Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Casharka 4aad: Ilaah dadkiisa waa jecel yahay

Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Kitaabka Sabuurrada:
Sabuurka 78:1-72

Bal hadda casharka akhriso oo si fiican u samee tijaabada dhammaadkiisa ku taal. Casharku wuxuu ku macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Kitaabka Sabuurrada.

Dadka reer binu Israa’iil Ilaah wuxuu la dhigtay axdi, markii ay Buurta Siinay joogeen. Dadku waxay ballanqaadeen inay Ilaah addeecaan (Baxniintii 19:8). Ilaahna wuxuu dadkii u ballanqaaday, “Waxaad ahaan doontaan dad hanti iiga ah dadyowga oo dhan” (Baxniintii 19:5-6). Ilaahay ma dumin weligiis axdigan. Rabbigu Aabbo oo kale ayuu reer binu Israa’iil u ahaa. Runtiina, dadkiisii bay ahaayeen.

Socdaalkii dheeraa oo ay dalka Kancaan (Falastiin) ugu kicitimeen

Waxyaalihii yaabka badnaa oo Buurta Siinay ka dhacay, markii ay dhammaadeen ayaa Ilaah wuxuu dadkii reer binu Israa’iil dhexmariyey lamadegaankii Siinay oo wuxuu geeyey dalkii Kancaan. Inkastoo socdaalka dalka Masar iyo dalka Kancaan la isaga socdaa uu kow iyo toban maalmood oo keliya qaadan jiray, haddana dadka reer binu Israa’iil waxay dalkii Kancaan u sii socdeen oo geeddi sii ahaayeen muddo afartan sannadood ku dhow.

Socdaalkaas ay dalka Kancaan ku aadeen sababta u waqtiga dheer ugu qaatay, waxay ahayd iyadoo ay dadka reer binu Israa’iil marar badan Ilaah ka leexdeen ama ka sii jeesteen. Socdaalkaas qisadiisii waxaynu ka akhrisan karnaa kutubta Tawreedda. Waxaynu kaloo ka akhrisan karnaa Sabuurka Nebi Daa’uud.

Sabuurkii 78aad waxaynu ka akhrisan karnaa waxyaalihii ugu muhiimsanaa oo ku dhacay noloshii dadka reer binu Israa’iil. Sabuurkaasu wuxuu ka sheekaynayaa sidii ay cidlada ku dhexmareen iyo weliba waayo-aragnimo weyn oo ay kala kulmeen dalka Kancaan. Bal aynu fiirinno Sabuurkaas.

Aayadda 12aad: Ilaah wuxuu dadkii reer binu Israa’iil ka soo bixiyey addoonsigii dalka Masar. Taas waxaynu ku soo barannay casharka kowaad ee koorsadan.

Aayadda 13aad: Dadkii markii ay dalka Masar ka baxeen, waxay yimaadeen Badda Cas. Fircoon wuxuu ka xumaaday siidayntii uu dadkaas siidaayey, dabadeedna wuxuu ku tashaday inuu ciidankiisa tirada badan ku weeraaro. Dadkii waxay galeen meel ciriiri ah oo u dhexaysa ciidankii Fircoon iyo Badda Cas. Laakiin Ilaah baa wuxuu soo diray dabayl weyn oo baddii kala goysay, markaasaa dadkii waxaa u bannaanaaday dhabbe ay maraan. Dadkii waxay si dhib yar oo ammaan ha ku dhexmareen baddi kala go’day. Markii Fircoon isku dayey inuu iyaga daba galo oo badda isna dhexmaro biyihii baa dhaqsiyo u soo rogmaday oo waxay qarqiyeen Fircoon iyo ciidankiisii oo dhan. Dhammaantoodna way halligmeen.

Aayadda 14aad: Dadkii markii ay cidlada dhex marmarayeen, Ilaah wuxuu ku horkici jiray daruur hoggaamisa. Daruurtaasu habeenkii waxay noqon jirtay nuur iftimaya. Markii Ilaah rabo in dadku nasto, daruurtu way joogsan jirtay. Markii Ilaah rabo in dadku socdana, daruurtu way dhaqaaqi jirtay.

Aayadaha 15-16aad: Waxaa jiray marar dadku aad u oomeen. Laakiin dhawr jeer ayaa Ilaah harraad tiray oo wuxuu biyo uga soo burqiyey dhagax weyn.

