Casharka 3aad: Haaruun iyo weyshii dahabka ahayd
Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Kitaabka Tawreedda ah:
Baxniintii 32:1-24
Baxniintii 40:16-38
Bal hadda casharka akhriso oo si fiican u samee tijaabada dhammaadkiisa ku taal. Casharku wuxuu ku macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Kitaabka Tawreedda ah.
Markii dadka reer binu Israa’iil ay ballanqaadeen inay Ilaah addeecayaan, ayaa Ilaah Nebi Muuse ugu yeeray buurta korkeedii, si uu ugu sii macneeyo Tobankii Amar. Nebi Muuse aad buu u faraxsanaa, markii uu buurta sii fuulayey inuu Ilaah hadalkiisa soo maqlo.
Dadkii xerada joogayna aad bay u faraxsanayeen. Way ogaayeen inay marar badan Ilaah addeeci waayeen waqtigaas kahor. Laakiinse hadda Ilaah baa ugu muuqday Buurta Siinay oo waxay aqbaleen axdigii uu iyaga la dhigtay. Aad bay ugu faraxsanaayeen in Ilaah iyaga u doortay inay dadkiisii ahaadaan. Waxay doonayeen inay Ilaah addeecaan oo waxay ku faraxsanaayeen inay aqbalaan barakada Ilaah.
Dadkii way dembaabeen
Dadkii intii muddo ah ayey sugayeen in Nebi Muuse buurta ka soo degto. Waxay sugayeen hal toddobaad ilaa saddex toddobaad. Laakiinse Nebi Muuse weli soo ma noqon. Waxay is yiraahdeen, malaha wuu dhintay. Haddana, waxay sii sugeen toddobaadkii afraad iyo toddobaadka shanaad, laakiin weli soo ma noqon. Buurtiina waxay ula ekayd cidla ciirsila’. Dadku waxay doonayeen inay sii socdaalaan. Waxay umaleeyeen inaan Ilaah iyaga mar dambe la jirin iyo in Nebi Muuse iska dhintay.
Sidaas daraaddeed, dadkii waxay u yimaadeen Haaruun oo Nebi Muuse walaalkiis ahaa, kaasoo dadka hoggaamiye u sii ahaa inta Nebi Muuse maqan yahay. Oo waxay ku yiraahdeen: “Kac, oo inoo samee ilaahyo ina hor socda; waayo, Muusahan oo ah ninkii inaga soo bixiyey dalkii Masar, garan mayno wax ku dhacay” (Baxniintii 32:1). Waxay soo aruursadeen hilqado badan oo dahab ah, markaasaa Haaruun dahabkii dab ku dhalaaliyey oo shubay, oo wuxuu ka sameeyey wayl yar oo dahab ah.
Dadkii waxay weyshii saareen rako dheer oo waxay soo qotomiyeen xerada dhex bartankeedii kolkaasay qayliyeen oo dhaanto qabsadeen. Waxayna ku dhawaaqeen, “Reer binu Israa’iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.” Haddiiba dadka intiisii badnayd way ka jeesteen Ilaahii runta ahaa iyo inay isaga oo qura caabudaan oo waxay u sujuudayeen weyshii dhahabka ahayd.
Annaguba waynu dembaabnaa
Arrintan naxdinta lahu sidee bay u dhacday? Sidee bay u suurtowday inay dadku haddiiba Ilaah ka sii jeestaan oo ku caasiyoobaan? Haddaynu is baarno, oo nafsadeenna u imtixaanno si dacaad ah, waannu garan karnaa sababta dadkaasu ay haddiiba Ilaah uga leexdeen oo uga sii jeesteen.
Tusaale ahaan, malaha waxaad tahay arday. Malaha waxaad doonaysaa inaad dugsi gashid, laakiin waxaad ka cabsanaysaa imtixaankii iskuulka lagu galo. Waxaa suurtowda inaad Ilaah barido oo caawimaad warsato. Markii aad imtixaankii samayso, waxaa suurtowda inaad darajo sare ku hesho natiijadii imtixaanka. Laakiin waxaa kaloo suurtowda inaad isku tiraahdid, “Si fiican baan u sameeyey, waayo, arday xariif baan ahay!” Intii aad Ilaah u mahadnaqi lahayd, waxaad noqotay qof kibir badan. Taasu ma qummana. Bal yaa caqliga wanaagsan ku siiyey? Oo yaa kuugu gargaaray inaad si fiican wax u barato? Bal yaad caawimaad ka bariday? Sida runta ah, Ilaah la’aantiis waxba ma haysatid, waxna ma tihid! Markii aad liibaanto, markii aad shuqul wanaagsan samaysid, yaa waajib kugu tahay inaad ku shugri noqdo? Sida xaqiiqda ah, Ilaah baa mudan mahadda iyo ammaanta oo dhan.
Marar badan baynu innagu is-ammaannaa intii aynu Ilaah ammaani lahayn. Taasuna waa tii dadka reer binu Israa’iil ku dhacday. Ilaah iyaga aad buu u caawimay, laakiin isaga kuma ay mahadnaqin. Oo intii ay isaga ku mahadnaqi lahaayeen, ayey u tukaadeen oo caabudeen wax ay gacmahooda ku samaysteen.
Ilaah waa naxariis miiran
Markii Ilaah arkay wax ay reer binu Israa’iil sameeyeen, ayuu diyaar u noqday inuu dhammaantood gubo haddiiba. Ilaah innaba aqbali maayo sanamyo iyo ilaahyo been ah. Isaga ilaahyo been ah ma uu aqbalin waqtigii Nebi Muuse, oo waqtigan maantay la joogana aqbali maayo. Laakiin Nebi Muuse ayaa Ilaah ka baryey inuu dadka u dembidhaafo oo Ilaahna baryadiisii wuu aqbalay oo wuu ka jawaabay. Ilaah dadkii wuu u naxariistay, inkastoo qaar badan lagu ciqaabay jirro ay u dhinteen.
Haaruun iyo teendhadii shirka
Sida runta ah Ilaah waa naxariis miiran! Intii dadka reer binu Israa’iil ay weli Buurta Siinay joogeen ayaa Ilaah Haaruun u dembidhaafay oo ka cafiyey samayntii uu sameeyey weyshii dahabka ahayd. Oo weliba Ilaah wuxuu Haaruun u doortay inuu hoggaamiye u noqdo wadaaddada oo dhan. Oo wiilashii Haaruunna Ilaah wuxuu u doortay inay wadaaddo noqdaan.
Ilaah wuxuu Nebi Muuse ku amray inuu dhiso teendho Ilaah lagu caabudo (Baxniintii 40:16-38). Teendhadaas waxaa lagu magacaabi jiray taambuugga shirka. Gudaheeda waxaa ku yiil laba qol. Qolka hore waxaa la oran jiray Meeshii Quduuska ahayd. Qolka labaadna waxaa la oran jiray Quduuskii Quduusyada. Teendhada Shirka waxaa ku wareegsanayd barxad weyn. Daahyo waaweyn ayaa barxada ka xigay dibedda bannaanka ah.
Dhawr waxyaalood ayaa la dhex dhigay Teendhadii Shirka. Meesha allabariga lagu gubo iyo berked weyn oo lagu waysaysto ayaa barxadda hore la dhigay. Meesha Quduuska ahna waxaa yiil miiska kibista la dul saro iyo saldhig dahab ah oo shamacyada la suro iyo girigire fooxa lagu shido. Quduuskii Quduusyada waxaa la dhigay Sanduuqii Axdiga.
Waxyaalahaas la soo magacaabay mid kastaaba macne way buu lahaa. Teendhada Shirka iyo alaabadaas gudaheeda tiilba waxay dadka ku caawimi jireen inay si qumman Ilaah u caabudaan. Runtaas, cibadada ku saabsaan macnaheedii waa sidan hoos ku faahfaahisan.
Meeshii allabariga
Meesha allabarigu waxay tiil barxadda hore oo Meesha Quduuska ah. Mar alla markii qof doonayo in dembigiisa Ilaah ka cafiyo, wuxuu meeshaas keeni jiray wan ama orgi. Oo qofkaasu intuu gacmihiisa neefka dul saaro, ayaa wadaadku neefkaas gowraci jiray. Oo wadaadkuna intuu neefka dhiiggiisa qaar qaato, ayuu meesha korkeeda marin jiray ama ku shubi jiray. Oo dhiigga intiisa kalana waxaa lagu shubi jiray meesha salkeeda hoose. Neefka xayrtiisa iyo baruurtiisana waxaa lagu gubi jiray meesha gudaheeda. Markaasaa qofkaas dembigiisa Ilaah cafiyi jiray.
Dadka intiisa badanu waxay ku kalsoonaayeen in waaqdhaacinkaasu dembigooda ka qaadayo. Xataa Haaruun oo ahaa hoggaamiyihii wadaaddada wuxuu waaqdhac u sadaqayn jiray nafsaddiisa. Sannaddiiba hal mar ayuu wuxuu sadaqayn jiray dibi weyn oo wuxuu waaqdhaacinkaas ula niyoon jiray nafsaddiisa iyo qoyskiisa oo dhan.
