. Sidaas darteed waxay noqonaysaa:

  • B. Aasaaska Qorniinka kale oo dhan.
  • T. Aasaaska xiriirka dadku ay la leeyihiin Ilaah iyo dadka kale; iyo furaha nolosha lagu guulaysto.
  1. Ilaah wuxuu sharraxaad cad ka bixiyey isticmaalka waaqdhaaca taasoo ahayd munaasabad calaamad ahaaneed. Waaqdhaaca xoolihii aan iinta lahayn ayaa muujinayey in dembiga uu keeno dhimasho oo Ilaah doonayo in la ciqaabo dembiga. Marka la sameeyo munaasabadda waaqdhaaca ayay dadku muujin kareen in taas ay garanayaan, oo ay rumaysad ku qabaan Ilaah inuu cafinayo dembiyadooda.

  2. Waxaa taas sii dheer, inay tilmaantay qorshaha adag oo aan la garan karin ee ahaa in Ilaah qudhiisu dhex-galka samaynayey isagoo u taagan dadka ku dhex jira xaaladaha dembiga leh iyo kala dhaqaaqidda isaga iyo dadka oo ay xagga ruuxa ka kala dhaqaaqeen. Ma xusuusataa waaqdhaacii beddelaadda lagu soo furtay wiilkii Ibraahim? Ma xusuusataa waaqdhaacii beddelaadda ahaa ee looga soo furtay dadkii nebi Muuse masiibadii? Habkan xayawaanka waaqdhaaca ah waxay si joogta ah dadka u xusuusinayaan Waaqdhaaca noqonaya Beddelaadda ee Kaamilka ah ee Ilaah qudhiisu keenayo si uu uga xoreeyo aadanaha addoonsiga dembiga iyo masiibada khatarta ah ee cadaabta.

Muujintii Muuse la siiyey ayaa bilow ahayd, si ay tilmaan uga bixiso mustaqbalka. Waxay innagu caawiyeysaa inaan garanno qorshaha Eebbe ee ah inuu isugu keen muujiyey hab dhan oo kaamil ah, haddii aynu si taxaddar leh u dhegaysanno oo hadalladiisa u addeecno.