Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 3

Ballamada iyo Shuruudaha

Miyaad dareemaysaa doonis xoog leh oo aad qalbigaaga ka doonayso inaad Ilaah raalligeliso? Miyaad is aragtaa adigoo raadinaya isaga, markaasoo aad leedahay jacayl weyn adigoo doonaya inaad si wanaagsan u garato isaga? Waxay kuula muuqan kartaa inaad Eebbe u yeeranayso, laakiin xaqiiqdu waxay tahay in isagu kuu yeereyo. Dareenka ah lahaanshaha hamuun iyo jacayl aad u qabto fahamka Ilaah -- ayaa ah baaq ama u yeeris ku timid daryeelka weyn ee Eebbe kuu hayo. Ilaah wuxuu dadka oo dhan ku soo gaaraa ama ugu yeeraa sidatan. Dadka qaar ma maqlaan Ilaah waayo ma dhegaystaan isaga. Qaar baase si cad u maqla oo waxay doonayaan inay raacaan doonista ah in wax kasta oo kale inta meel layska dhigo la raadiyo doonista Ilaah.

Baaqii Ibraahim u yimid wuxuu marka si loo eego la mid ahaa baaqan ay helaan dhammaan kuwa dhegaysta codka Rabbiga. Laakiin marka si loo eegana wuxuu ahaa baaqaasi mid khaas ah, oo ah mid ayan dadku horey u maqal weligood. U yeeristan Ibraahim loo yeerey, baa Eebbe u bilaabay maalin cusub dadka oo dhan. Eebbe wuxuu Ibraahim ku yiri, sida ku qoran Bilowgii 12:2-3 oo leh:

"Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakadayn doonaa. Magacaagana waan weynayn doonaa oo waxaad noqon doontaa barako. Oo waxaan barakadayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa; oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan."

Waxaa jiray saddex ballanqaad oo muhiim ah oo ku jiray yeerista Ibraahim. Ilaah wuxuu ku ballanqaaday:

  • Inuu Ibraahim tuso dhul ay faraciisu yeeshaan.
  • In Ibraahim laga dhigo quruun weyn oo magiciisana la weyneeyo.
  • Inuu Ibraahim barakadeeyo oo isaga xaggiisana quruumaha oo dhan lagu barakeeyo.

Marka Ilaah u yeerayo dadka maanta, wuxuu siiyaa ballamadii Ibraahim la siiyey oo kale. Wuxuu tusayaa iyaga hab nololeed cusub. Wuxuuna ka dhigayaa dad cusub oo leh dabeecaddo wanaagsan oo ka beddelan tan dadka kale. Wuu barakadeeyaa oo wuxuu barako uga dhigaa qoyskooda, saaxiibbadood, iyo dadka kale oo badan.

Waxaa ballamada la socda, shuruudo Eebbe bixiyey. Wuxuu Ibraahim weyddiiyey inuu ka tago caadadiisa, hiddihiisa iyo hoygiisii nabadda ahaa. Wuxuuna weyddiistay Ibraahim inuu ku kalsoonaado isaga ah Ilaahiisa inuu siinayo wax kasta ee uu u baahan yahay. Tan ugu muhiimadda ballaaran waxaa weeye inuu ka filayay Ibraahim inuu rumaysto in wiil u dhallan doono. Haddii kale ballankii ahaa in la barakadaynayo farcankiisa macno ma sameeyeen. Ibraahim wiil ma lahayn, xaaskiisu madhalays bay ahayd. Waxaanay u muuqatay inayan awoodayn inay carruur dhasho.

Sidaas darteed, waxaynu aragnaa in shuruuduhu Eebbe ay ahaayeen saddex. Ibraahimna baaqii ama u yeeristii Ilaah u yeeray wuxuu kaga jawaabay saddexdan siyaabood:

  • Wuxuu rumaysnaa Ilaaha keliya ee baaqiga ah.
  • Wuxuu shakhsi ahaan si buuxda u aqbalay ballamadii Ilaah.
  • Wuxuu la yimid hanuun, isagoo addeecaya tusmooyinka Rabbiga oo dhan. Waxaana tanu ka dhigan tahay in waddankiisa iyo badanaa qaraabadiisa uu ka tago, oo uu aado dhul qalaad oo halkaasina ka bilaabo qaran aan horey u jirin.