Aayadaha 17-25aad: Dadkii waxay ku gaajoodeen cidlada dhexdeedii, markaasaa Ilaah wuxuu samada uga soo dejiyey cunto la yiraahdo maanna. Maannadu waxay ahayd wax cad oo dhulka korkiisa ayey iska goglanayd subax kasta, subaxda Sabtida oo ay nasan jireen mooyaane. Dadkii waxay soo gurteen maannadii oo way iska cuni jireen. Dhadhankeedu wuxuu ahaa sidii malab oo kale.

Aayadaha 26-29aad: Maalin dambe ayaa dadkii maannadii kahsadeen oo iska naceen. Maannadii way ku qaysheen oo waxay doonayeen hilib in loogu beddelo. Sidaas daraaddeed, Ilaah wuxuu xeryahoodii ku soo dhex dejiyey shimbiro buurbuuran in dadku qabsadaan oo ay cunaan aawadeed.

Aayadaha 40-42aad: Dadkii reer binu Israa’iil marar badan ayey ku hadleen hadal Ilaah usan raalli ka ahayn. Mana ay rumaysan in Ilaah siin karo iyaga dalkii Ilaah u ballanqaaday awowgood Nebi Ibraahim. Dalkaas waxaa ku yiil magaalooyin waaweyn oo waxaa degganaa quruumo xoog badan. Dadka qaarkood waxay doonayeen inay dalkii Masar dib ugu noqdaan. Sidaas daraaddeed, Ilaah baa u carooday. Oo waxaa ciqaab looga dhigay inay cidlada afartan sannadood dhex joogaan.

Dadkii waaweynaa oo Masar ka soo baxay Yashuuca iyo Kaaleeb mooyaane intoodii kale oo dhammu way wada dhinteen oo waxay ku dhex baabba’een cidladii. Xataa Nebi Muuse wuxuu ku geeriyooday cidladii. Isaga looma oggolaan inuu dalkii Kancaan galo, maxaa yeelay, waxaa jiray hal mar oo uusan Ilaah qummaati u addeecin. Ilaah baa wuxuu isaga ku amray inuu dhagax weyn la hadlo oo biyo ka soo daayo, laakiin Nebi Muuse isagoo aan la hadlin ayuu dhagaxii ushiisa ku dhuftay. Oo taas aawadeed, ayaa Ilaah Nebi Muuse ugu diiday in isagoo hoggaaminaya dadkii uu dalka Kancaan geliyo.

Dadkii wuxuu galay dalka Kancaan

Aayadda 55aad: Markii Nebi Muuse geeriyooday, ayaa dadkii waxaa hoggaamiye cusub u noqday Yashuuca. Yashuuca tartiib tartiib buu qabiilooyinkii reer binu Israa’iil dalka Kancaan u geliyey. Dagaallo waaweyn bay la dirireen magaalooyinkii iyo quruumihii dalka Kancaan awal degganaa. Sanooyin badan markii ay dagaal ku jireen, ayaa dalkii ammaan u noqday dadkii reer binu Israa’iil. Qabiilooyinkii mid kastaaba qayb bay qaadatay dalkii. Qabiilkii Laawi oo keliya ayaan dalkii wax ka qaadan. Kuwaasu dhul ay mulki u leeyihiin, ma ay degin, maxaa yeelay, iyagu waxay ahaayeen qabiil culimmo ah. Waxay ahaayeen oo loo doortay wadaaddo kuwa kale ku kala dhex firirsan.

Boqorradii

Aayadaha 70-71aad: Dadkii waxay taajir ku noqdeen dalkii Kancaan. Oo ugu dambaystiina waxay doorteen boqor. Boqorkoodii kowaad oo ugu horreeyey wuxuu ahaa Saa’uul. Markii ugu horraysay boqor Saa’uul wuxuu cisayn jiray Ilaah. Laakiin aakhirkii boqorkaasu Ilaah wuu ka leexday. Wuxuu noqday nin Ilaah ku caaasiyey oo sababtaas daraaddeed Ilaah ma u doonayn in Saa’uul boqor sii ahaado, oo wuxuu doortay Nebi Daa’uud inuu dadka boqor cusub u noqdo. Nebi Daa’uud arijir buu ahaa, markii Ilaah u doortay inuu boqor noqdo. Daa’uud wuxuu noqday nebi iyo boqor labadaba.

Boqor Daa’uud wiilkiisii oo boqor Sulaymaan ahaa wuxuu asna noqday nin caqli badan oo taajir ah. Markii boqor Daa’uud geeriyooday, waxaa boqor noqday Sulaymaan. Boqor Sulaymaan wuxuu qoray maahmaahyo badan oo ku qoran kitaabka Maahmaahyadii ee ka mid ah Kitaabka Quduuska ah. Wuxuu magaalada Qudus (oo la yiraahdo Yeruusaalem) ka dhisay macbud weyn oo Ilaah lagu caabudo.

Intii Nebi Sulaymaan boqorka ahaa, ayaa waxaa u timid oo soo booqatay boqorad ka timid dal la oran jiray Shebaa (oo maanta loo yaqaan Yemen). Oo waxay aragtay in guriga boqor Sulaymaan dahab ku goglan yahay meel kasta. Shay kasta dahab baa ku dahaarnaa, meel kastana waxaa yiil oo ku daadsanaa lacag iyo qalin. Way la yaabtay taajirnimadiisa iyo weynaanta xigmaddiisa.

Si u qalinkaas iyo dahabkaas badan u helo aawadeed, Sulaymaan wuxuu dadka dul saari jiray canshuur badan. Si qallafsan oo dadka ku adag buu u canshuuri jiray, sidaas daraaddeed, markii u geeriyooday dadkii inqilaab bay rideen oo kacaan baa u dhashay. Kacaankaas dhalashadiisii intii ka dambaysay reer binu Israa’iil laba quruumood bay kala noqdeen. Oo waxay u kala baxeen reer boqortooyadii Yahuudah iyo boqortooyadii Israa’iil. Quruun kasta waxay lahayd boqor gooni ah. Taariikhdii boqorradaas waxaa laga helaa kutubta Boqorradii iyo Taariikhdii ee ku jira Kitaabka Quduuska ah.

Dadkii xorriyaddoodii way waayeen

Boqortooyada Israa’iil waxay noqotay shar miiran, dabadeedna dadkii Ashuur ayaa addoomo ka dhigtay. Oo waxay ku dhex firdheen dadkii Bariga deggana. Boqortooyada Yahuudah oo keliya ayaa dalkii Kancaan ku haray.

Boqortooyada Yahuudah marmar waxay addeeci jireen Ilaah. Marmarna waxay samayn jireen wax shar ah iyo dembi. Marmar waxay carruurtooda ku ridi jireen dab oo waxay allabari ugu bixin jireen sanam Moleg la oran jiray. Ilaah wuxuu u soo diray oo ku ciqaabay dad xoog badan oo reer Kaldayiin la oran jiray. Reer Kaldayiin waxay addoomo ahaan u haysteen dadkii Mesobotamiya degganaa intiisii badnayd. Reer Kaldayiin waxay kaloo dumiyeen oo baabbi’iyeen magaaladii quduuska ahayd ee Yeruusaalem iyo macbudkii weynaa.

Intii ay Mesobotamiya joogeen, ayaa dadkii toobadkeeneen oo Ilaah u soo noqdeen. Toddobaatan sano ka bacdi ayaa Ilaah u oggolaaday inay dalkoodii ku soo noqdaan boqorradii reer Faaris way u roonaayeen dadkaas. Waxay dadkii u oggolaadeen inay dhistaan Yeruusaalem cusub iyo macbud cusub. Dabadeedna, dalkii reer Yahuudah waxaa qabsaday reer Rooma. Reer Rooma iyagaa dalka Falastiin u talin jiray waqtigii Ciise Masiix noolaa.

Dadka Ilaah iimaan bay leeyihiin

Inkastoo dadka reer binu Israa’iil ay quruun yar ahaayeen, Ilaah marna ma uu illoobin axdigii uu iyaga kula dhigtay Buurta Siinay. Ilaah iyaga wuu jeclaa.

Inkastoo ay aad u dembaabeen, haddana Ilaah iyaga marna ma uu illoobin. In iimaankooduu xoog yeesho wuxuu doonayey, si ay misaal dunida ugu noqdaan oo u tusaan inuu Ilaahay dadka jecel yahay.

Aayddan kor ka baro.
Sabuurka 25:10:
“Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.”

Tijaabada 4aad: Axdigii Ilaah la dhigtay dadka

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: