Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 6

Muuse wakhti badan oo noloshiisa ah ayuu u huray inuu dadka ku caawiyo sidii ay ku heli lahaayeen, ku garan lahaayeen, oo ku addeeci lahaayeen Erayga Eebbe. Wuxuuna yiri, sida ku qoran Kitaabka shanaad ee Muuse oo la yiraahdo Sharciga Ku Noqoshadiisa, cutubka 6, aayadaha 1, 2 iyo 3, oo leh:

"Haddaba waxanu waa amarkii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu amray inaan idin baro. Waa inaad idinka iyo wiilashiinna iyo wiilashiinna wiilashooduba wada dhowrtaan intaad nooshihiin oo dhan in cimrigiinnu dheeraado. Haddaba reer banii-Israa'iilow, maqla oo yeela si aad u nabdoonaataan."

Muuse wuxuu siiyey hadallada qoran ee Eebbe wadaaddada oo wuxuu bixiyey amar inay akhriyaan oo dadka baraan. Taasuna waxay ahayd rajada keliya ee Muuse ka lahaa mustaqbalka markaas uu soo gaaray wakhtigii dhimashadiisa. Maanta eraygaasu wuxuu rajo u yahay dadka oo dhan, oo waxay dadka oo dhan ku yihiin waajib iyo sharaf inay akhriyaan Erayga Eebbe.

Waayo? Miyay jiraan mudnaan gaar ahaaneed in la akhriyo kitaab quduus ah? Dadka qaar ayay la tahay inay akhriyaan kutubta diiniga ah iyadoo taasuna u tahay munaasibad diimeed. Dadka qaar baa kutubta diiniga ah quduus ahaan u dhowra oo sharfa laakiin ma akhriyaan. Laakiin sababta aynu u akhrinno Erayga Eebbe waa ka duwan tahay kuwaas. Waxaynu garanaynaa kutubtaas qudhoodu inayan Ilaah inoo soo dhowayn karin. Habase yeeshee waa farriinta kitaabka ku jirta waxa muhiimka ah ee awoodda leh. Uma akhrinno sida inay yihiin ficil diimeed, laakiin waxaynu u akhrinnaa si aynu u maqalno farriinta oo u oggolaano in Ilaah inagula hadlo hadalladiisa qoran.

Waxaad xusuusataa in Muuse uu jebiyey looxyadii markii uu arkay dadkiisa oo caabudaya sanam. Looxyadan waxaa soo qoray Ilaah oo Muusena qiimi weyn bay ugu fadhiyeen. Welibana wuxuu garanayey in addeecista sharciyada Eebbe ay ka qiimi badan tahay haysashada hadallo dhagxaan lagu soo qoray. Waxay ahayd sida in Muuse ooyey markii uu jebiyey looxyada isagoo leh: "Waa maxay wanaagga ay leeyihiin kuwani haddii dadku ayan addeecin farriinta ku qoran?"

Welibana, Ilaah wuxuu beddelay looxyadii dhagxaanta ahaa, waxaanay tanu ina tusaysaa in Ilaah inaga doonayo inaynu haysanno hadalladiisa qoran. Wuxuu innaga doonayaa inaynu akhrinno. Wuxuu innaga doonayaa inaynu jeclaanno oo qaddarinno eraygiisa, isla sidii Muusaba sameeyey. Tan ugu muhiimsan ee uu doonayo waxaa weeye inaynu garanno inuu doonayo inuu shakhsi ahaan inagula hadlo Erayadiisa. Wuxuu innaga doonayaa inaynu isaga ka barinno fahamka waxbariddiisa markii aynu fahanno inaynu nolol maalmeedkeenna ku addeecnaa isaga.

TUKASHO

Ilaahayow, Kii Muuse samatabbixiyeyow, kii Weynaa ee lagu fasiro Waxaan Ahay Kaan Ahay, adigoo keliya ayaa xoog iyo xigmadba leh. Waxaan si hoosaysa u qirayaa in Adiga mooyaane aan ilaah kale jirin oo Eraygaaga mooyaane aanay jirin waddo kale oo igu hoggaamisa runtaada yaabka leh. Eraygaaga oo keliya ayaa ah, Jidka, Runta, iyo Nolosha. Waxaad i siisaa dhiirranaan iyo jacayl qoto dheer oo aan ku baaro Qorniinka oo dhan si aan nafaqo ugu helo ruuxayga. Waxaad igu caawisaa inaan aqbalo kuna camalfalo Hadalladaada anigoo rumaysad leh sidii Muuse iyo dadkiisiiba sameeyeen. Igu caawi xitaa inaan magangal ka raadsado awooddaada aan xisaabta lahayn ee karta inay iga samatabbixiso addoonsiga iyo qaska dembigu leeyahay. Iga yeel inaan Eraygaaga oo la hadla niyaddayda ka helo hubsasho taasoo sugta jacaylkaaga qof ahaan ee igu hoggaamiya jidka aada Jannadaada nolosha daa'imkaa ah.

Aammiin.