Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Casharka 2aad: Ilaahay waa Waaxid

Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Kitaabka Tawreedda ah:
Baxniintii 19:16-25
Baxniintii 20:1-20

Bal hadda casharka akhriso oo si fiican u samee tijaabada dhammaadkiisa ku taal. Casharku wuxuu macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Kitaabka Tawreedda ah.

Saddex bilood ka bacdi markii dadka reer binu Israa’iil ay dalka Masar ka baxeen, ayey waxay yimaadeen Buurta Siinay oo cidlada ah ku dhex taal. Markaas kahor, isla buurtaas agagaarkeeda ayaa Ilaah Nebi Muuse geed ololaya kala hadlay. Haddaba Nebi Muuse iyo dadkii reer binu Israa’iil waxay ku fikireen in buurtaasu ku wanaagsan tahay meel ay ku nastaan. Laakiin intii ay meeshaas ku nasanayeen, ayaa Ilaah u muuqday. Markii hore Ilaah Nebi Muuse oo keliya ayuu u muuqday. Haddase, Ilaah wuxuu iraadadiisii tusay dadkii oo dhan.

Bal inta annaan arrintaas muhiimka ah u guda gelin, aannu isha marinno wixii aynu horay u soo barannay. Waad xusuusan tahay in Aadan iyo Xaawo ay Ilaah addeeci waayeen, markii ay cuneen mirihii geedkii laga xarrimay. Waxaad kaloo soo baratay in carruurtoodiina aad iyo aad u dembaabeen. Dadkuna meel kastaba ha joogeene, waxay ka jeesteen Ilaah oo waxay isku dayeen inay Ilaahba iska illoobaan.

Haddiiba dadkii adduunka oo dhammu waxay caabudeen sanamyo iyo ilaahyo been ah. Waxay ka sii jeesteen Ilaahii runta ahaa oo waxay caabudeen ilaahyo badan oo been ah. Habase ahaatee, waxaa jiray xoogaa dadka ah sidii Nebi Ibraahim oo kale oo rumaysnaa hal Ilaah oo run ah. Laakiin dadka intiisa badanu waxay u caabudi jireen sanamyo.

Laakiin dadkii reer binu Israa’iil Ilaah wuxuu isugu muujiyey si khaas ah oo wuxuu isku tusay Buurta Siinay. Waxay ogaadeen in hal Ilaah oo keligiis run ahu jiro. Bal aynu fiirinno sida Ilaah iyaga wax u baray.

Ilaah isagaa wax walba ka weyn

Markii ugu horraysay Ilaah wuxuu dadkii reer binu Israa’iil ku yiri, “Is diyaariya oo i dhegaysta.” Waxaa laga rabay inay is daahiriyaan oo dharkood dhaqdaan, iyo in raggu ay naagaha iska ilaaliyaan. Ilaah wuxuu kaloo dadkii uga digay inaysan buurta taaban. Qof alla qofkii buurta taabta wuu dhiman lahaa. Sababtaas daraaddeed, ayaa Nebi Muuse buurtii heeraar ku wareejiyey, si aan ciduna ugu dhowaan. Dadkii laba malmood bay is diyaarinayeen oo daahir iska dhigayeen in Ilaah u muujiyo iraadadiisa.

Maalintii saddexaad subaxdeedii ayaa dadkii oo dhammu ku soo urureen buurta agteedii, markaasaa Ilaah u muuqday. Markii ugu horraysayba waxay maqleen onkod weyn, oo waxay arkeen daruur, qiiq, iyo buun weyn dhawaaqiis, dab iyo dhulgariir cabsi badan (Baxniintii 19:16-18). Qof kastaaba waa baqay. Markaasaa Ilaah Nebi Muuse u yeeray oo wuxuu ku yiri, “Waa inaad hubsataa inaan ciduna u soo dhowaan buurta.” Ilaah wuxuu yiri, “Qof alla qofkii buurta taabtaa, wuu dhiman doonaa.” Dabadeedna, iyadoo dadkii oo dhammu dhegaysanayaan oo ay cabsi iyo yaab afka la kala hayaan ayaa Ilaah bilaabay inuu la hadlo.

Tobankii Amar

Ilaah dadkii reer binu Israa’iil wuxuu siiyay sharci toban qodob ka kooban. Sharcigaas waxaa lagu magacaaba Tobanka Amar, waxaana laga helaa Kitaabka Baxniintii 20:1-17.

  1. Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.
  2. Waa inaanad samaysan sanam xardhan.
  3. Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin.
  4. Xusuuso maalinta sabtida, inaad quduus ka dhigto.
  5. Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus.
  6. Waa inaanad qudh gooyn.
  7. Waa inaanad sinaysan.
  8. Waa inaanad waxba xadin.
  9. Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.
  10. Waa inaanad damcin waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.

Ilaah mooyaane Ilaah kale ma jiro

Labada amar oo ugu horreeyaa waxay na tusayaan in Ilaah mid qura yahay. Amarka kowaad wuxuu leeyahay, “Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan” (Baxniintii 20:3). Amarka labaadna wuxuu leeyahay, “Waa inaanad samaysan sanam xardhan” (Baxniintii 20:4). Axdigii Hore oo dhan labadaas amar waxay ahaayeen kuwa amarrada oo dhan ugu wada muhiimsan. Haddii nin la arko isagoo sanam caabudaya ama u tukanaya, ninkaas waalidkiis waxaa qasab ku ahayd inay madaxda ummadda hor keenaan ninkaas caasiyoobay, dabadeedna dhagax baa lagu dili jiray ilaa uu ka dhinto.

In ilaahyo kale oo been ah loo tukado ama la caabudo waa dembi weyn. Haddii aynu caabudno wax aan Ilaaha runta ah ahayn, waxaynu galabsanaynaa cadaab oo aad iyo aad baynu u dembaabaynaa. Yuhuudda, iyo Masiixiyiinta, iyo Muslimiintuba waxay weligood isku waafaqsanaayeen in Ilaahay mid qura yahay.

Amarka saddexaad Ilaah wuxuu inaga leeyahay, “Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin” (Baxniintii 20:7). Taas macnaheedu waxaa weeye, waa inaynu magaca Ilaah si maamuus leh ugu isticmaalnaa. Waxaa keliya oo noo bannaan inaynu Ilaah magaciisa soo qaadno, markii aynu isaga caabudayno ama aynu ammaanayno, ama markii aynu magaciisa si sharaf wayn weyn leh uga hadlayno. Waxaa jirtay, waayo, dambe oo dadka reer binu Israa’iil ay gacmahooda daahirin jireen oo ay faraxalan jireen, markii ay doonayaan inay Ilaah magaciisa qoraan.

Ilaah waa wanaagsan yahay

Amarka afaraad wuxuu inoo sheegayaa inay waajib nagu tahay inaynu hal maalin nasanno toddobaadkiiba (Baxniintii 20:8-11). Taasu waxay inoo muujinaysaa in Ilaah aad iyo aad noogu roon yahay. Isagu wuxuu ogyahay in jirkayagu daalayo oo aynaan maalin kasta shaqayn karin. Maalintaas nasashada ah waxaa nagu habboon inaynu Ilaah si khaas ah u caabudno oo ugu mahadnaqno wanaaggii uu noo sameeyey oo dhan.

Quruumaha intooda badani sharcigaas maanta way xurmeeyaan. Dalalka qaarkood dadku waxay nastaan Jimcaha. Dalal kalana dadku waxay nastaan Axadda. Yuhuudduna waxay nastaan Sabtida.

Lixda amar oo kale waxay noo sheegayaan sidii aynu dadka ula macaamiloon lahayn (Baxniintii 20:12-17). Lixdan amar oo Ilaah siiyay, waxay aasaas iyo saldhig u yihiin xeerarka casriga ah iyo dastuurada ummadaha adduunka maantay u degsan. Xeerarka maantay adduunka jiraa waxay ka soo askumeen oo aasaas u ah Tobanka Amar ee sharcigii Nebi Muuse. Dhammaanteen waxaynu garanaynaa oo qalbiyadeenna ka ognahay in qawaaniintaasu qumman yihiin oo xaq yihiin.

Dadkii way baqeen

Laakiin dadkii reer binu Israa’iil way cabsadeen, markii ay Ilaah codkiisii maqleen. Oo waxay ka durkeen oo dib uga gurteen buurta agteedii, maxaa yeelay, waxay ka cabsanayeen inay dhindhintaan. Oo dadkii waxay Nebi Muuse u sheegeen inaysan doonayn inay Ilaah codkiisa maqlaan (Baxniintii 20:18-19).

Dadka reer binu Israa’iil waxay u baqeen, maxaa yeelay, waxay maqleen in codka Ilaah aad u weyn yahay. Ilaah waa xoog badan yahay. Ilaah waa mid qura. Oo Ilaah mooyaane, Ilaah kale ma jiro. Sidaas daraaddeed, dadka reer binu Israa’iil waxay ogaadeen in Ilaah wax kasta ka weyn yahay, oo taas aawadeed bay u cabsadeen.

Waxay kaloo ka cabsanayeen in ciqaab ku soo degto, maxaa yeelay, qaarkood been bay sheegeen. Qaarkoodna wax bay xadeen. Qaar kalana waxay damceen oo u hunguriyoodeen lacag ama dhar ama wax dad kale leeyahay. Markii ay Ilaah codkiisii maqleen, ayey dhammaantood wada garwaaqsadeen inay Ilaah ku dembaabeen.

Inta badan waxaynu isu malaynaa inaynu wanwanaagsan nahay. Laakiin markii aynu Ilaah codkiisa maqalno, iyo markii aynu Ilaah Eraygiisa maqalno, ayaannu garanna inaynu wada dembaabnay.

Ilaah axdi buu la dhigtay dadkii

Dadkii reer binu Israa’iil markii ay Ilaah codkiisii maqleen, ayey dembigoodii ka toobadkeeneen oo waxay rabeen inay Ilaah addeecaan. Waxay aqbaleen axdigii Ilaah oo isla meeshaas ayey ballan ku qaadeen, oo waxay yiraahdeen: “Ereyadii Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa” (Baxniintii 24:3). Oo Ilaahna halkaas ballan buu ku qaaday oo wuxuu yiri, “Dadka reer binu Israa’iil waxay ii noqon doonaan hanti khaas ah oo weliba waan barakayn doonaa.”

Axdiga Ilaah dadka reer binu Israa’iil la dhigtay wuxuu ahaa inay isaga addeecaan oo ay noqdaan dadkiisii isagu uu iska lahaa. Dadka waxay u riyaaqeen oo ku rayrayeen axdigii Ilaah la dhigtay.

Ayaddan kor ka baro.
Sharciga Kunoqoshadiisa 6:5:
“Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan.”

Tijaabada 2aad: Axdigii Ilaah la dhigtay dadka

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: