Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Casharka 1aad: Nebi Muuse iyo xorriyadda

Intaadan casharkan baran, marka hore bal si fiican u akhriso aayadahan laga soo guuriyey Kitaabka Tawreedda ah: Baxniintii 12:21-42

Bal hadda casharka akhriso oo si fiican u samee tijaabada dhammaadkiisa ku taal. Casharku wuxuu ku macnaynayaa oo kuu faahfaahinayaa wixii aad ku soo akhrisatay Kitaabka Tawreedda ah.

Koorsadii kowaad waxaannu ku soo barannay in Yacquub iyo carruurtiisiiba ay dalka Masar u guureen, iyagoo abaar way ka cararaya. Markii ugu horraysay nolol wanaagsan bay dalka Masar ka heleen. Carruur badan bay dhaleen oo tiradoodiina aad bay u badatay. Laba iyo tobankii wiil oo Yacquub mid kastaaba waxaa farcamay qabiil weyn. Laba iyo tobankaas qabiil waxaa la isku yiraahdaa reer binu Israa’iil, maxaa yeelay, markaas kahor ayaa Ilaah Yacquub magaciisii Israa’iil u beddelay.

Ilaah wuxuu doortay Nebi Muuse

Afar boqol oo sano ka bacdi ayaa dalkii Masar xukunkiisii qabsaday Fircoon kale. Boqorkaasu ma uu aqoon Yuusuf iyo dadkiisii toona. Fircoonkii wuxuu reer binu Israa’iil ka dhigtay addoomo isaga u adeega. Oo markii uu arkay inay dad tarmaya oo xoog badan noqonayaan, ayuu wuxuu isku dayey inuu wada laayo wixii wiil ah oo uu dhasha reer binu Israa’iil (Baxniintii 1:16).

Nebi Muuse wuxuu dhashay waqtigaas ay reer binu Israa’iil dhibaatada ku jireen. Hooyadiis ma ay doonayn in wiilkeeda laga dilo. Oo intay dambiil khaas ah ku dhex ridday, ayey ku dhex qarisay caws dheerdheer oo webiga qarkiisa ka baxay. Oo dambiishii ilmuhu ku jiray waxay kaga tagtay cawskii webiga agagaarkiisa ka baxay, iyadoo aamminsan in Ilaah wiilkeeda samtabbixin doono. Gabadhii Fircoon oo webiga mayrasho u soo doonatay ayaa Nebi Muuse heshay oo waxay geysatay gurigeedii. Nebi Muuse wuxuu noqday sida wiilkeedii oo wuxuu ku koray gurigii boqorka Fircoon (Baxniintii 2:1-10).

Markii Nebi Muuse nin weyn noqday ayaa waxaa la soo gudboonaatay talo muhiim ah. Waxaa la soo gudboonaatay inuu weligiis Fircoon iskala joogo, ama inuu isku dayo inuu dadkiisii Israa’iil caawimo. Wuxuu goostay inuu dadkiisii caawimo, waayo, dadkaasu waxay addoomo u ahaayeen Fircoon. Laakiin Fircoon markii u ogaaday in Nebi Muuse caawimayo dadkii reer binu Israa’iil, ayuu aad u xanaaqay. Sababtaas daraaddeed, ayaa Nebi Muuse u cabsaday oo wuxuu u cararay cidlada Siinay. Wuxuu cidladaas ku ilaalin jiray ari muddo afartan sannadood ah. Sanooyinkaas oo dhan Ilaah wuxuu Nebi Muuse tababarayey inuu noqdo nebi muhiim ah.

Buurta la yiraahdo Siinay ayaa ugu dambaystii Ilaah wuxuu Nebi Muuse uga muuqday dab ka ololaya geed. Dabku wuxuu ka ololayey geed, laakiinse geedku ma gubanayn. Nebi Muuse oo yaaban ayaa geedkii u soo dhowaaday, si uu bayaan ugu arko. Markuu u soo dhowaaday ayaa Ilaah la hadlay (Baxniintii 3:1-4). Oo wuxuu ku yiri, “Anigu waxaan ahay Ilaahii aabbahaa oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub” (Baxniintii 3:6).

Nebi Muuse wuu cabsaday. Ilaah wuxuu Nebi Muuse ku amray inuu dadkii Masar ku noqday. Oo wuxuu kaloo ku amray inuu dadka reer binu Israa’iil oo dhan ka soo bixiyo addoonsiga Masriyiinta. Ilaah wuxuu Nebi Muuse ku amray inuu dadka reer binu Israa’iil u kaxeeyo oo geeyo dalka Kancaan (Falastiin) oo Ilaah Nebi Ibraahim buu u ballanqaaday sanooyin badan kahor.

Fircoon wuu diiday nebigii Ilaah

Nebi Muuse wuxuu tegay dalkii Masar oo wuxuu Fircoon u sheegay inuu sii daayo oo horreeyo faraha ka qaado dadkii reer binu Israa’iil. Fircoon hadalkaas wuu diiday oo wuu ku qoslay. Markaasaa Ilaah wuxuu bilaabay inuu Fircoon ciqaabo. Oo wuxuu u soo diray oo dalkii Masar ku soo dejiyey toban belaayo oo kala daran. Tobankaas belaayo midba mar baa lagu soo diray.

Tobankii belaayo

Belaayooyinku sidaan bay isugu xigeen oo u dhaceen.

  1. Biyihii Webiga Niil dhiig bay noqdeen.
  2. Rah baa guryihii ka buuxsamay.
  3. Injir baa timid oo dadkii jiif iyo joog u diiday.
  4. Duqsiyo guryihii ka buuxsanteen.
  5. Xoolihii way jirradeen oo way iska le’deen.
  6. Boogo baa ka soo baxday Masriyiintii iyo xoolahoodiiba.
  7. Roobdhagaxyaale baas ah ayaa ku soo da’ay.
  8. Ayax baa yimid oo cunay dhirtii iyo beerihii oo dhan.
  9. Gudcur baa ku soo degay dalkii oo dhan muddo saddex malmood ah.
  10. Curadyadii Masriyiinta oo dhammu way dhindhinteen.

Dadkii reer binu Israa’iil Masar way ka baxeen

Sagaalkii belaayo oo ugu horraysay Fircoon midna kuma quus qaadan oo wuu iska diiday inay dadkii reer binu Israa’iil tagaan. Ugu dambaystii, ayaa Ilaah wuxuu yiri, “Weli belaayo kale ayaan Fircoon iyo Masar ku soo dejin doonaa” (Baxniintii 11:1). Ilaah wuxuu dadkii reer binu Israa’iil u sheegay inay calaamad khaas ah sameeyaan, si ay uga nabad galaan belaayada ugu dambaysa.

Aabbe kasta oo reer madax u ah waxaa lagu amray inuu keensado wan yar. Wankaasu waa inuu gu’ jir ahaadaa waa inuusan korkiisu nabarro lahayn, waa inuusan innaba iin lahayn, waa in caafimaadkiisu kaamil yahay. Markii wankaas la helo, waa in aabbaha reerka u waynu gowracaa oo dhiiggiisa xeero u horriyaa. Aabbahu intuu caws duuban soo qaato waa inuu dhiigga mariyaa albaabka labadiisa dhinac iyo fooddiisa. Dabadeedna, markii ay habeen noqoto, waa in qoyska oo dhammu ay guriga gudihiisa galaan, oo ay albaabka soo xirtaan. Oo meeshaas waa inay wanka hilibkiisa ku cunaan, isagoo duban.

Habeenkaas markii ay reer binu Israa’iil guryahooda ku jireen, iyagoo cunaya wankii waaqdhaacinka ahaa hilibkiisa, ayaa Ilaah dhexmaray dalkii Masar oo dhan. Guri alla gurigii aan hortiisa dhiig ku ool Ilaah wuxuu nafta ka qaaday qofkii ugu curadsanaa iyo neefkii xoolahooda ugu curadsanaa. Laakiin haddii guriga fooddiisa dhiig lagu arko, Ilaah wuu iska dhaafay gurigaas. Guryihii fooddooda dhiiggu ku yiil ciduna kama dhiman oo malaa’ig mawd qofna nafta kama qaadin (Baxniintii 12:23).

Waxyaalahaas oo dhammu si dhaqsiyo ah ayey u dhaceen. Xataa reerkii Fircoon curadkii waa ka dhintay (Baxniintii 12:29). Sababtaas daraaddeed, habeenkaas Masriyiintii murug wayn weyn iyo tacsi iyo baroor bay la ooyeen. Oo waxay dadkii reer binu Israa’iil ka baryeen inay iska tagaan oo dalkooda ka baxaan. Dadkii reer binu Israa’iilna isla habeenkaas ayey dalkii Masar degdeg uga baxeen. Dhammaantood way iska dareereen (Baxniintii 12:30-33).

Maalintaas weyn dadka reer binu Israa’iil waxay ku magacaabeen Kormariddii Rabbiga. Maxaa yeelay, habeenkaas ayaa malaa’ig mawd iska kor dhaafay guryihii dhiiggu fooddooda ku yiil oo dhan. Xataa maantaydan la joogo, dadka reer binu Israa’iil adduunka meel kasta ha ka joogeene, waxay wayneeyaan maalin ciid dimeed ah oo ay sanadkiiba mar xusaan. Ciiddaas waxay ku magacaabaan Ciidda Kormaridda. Ciiddaas Kormariddu waxay xusuusisaa sidii Ilaah uga badbaadiyey addoonsigii iyo geeridii soo degtay habeenkii belaayada tobnaad ay dalka Masar ku timid.

Kormaridda calaamad bay ahayd

Bal maxay reer binu Israa’iil ugu baahnaayeen inay wan qalaan, si ay u nabad galaan? Maxaa loogu baahnaa in dhiig la mariyo albaabka fooddiisa? Maxaa Ilaah calaamaddaas ugu isticmaalay inuu iyaga ka badbaadiyo geeri iyo gumeysi?

Su’aalahan jawaabahooda waxaad ka baran doontaa Injiilka. Laakiin marka hore waa inaad wax ka sii akhrisataa Nebi Muuse iyo nebiyada kale oo Ilaah.

Ayaddan kor ka baro. Waxay casharka kaa siinaysaa ra’yi muhiim ah.
Sabuurka 106:2: “Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn? Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?”

Tijaabada 1aad: Axdigii Ilaah la dhigtay dadka

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: