Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 6

Bilowgii casharkan waxaad ka soo akhriday erayadan:

Waxaad si buuxda u hubsan kartaa xiriirka aad Ilaah la leedahay. Weedhaasi waa dhab, waayo Ilaah weli isma beddelin. Wuxuu si weyn u danaynayaa dadka, oo ah kuwa ugu weyn abuuristiisa, oo Eebbe wuxuu doonayaa in dadka oo dhan xiriir la lahaadaan isaga, isla sidii Ibraahimba ula lahaa. Ibraahim xiriirkii wanaagsanaa ee uu Ilaah la lahaa waxaa sabab u ahaa laba arrimood:

  1. Ilaah wuxuu daryeelaa dadkiisa uu abuurtay, oo doonistiisuna waa inuu xiriir la lahaado ama la socdo iyaga.

  2. Ibraahim wuxuu aqoonsaday baahida loo qabo in Ilaah la raaco iyadoo la leeyahay rumaysad, hoggaansamid iyo jacayl buuxa.

Waxaa ku niyad jabin kara xaaladaha kugu wareegsan. Waxaadna dareemi kartaa shaki iyo walaac. Laga yaabo inaad dareento si la mid ah sidii Ibraahimba dareemay markii ugu horraysay ee uu maqlay codka Rabbiga. Waxaad adiguba qayb ka tahay abuurista Ilaah isla sidii Ibraahim ahaa. Ilaah wuxuu doonayaa inuu kugu hoggaamiyo nolol cusub oo rumaysad leh. Waxaa markaasi jira laba tallaabo oo ficil ahaan aad qaadi karto imminka. Tan ugu horraysa waxaa weeye, inaad si daacad ah Ilaah ugu tukato. Waxaad Eebbe weyddiisan kartaa inuu ku hanuuniyo qalbigaaga iyo maankaaga runtiisa. Dabadeedna, waxaad sii wadan kartaa inaad baratid nolosha iyo waxbaridda nimanka waaweyn ee Ilaah. Casharkeenna kan inoo xiga ee ka mid ah taxanahan waxaa weeye Yuusuf - Wuxuu Muujiyey Jacaylka Ilaah. Waxaanad casharkaasi ka baran doontaa wax badan oo ku saabsan sida loo helo hoggaaminta noloshaada.

Bal akhri ducadan. Haddii aad doonayso waxaad ka dhigto taas mid shakhsi ah.

TUKASHO

Ilaahow! Kan Ilaaliya oo difaaca kuwa xaqa ahow. Ammaani korkaaga ha ahaato weligeed. Isla sidii aad shakhsi ahaan ugu tilmaantay Nuux dhismaha doonnida taasoo ka celisay daadkii, raalli ka ahow inaad aniga igu toosiso dhismaha doonni aan u dhisto noloshayda; dhismaha xiriirka aan kula yeesho, doontaasoo isla sidii Nuux oo kale kaasoo iga difaaca maalinta weyn ee naxdinta leh ee qiyaamaha. Waxaad ku beertaa niyaddayda xiriir cibaadaysi iyo addeecis leh; maxaa yeelay naftaydu waxay kuugu qaylinaysaa axdi noocaas oo kale ah, kaasoo aniguna aan xaqiiqo ahaan ogaan karo inaad adigu tahay magangalkayga, oo markaasina badbaadadayda la iga badbaadinayo baaba'a iyo cadaabta ay tahay hubaal. Oo markaasi oo keliya bay naftaydu nabad ku nasanaysaa.

Aammiin.