Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Casharka 5aad: Nebiyadii waxay wax ka sii sheegeen Masiixa

Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Kitaabka Sabuurrada:
Sabuurka 22:14-18

Haddana, akhri aayadahan laga soo guuriyey Kitaabkii Ishacyaah:
Ishacyaah 53:3-12

Bal hadda cashar akhriso oo si fiican u samee tijaabada dhammaadkiisa ku taal. Casharku wuxuu ku macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Kitaabka Sabuurrada iyo Kitaabkii Nebi Ishacyaah.

Kutubta Tawreedda waxaannu ka soo akhrinay sidii aadamigu u dembaabay, oo waxaannu soo barannay sida aadanuhu Badbaadiye ugu baahan yahay. Waxaannu soo barannay in Ilaah ballanqaaday inuu Badbaadiye soo dirayo. Waxaannu kaloo ku soo aragnay cashar kasta calaamado tilmaamaya hawsha Masiixu qaban doono, waayo, isagu waa Badbaadiyaha runta ah.

Tawreedda aayadda ugu horraysa oo Masiixa wax ka sheegaysaa waa Bilowgii 3:15. Halkaas waxaa nooga caddaatay inuu noqon doono wiil naagu dhashay. Taas waxaynu ka arkaynaa inuu noqon doono nin innagoo kale ah. Taariikhdii Nebi Ibraahim waxaynu ku soo barannay in Masiixu ka imaan doono dhashii Nebi Ibraahim iyo Saarah. Ilaa haatan, intaas oo keliya ayaannu ka ognahay cidda u yahay iyo waxa uu qaban doonaba.

Casharkan waxaynu ku baran doonaa wixii Ilaah u muujiyey nebiyadii kale oo Masiixa ku saabsanaa. Aad iyo aad bay muhiim u tahay inaynu garanno Masiixu kuu yahay.

Ballankii Ilaah Nebi Daa’uud u qaaday

Nebi Daa’uud wuxuu ku dhashay magaalada Beytlaxam. Taasu ma ay ahayn magaalo muhiim ah ee ka mid ah magaalooyinka dalka Kancaan, laakiin Ilaah wuxuu horay u sii muujiyey in Masiixu ku dhalan doono magaaladaas yar ee Beytlaxam. Taas waxaa sheegay oo Ilaah u muujiyey Nebi Miikaah (Miikaah 5:2).

Nebi Daa’uud wuxuu Ilaah ku addeeci jiray qalbigiisa oo dhan. Daa’uud wuxuu noqday nebi weyn, markaasaa Ilaah wuxuu isaga u qaaday ballan weyn oo yaab leh. Ilaah wuxuu isaga ku yiri, “… farcankaaga kaa dambeeya oo kaa soo bixi doona ayaan sara kicin doonaa, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa … oo xoog baan u yeeli doonaa carshiga boqortooyadiisa weligiis” (2 Samuu’eel 7:12-13). Ilaah wuxuu ballankaas ku celceliyey Nebi Daa’uud iyo nebiyo kalaba marar badan. Sidaas daraaddeed, reer binu Israa’iil way garanayeen in Masiixu ka imaan doona farcanka Nebi Daa’uud iyo in isagu weligiisba talin doono.

Nebi Daa’uud aad iyo aad buu u yaabay oo qalbigiisana wuxuu fikirayey mahadnaqid. Wuxuu qoray qasiidooyin badan oo Ilaah ammaan ah, waxaana laga helaa Kitaabka Sabuurrada. Qasiidooyinkaas qaarkood waxay ku saabsan yihiin oo kala sheekaynayaan Masiixa.

Ballankii Ilaah oo Nebi Ishacyaah sii sheegay

Nebi Ishacyaah wuxuu dunida joogay saddex boqol oo sano Nebi Daa’uud ka bacdi. Nebi Ishacyaah Ilaah wuxuu u muujiyey waxyaalo badan oo yaab leh oo Masiixa ku saabsan. Bal aynu fiirinno waxyaalihii Nebi Ishacyaah uu Masiixa ka qoray qaarkood.

Kitaabka Ishacyaah cutubka 7aad aayadda 14aad waxaynu ka akhrin karnaa: “Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu’eel.” Aayadan laba ra’yi oo muhiim ah ayaa ku jira ee si fiican ugu fiirso.

  1. Gabar bikrad ah oo aan ninna u tegin inay ilmo iska dhashaa waa shay aan suurtoobin oo aan caadi ahayn. Maxaa yeelay, waxaa bikrad lagu magacaabaa gabadhi aan nin taaban weligeed. Laakiin Ilaah wuxuu yiri, “Sidaas ayey noqon doontaa, si uu ku muujiyo Masiixu cidda uu yahay.” Masiixu wuxuu ka dhalan doonaa gabar bikrad ah!
  2. Masiixa magaciisu wuxuu ahaan doonaa “Cimmaanuu’eel”. Afka Cibraaniga erayga “Cimmaanuu’eel” macnahiisu waxaa weeye “Ilaah nala jira”. Sidaas daraaddeed, Masiixu wuxuu yahay “Ilaah nala jira”.

Ilaah wuxuu kaloo Nebi Ishacyaah u muujiyey magacyo kale oo Masiixu leeyahay: “Ka Yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa’imka ah, iyo Amiirka Nabadda” (Ishacyaah 9:6). Nebi Ishacyaah wuxuu kaloo qoray in Masiixu noqon doono boqor caadil ah oo dunida ku xukumi doono caddaalad, caqli iyo cabsi Ilaah (Ishacyaah 11:1-5). Dadkii reer binu Israa’iil waxay maqleen wacdigii Nebi Ishacyaah oo waxay aad u sugayeen oo rajaynayeen Masiixa imaanshihiisa.

Rabbigu horay wuxuu soo bandhigay Masiixa, si uu u caawiyo kuwa jiran iyo masakiinta. Dadkuu u dembidhaafi oo kuwa qushuucsanna farxad buu ugu bishaarayn (Ishacyaah 61:1-2). Hawshiisu waa in uu dadka badbaadiyaa. Taas awgeed, ayaa dad fara badani si xiiso leh imaanshaha Masiixa u sugayeen.

Masiixu wuxuu huri doonaa naftiisa

Nebi Daa’uud wuxuu Kitaabka Sabuurrada ku sii sheegay oo ku qoray inay Masiixa ku dhici doonaan dhibaatooyin waaweyn oo cabsi badan. Bal si taxaddar ah u akhriso Sabuurka 22:14-18. Kaasu waa waxyi Masiixa ku saabsan. Nebi Daa’uud wuxuu tilmaamayey dhimasho xun oo ceeb miiran ah oo nin ka timid. Ninkaas lafahiisii waa kala jiiday, xooggiisiina waa baabba’ay. Gacmihiisa iyo cagahiisana waa la musmaaray. Oo niman shar leh ayaa ku qoslay. Waxay ka furteen dharkiisii oo way kala qaybsadeen. Oo khamiiskiisiina waxay u riteen qorituur iyo saami.

Kitaabka Ishacyaah cutubkiisa 53aad waxaynu ka arki karnaa in Ilaah Nebi Ishacyaah ogaysiiyey isla waxyaalahaas Masiixa ku dhacay. Aayadaha 3 ilaa 9 bal akhri. Nebi Ishacyaah wuxuu sii sheegay oo qoray inaan dadku Masiixa aqbali doonin. Isaga dadkaa waxyeelayn doona oo wuu u dhiman doonaa. Mana uu diriri doono, si uu naftiisa ku badbaadiyo. Oo wuxuu dhimashadiisa u qaabili doonaa sidii wan yar oo baraar ah. Oo wuxuu la dhiman doonaa niman aan sharaf lahayn oo waxaa lagu aasi doonaa nin taajir ah qabrigiis. Laakiin dhibaatooyinkaas oo dhan Nebi Ishacyaah rajo weyn baa uga dambaysay oo u muuqatay. Ilaah wuxuu Nebi Ishacyaah tusay in Masiixu naftiisa u huri doono in dembigeenna la cafiyo aawadeed.

Masiixu wuxuu ka soo sarakici doonaa dhimashada

Waxaa jiray run kale oo iyana cajaa’ib miiran ah sida dembidhaafka oo kale. Nebiyo badan ayaa waxay sii sheegeen in Masiixu ahaan doono boqor weligiis taliya. Dadku taas way garan waayeen, maxaa yeelay, waxay kitaabka ka akhristeen inuu naftiisa huri doono, taas oo macnaheedu yahay inuu dhiman doono.

Ilaah wuxuu Nebi Daa’uud u muujiyey inuusan Masiixa ku deynayn qabriga (Sabuurka 16:10). Taasu waxay ahayd shay adag oo aan sahal lagu garan karin. Bal sidee bay u dhici kartaa in Masiixu dhinto oo haddana uusan qabriga ku raagayn?

Kun sannadood ka bacdi waaggii Ciise Masiix ka soo sarakacay dhimashada ayuu waxyigan bayaan ah ugu macneeyey xertiisii iyo kuwii isaga raacay oo rumeeyey.

Masiixu waa kuma?

Halkan waxaa ku yaal waxyaalihii aynu soo baranay oo Masiixa ku saabsanaa.
Wuxuu ahaan doonaa nin (Bilowgii 3:15).
Wuxuu ka imaan doona dadka reer binu Israa’iil (Bilowgii 17:19).
Wuxuu ka dhalan doonaa farcanka Nebi Daa’uud (2 Samuu’eel 7:12-13).
Waxaa dhali doontaa gabar bikrad ah (Ishacyaah 7:14).
Wuxuu ku dhalan doonaa magaalada Beytlaxam (Miikaah 5:2).
Wuxuu ahaan doonaa “Ilaah nala jira” (Ishacyaah 7:14).
Wuxuu noqon doonaa Boqor caadil ah (Ishacyaah 9:6-7).
Wuxuu talin doonaa weligiis iyo abidkiis (2 Samuu’eel 7:13).
Wuxuu badbaadin doonaa aadanaha (Ishacyaah 61:1-2).
Wuxuu keeni doonaa dembidhaafka (Ishacyaah 53:5).
Wuxuu ahaan doonaa mid aan dadku aqbalin (Ishacyaah 53:3-9).
Wuxuu la xanuunsan doonaa oo la dhiman doonaa kuwa aan sharafka lahayn (Sabuurka 22:16-17).
Waxaa lagu aasi doonaa nin taajir ah qabrigiis (Ishacyaah 53:9).
Wuxuu ka soo sarakici doonaa dhimashada (Sabuurka 16:10).

Waxaa jira waxyaalo kale oo badan oo Ilaah u sii muujiyey Nebi Muuse, Nebi Daa’uud, Nebi Ishacyaah iyo nebiyo kalaba oo ku saabsan Masiixa ahaantiisa. Laakiin intaan yaru waa nagu filan tahay inay bayaan noogu muujiso Masiixu kuu yahay.

Markii aynu Injiilka baranno, waxaynu arki doonnaa in calaamooyinkii iyo waxyigii Masiixa ku saabsanaa ee Tawreedda iyo Sabuurrada lagu sii sheegay ay wada rumoobeen.

Koorsada tan ku xigta waxaynu bilaabi doonaa oo aynu ku baran doonnaa Injiil oo ah bishaaro wanaagsan. Injiilku waxaa weeye taariikhdii sheegaysay waxbariddii iyo waxyaalihii uu Masiixu sameeyey.

Aayaddan kor ka baro.
Ishacyaah 9:6:
“Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa Ka Yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa’imka ah, iyo Amiirka Nabadda.”

Tijaabada 5aad: Axdigii Ilaah la dhigtay dadka

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: