Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 4

IBRAAHIM WUXUU MUUJIYEY RUMAYSAD

Rasuul Bawlos isagoo tafsiirayey noloshii nebi Ibraahim, wuxuu ku qoray Warqaddii uu u qoray dadkii Rooma, cutubka 4, aayada 20-22, sidatan:

"Ballankii Ilaah rumaysaddarro kagama uu shakiyin, laakiinse rumaysad buu ku xoogaystay, isagoo Ilaah ammaanaya oo aad u huba in wixii uu u ballanqaaday uu samayn karo. Sidaas daraaddeedna waxaa loogu tiriyey xaqnimo."

Ibraahim wuxuu ka tegay badana qaraabadiisii wuxuuna bilaabay inuu u kicitimo dhul qalaad isagoo raacaya baaqii Ilaah. Isagu ma lahayn dhul isaga u gaar ah, mana lahayn wax carruur ah. Hase yeeshee, wuxuu aqbalay hadalladii Eebbe ee ahaa inuu noqonayo madaxa quruun weyn, oo ka farcanta durriyaddiisa. Wuxuuna noqonayaa aabbaha kuwa rumaysadka leh ama Ilaah addeecsan.

Dabcan dad xoogaa ah baa raacay, oo ay ku jireen xaaskiisa, iyo wiil uu adeer u ahaa oo la oran jiray Luut. Waxaana kaloo uu qaatay alaabtiisii oo ay ku jiraan, teendhadii marka uu socdaalka ku jiro uu ku noolaan lahaa, iyo xayn xoolo ah, taasoo ahayd caadada waagaas marka qof safrayo.

Ilaah wuxuu u muuqday Ibraahim, oo dhowr jeerna wuxuu la hadlay isaga, laakiin Eebbe wuxuu kaloo Ibraahim u oggolaaday inuu casharro naftiisa u barto. Baaqaasi wuxuu ahaa in horey loo socdo, muddo wakhti ahna waxay ahayd in Ibraahim ku wareegaalaysto meelo qalaad. Ilaah baa fasaxay in dhibaatooyin ay ku dhacaan noloshiisa si uu u tijaabiyo, wax u baro, uguna diyaariyo inuu noqdo aabbihii kuwa rumaysadka leh.

Markii Ilaah barakadeeyey, ayaa xoolihii iyo daaqsintii Ibraahimba kordheen, oo xitaa waxaa batay kuwii inankii uu adeerka u ahaa ee Luut. Qowsaaradii Ibraahim iyo kuwii Luut ayaa bilaabay inay ku murmaan goobtii ay xoolaha ku daajinayeen iyo biyaha qolo kasta ay ku waraabinayso xoolahooda.

Ibraahim wuxuu ahaa nin nabadeed oo naxariis badan. Wuxuuna Luut ku yiri sida ku qoran Kitaabka Bilowgii 13:8-9, oo leh:

"Waxaan ka baryayaa inaan diriru innaga dhex dhicin aniga iyo adiga, iyo xoolajirradayda iyo xoolojirradaada; maxaa yeelay, waxaynu nahay walaalo. Dhulka oo dhammu sow kaa ma horreeyo? Waxaan kaa baryayaa inaad iga guurtid. Haddaad bidixda tagto, midigtaan tegayaa; haddaad midigta tagtona, bidixdaan tegayaa."

Markaa Ibraahim wuxuu ahaa kan labadooda weyn, wayna u bannaanayd inuu doorto meelaha daaqsinta iyo biyaha wanaagsan leh. Laakiin wuxuu ku yiri Luut, "Meeshii aad jeceshahay dooro." Markaa waad aragtaa in Ibraahim garanayey in Eebbe hagayo isaga oo uu difaacayo. Kuma uusan xirnayn xulashadiisa ama go'aamadiisa oo iskumana dayin inuu xaaladaha ugu shaqeeyo sida isaga la qumman. Ilaah buu ku kalsoonaaday.

Luut dabeecaddiisu way ka duwanayd ta Ibraahim. Waxaa uu ku kalsoonaa go'aamadiisa oo ma aanu raadin jirin doonista Ilaah. Ulamana uusan dhaqmin adeerkiis si hagaagsan. Waxaa uu ahaa nin cir weyn oo wax waliboo wanaagsan isaga un isla doonayey. Waxaa uu doortay meel uu is lahaa waa dhulka ugu manaafacaad badan uguna qurxoon berrigaas. Bannaanka Webiga Urdun, oo magaalooyin badan lahaa ayuu jeclaystay.

Xulashadiisu waxay ku salaysnayd bakhaylnimo ama naf-jeclaysi iyo kibir. Waxayna u horseedday inay ka fogayso Eebbe. Magaalooyinku waxay ahayeen magaalooyin shar leh, markii dambena Ilaah baa burburiyey. Qoyskii Luutna waa kala firdheen, qaar way dhinteen kuwana dhibaato weyn baa qabsatay.

Ibraahim waxaa looga tegay dhulkii sare ee Kancaan (oo maanta loo yaqaan Falastiin). Markaase sida dadka wax loo eego, halkaasu ma ahayn meel soo jiidasho leh. Laakiin Ibraahim si kalsooni leh ayuu buurahaasi u aaday, isagoo ficil gelinaya rumaysadkiisa ah in Ilaah siinayo wax kastoo u wanaagsan noloshiisa. Halkaas baana Ilaah kula hadlay Ibraahim sida ku qoran Kitaabka Bilowgii 13:14-17, oo leh:

"Indhahaaga kor u taag, oo meeshaad joogto ka fiiri, xagga woqooyi iyo xagga koonfureed, iyo xagga bari iyo xagga galbeedba; waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin. Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa. Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaarkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa."

Markaa dhulka sare, halkii uu rumaysadka ugu dhex socday, ayaa Ibraahim ku arkay muuqaalka ah danta Eebbe ka leeyahay banii-aadanka oo dhan. Mar kale ayaa Ilaah barakadeeyey kaasoo rumaysadka dadka ugu tiriya xaqnimo.