Xataa maantaydan la joogo dad badan baa waxay ku allabaryaan wan ama orgi ama digaagga ama diiq oo waxay allabarigaas ula niyeystaan in Ilaah dembigooda ku cafiyo. Masiixiyiintu xayawaan ma qalaan, iyagoo waaqdhaacin ila jeeda. Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu dembigeenna oo dhan ku cafiyaa waaqdhaacinkii Ciise Masiix nafsaddiisa ku bixiyey.
Meesha Quduuska ah iyo Quduuska Quduusyada
Meel kale oo labaad ayaa wuxuu yiilay Meesha Quduuska ah gudaheeda meeshaas oo ahayd qol ka mid ah Teendhada Shirka. Kaasu wuxuu ahaa meeshii fooxa lagu shidi jiray. Had iyo goorba wadaaddadu foox bay ku shidi jireen Meesha Quduuska ah gudaheeda. Taasu waxay calaamad u ahayd baryootanka iyo ducada dadka Ilaahay caabudaya.
Quduuska Quduusyada gudahiisa waxaa yiilay sanduuq alwax laga sameeyey oo gudaha iyo dibadda dahab looga dahaaray. Sanduuqaas waxaa la oran jiray Sanduuqii Axdiga. Sanduuqa Axdiga dhawr waxyaalood baa ku jiray. Waxyaalahaas midkood waxaa ka mid ahaa loox dhagax ah oo ay ku qornaayeen Tobankii Amar oo Ilaah siiyay.
Sanduuqa dushiisa sare waxaa ku dahaarnaa dabool khaas ah oo laga sameeyey dahab saafi ah. Daboolka labadiisa madax waxaa ku samaysnaa taswiir laba malaa’igood oo iska soo hor jeeda. Malaa’igaha baallahooduna waxay ku kala baxsanayeen daboolka dushiisa sare. Daboolkaas khaaska ahaa waxaa la oran jiray Carshigii Nimcada (Baxniintii 37:6).
Ilaah wuxuu ammaantiisii ka muujiyey Carshigii Nimcada ee ku daboolnaa Sanduuqii Axdiga. Taasu waxay calaamad ugu ahayd oo tusaysay in Ilaah la jiro oo la joogo dadkii axdigiisa aqbalay.
Daah weyn baa lagu kala xiray Meesha Quduuska ah iyo Quduuska Quduusyada. Sidaas daraaddeed, qofna ma arki karin ammaanta Ilaah, lamana geli karin Quduuska Quduusyada. Habase ahaatee, sanaddiiba hal mar oo qura ayaa waxaa loo oggolaa Haaruun oo wadaadka sare ahaa. Markuu meeshaas gelayo, wuxuu qaadan jiray girgire foox ka shidan yahay, iyo dibi iyo orgi shilis dhiiggooda. Markaasuu dhiigga ku sayrsayri jiray Carshiga Nimcada. Oo wuxuu Ilaah hor geyn jiray dembiyada dadka oo dhan. Kolkaasaa Ilaaha naxariista miiran ahu dadka u dembidhaafi jiray (Laawiyiintii 16:1-28).
Teendhada Shirka calaamad bay ahayd
Meesha Quduuska ah iyo Quduuska Quduusyada daaha u dhexeeyey wuxuu muujinayey inaan dadku ikhtiyaar Ilaah ula sheekaysan karin sidii Aadan iyo Xaawo yeeli jireen, intii aysan dembaabin kahor. Daahu wuxuu dadka tusayey in dembigoodu Ilaah ka xigsaday oo ka qariyey. Xataa allabarigii iyo waaqdhaacinkii ay samayn jireen, uma suragelin dadku inay galaan Quduuska Quduusyada.
Laakiin kun sano ka bacdi ayaa waxaa dhacday arrin la yaab leh. Injiilku wuxuu na barayaa in Ciise Masiix nafsaddiisii u bixiyey allabari ahaan oo wuxuu u dhintay dembigeenna aawadiis. Meeshii aynu ku dhiman lahayn, ayuu isagu ku dhintay. Markii arrintaasu dhacday, ayaa daahii u dhexeeyey Meesha Quduska ah iyo Quduuska Quduusyada laba cad u kala dillaacay.
Aayaddan kor ka baro.
2 Taariikhdii 7:14:
“Haddii dadkayga oo ah kuwa magacayga lagu yeedhay ay is-hoosaysiiyaan, oo i baryaan, oo wejigayga doondoonaan, oo jidadkoodii xumaa ka soo noqdaan, de markaasaan samada ka maqli doonaa, oo dembigoodana waan ka cafiyi doonaa, oo dalkoodana waan bogsiin doonaa.”
Tijaabada 3aad: Axdigii Ilaah la dhigtay dadka
Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.