Qaybta 5
IBRAAHIM WAX KASTA ILAAH BUU SIIYEY
Ibraahim wuxuu ku sii koray rumaysad, waxaana dhan walba ka barakadeeyey Eebbe. Sidoo kale, Ilaah wuu tijaabiyey isaga markii uu siiyey fursado badan ee uu ku muujiyo rumaysadkiisa. Mar kastana Ibraahim wuxuu u ficiltamay sida saaxiibkii Eebbe. Wuxuu sidan u sameeyey kaddib markuu Ilaah la hadlay, isagoo jacayl iyo danayn u muujinaya dadka kale, oo dhan walibana si buuxda u addeecsanaa oo ugu hoggaansanaa doonista Ilaah.
Ilaah wuxuu ballankii ugu soo celiyey Ibraahim kaasoo ahaa inuu quruun weyn ka kicin doono faraciisa. Markaa Ibraahim iyo xaaskiisa Saarah waxay dhaafeen xilligii laga filayey in ubad u dhasho. Waxay aad u doonayeen in wiil u dhasho! Waxay ku dhowaayeen inay rajo-beelaan markii sannaduhu sii socdeen iyagoo aan wax carruur ahi u dhalan.
Laakiin waa ku qoran tahay Kitaabka Bilowgii 15:1, 7, 18, 6 sidatan:
"Hadalkii Ilaah baa Aabraam ugu yimid muuqasho ahaan, isagoo leh, Aabraamow, ha baqin; anigu waxaan ahay gaashaankaaga, abaalgudkaaguna aad buu u weynaan doonaa. Anigu waxaan ahay Rabbiga kaaga soo kaxeeyey Uur tii reer Kalday, inaan ku siiyo dalkan si aad u dhaxashid. Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan. Oo Aabraamna Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo."
Eebbe weligiis ma jebiyo ballamadiisa. Wuxuu garanayey siduu Ibraahim u hoggaamin lahaa uguna diyaarin lahaa dhacdadii ugu muhiimsanayd ee noloshiisa. Dhacdadani waxay ahayd tijaabadii ugu weynayd ee rumaysadkiisa. Oo way ka sii weynayd tijaabinta Ibraahim oo keliya. Waxaase ay tusaale iyo cashar u ahayd dadka oo dhan. Ilaah wuxuu qorsheeyey hab uu u isticmaalayo Ibraahim si uu banii-aadanka ugu muujiyo xiriirka dhabta ah ee ka dhexeeya Ilaah iyo dadka. Sidan ayay u dhacday: Inankii la ballanqaaday wuu dhashay! Rumaysadkii Ibraahimna waa laga abaal mariyey. Wuxuu ogaa in quruun weyn faraciisa ka iman doonto, dadka oo dhanna lagu barakadayn doono. Inankiisana wuu jeclaa sida aabbe kasta carruurtiisa u jecel yahay. Waxaa tan weheliya, in inanku ahaa mid khaas ah waayo waxay ahayd in uu noqdo rajada quruumo badan.
Dabadeedna Eebbe baa sameeyey wax dadku ayan fahmi karin. Wuxuu Ibraahim u sheegay inuu wiilkiisa waaqdhaac ahaan u bixiyo. Ilaah sidan buu Ibraahim u tijaabiyey, isagoo leh: "Ibraahimow", Ibraahimna wuxuu yiri: "waa i kan". Dabadeedna Ilaah baa ku yiri, "Waxaad soo waddaa inankaaga aad jeceshahay, oo waxaad sida allabbari la gubo ugu dul bixisaa mid ka mid ah buuraha aan kuu sheegi doono."
Rumaysadkii Ibraahim siduu u weynaa wuxuu bilaabay isla markiiba inuu raaco tusmooyinkii Ilaah. Mar kale ayuu rumaysadkiisii ficil ahaan u muujiyey.
Subaxdii xigtay aroortii hore ayaa Ibraahim soo watay inankiisa iyo laba khaaddumadiisii ka mid ah si ay qoryo iyo dab allabbariga lagu gubo u soo qaadaan. Gacantiisana wuxuu ku sitay billaawe. Aabbaha kalgacalka leh wuxuu sidan ku samayn karaa xoogga Eebbe oo keliya. Ibraahim wuxuu garanayey in Ilaah qorshihiisa u sii wadi doono si isaga iyo dadka oo dhan u wanaagsan.
Markay gaareen buurta, Ibraahim wuxuu inankiisa dusha ka saaray qoryihii. Labadooduna waxay u kaceen dhanka meeshii allabbariga lagu bixin lahaa.
"Waxaynu wadnaa qoryo iyo dab," ayuu yiri wiilkii yaraa, isagoo hadalkiisii sii watana wuxuu yiri, "Aaway neefkii waaqdhaac ahaan loo bixin lahaa?" "Ilaah qudhiisu baa neefka waaqdhaaca keenaya", ayuu ku jawaabay Ibraahim. Markii uu hadalladaasi yiri wuxuu qof waliba ee akhrin doonay u caddaynayey runtan weyn ee banii-aadanka saamaysa ee ah in: "Ilaah qudhiisu keenayo waaqdhaac." Xitaa inanku wuxuu ahaa mid baarri ah, oo rumaysad ka buuxo. Wax su'aal ahna aabbihiis siima weyddiin.
Ibraahim wuxuu dhisay meeshii waaqdhaac lagu bixin lahaa, wuxuuna ku hagaajiyey qoryihii, wiilkiisuu soo xirxiray oo saaray qoryaha dushooda. Dabadeedna wuxuu la soo baxay billaawihii si uu u gawraco. Ma qiyaasi kartaa xaaladdaas? Inanku wuxuu dareemay xargaha naxariista daran. Kol dhowna dhiiggiisa ayaa u qubmi doona sida sabeen la qalayo. Ibraahim, oo eegaya inankiisa uu jecel yahay ayaa qalbigu xanuunayey. Laakiin wuxuu u go'ay doonista iyo ulajeeddada Ilaah. Wuxuu bilaabay inuu billaawihii hoos ugu sii dhigo.
"Ibraahimow, Ibraahimow", baa cod samada ka yiri. "Inankaaga waxba ha yeelin. Waan garanayaa inaadan inankaaga iga lexejeclaysan".
Dabadeedna Ibraahim baa arkay neef ari ah oo geed madaxa kula jira, ee ku habboonaa waaqdhaac. Dhab ahaan Ilaah baa neef waaqdhaac ah keenay sidii Ibraahim u sii sheegay. Ibraahim wuxuu sii daayey inankiisii oo neefkii buu beddelkiisii saaray meesha waaqdhaaca. Dabadeedna neefkii lagu beddelay ayaa dareemay xanuunka qoryaha jirkiisa la saaray. Dhiiggii waaqdhaaca ayaa soo burqaday. Ulajeeddadii Ilaahna waa la dhammeeyey. Ibraahimna wuxuu meeshaas ugu yeeray ama u bixiyey, Yehowah Yireh, macnaha waa "RABBIGA AYAA KEENI DOONA", bacdamaa Eebbe keenay allabbariga.
Maxaad ugu malaynaysaa in Ilaah u doonayey bixinta waaqdhaaca weliba kaddib markuu Ibraahim caddeeyey rumaysadkiisa? Way cad dahay in dhacdadani ay ahayd wax ka badan tijaabadii rumaysadka Ibraahim. Waxay ahayd sawir qurux badan oo ku saabsan sida Ilaah maalin u keeni doono waaqdhaac kaamil ah oo looga soo furan doono banii-aadanka seefta ciqaabta. Waxaanay tilmaamaysay sida Ilaah u muujiyo naxariis isagoo weliba sii wada doonistiisa. (Qisadan waxaad ku arki kartaa kitaabka Bilowgii 22.)