Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Gabyaa Injiilka Faafin Jirey: Cabdulqaadir Mursal 1942—1990

Cabdulqaadir Mursal wuxuu wakhti colaadeed ku dhashay magaallada Harar ee Itoobiya. Aabbihiis wuxuu markii hore ahaa askari ka tirsan ciidammadii Talyaaniga ee Itoobiya qabsaday 1935. Kaddib markii Talyaanigii la jebiyey 1941, unnuggii uu ka tirsanaa waxaa lagu daray ciidammadii Ingiriiska. Muddo gaaban markaa kaddib, Cabdulqaadir aabbihiis iyo sarkaal Ingiriis ah ayaa is khilaafay. Wuu ka tegey unnuggiisii oo wuxuu ku biiray koox gobannimaddoon ah oo duurka ka dagaalanta. Iyada oo uu Cabdulqaadir wel cunug yar yahay, ayaa aabbihiis lagu dilay dagaal ay la galeen askar Itoobiyaan ah. Markaa kaddib, Cabdulqaadir iyo hooyadiis waxay la noolaadeen qaraabo reer baadiye ah iyo mararka qaarkood xubno qoyska ah oo magaallooyinka degaankaa u dhow ku noolaa.

Markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay 1960, ayuu Cabdulqaadir go’aan ku gaadhey inuu Itoobiya ka tago oo u guuro Muqdisho. Markii uu xuduudka Beledweyne ka gudbayey, ayaa mid askartii xuduudka ahi weydiiyey qabiilkiisa. Laakiinse, Cabdulqaadir oo ay aad u saameeyeen waxbaridihii Xisbigii Dhallinyarada ee Soomaaliya (Somali Youth League), ayaa diidey inuu qabiilkiisa sheego. Jawaabtiisa keliyahi waxay ahayd, “Anigu Soomaali baan ahay.” Cabdulqaadir%20Mursal-cropped Muddo gaaban kaddib markii uu Muqdisho yimid, Cabdulqaadir wuxuu galay iskuul habeenkii af Ingiriisi lagu barto oo ay SIM lahayd, oo wuxuu bilaabay inuu Baybalka barto, oo waxaa isaga lala qaybsaday akhbaarka Injiilka, dabadeedna wuxuu Ciise Masiix u rumeeyey Sayidkiisa iyo Badbaadiyahiisa. Cabdulqaadir wuxuu sannadihii 1970-kii qayb ka noqdey Kulankii Soomaalidii Masiixiyiinta (Somali Believers Fellowship), eeg Jidkii Nabaddoonka oo ay qoreen Axmed Cali Xayle iyo David Shenk 2011. Wakhtigaas, waxay isaga iyo qoyskiisii u guureen Balcad oo wuxuu shaqaale xafiiseed ka noqday wersheddii dharka ee Balcad SomalTex textile factory. .

Cabdulqaadir 1983 ayuu mar kale dib u bilaabay inuu ka qaybgalo wada cibaadaysigii Kulankii Masiixiyiinta Soomaaliyeed, isaga oo Jimcayaasha u safraya Muqdisho si uu uga qaybgalo caabudaadii ka dhici jirtey kaniisaddii Croce del Sud ee badhtamaha magaalada ku taalley. Kooxdan yar ee ahaa Masiixiyiin Soomaaliyeed oo rag iyo dumar isugu jira waxaa oggolaansho siiyey Baaderigii Salvatore Kolombo inay subax kasta oo Jimce kulankooda caabudaada ku qabsadaan kaniisaddiisii Kaatooligga. Iskaashigani wuxuu tusayaa sidii ay madhabtii Masiixiyiin Kaatooliggu (Catholic) u caawisay Masiixiyiin Protestant ah. croce%20del%20sud%20postcard-original

Kuwa uu halkaa kula tukan jirey ayaa xasuusta sidii uu si joogto ah markhaatifurka u bixin jirey - ku saabsan sidii uu Ilaahay noloshiisa uga dhex shaqaynayey, iyo sidii uu Ilaahay ugu ammaani jirey barakooyinkiisa.

Mid markhaatifuradaa ka mid ah, Cabdulqaadir wuxuu ku sheegay wixii dhacay markii ay dhowr qof oo Masiixiyiin reer Galbeed ahi isaga booqasho ugu tageen. Kaddib markii ay gurigiisii ka baxeen, ayaa isaga looga yeedhay xafiiskii xaruntii booliska daba-galka Nabadsugida Qaranka ee Balcad, si su’aalo loo weydiisyo. “Waa ayo dadkan qalaadi, oo waa maxay sababta ay adiga kuu soo booqdeen?”

Cabdulqaadir wuxuu u jawaabey sidii isaga caadada u ahayd, isaga oo sarkaalkii gabay ugu jawaabaya. Wuxuu isaga u sheegay inuu xaq u leeyahay inuu asxaab iyo marti gurigiisa ku soo dhoweeyo. Dareemo kala duduwan ayuu markhaatifurkaasi ka dhex abuuray kulankii kaniisadda ee uu ka dhex sheegay. Dad badan ayuu dhiirrigelin u noqday, kuwo kalena welwel buu ku abuuray. Waayahaas, caadi may ahayn in sheekooyin sidaas oo kale booliska daba-galka ku saabsan dad dhexdiisa laga sheego. Qof kale oo xubin ka ahaa Kulankii Masiixiyiinta Soomaalida ayaa xasuusta tusaale ah hadiyaddii uu Cabdulqaadir u lahaa gabayga ama aftahanimadiisii. “Waxaan kaloo xasuustaa isaga oo hortayada ku alifay gabay jawaab ka bixinaya wacdiskii maalintaas, oo kaas wuxuu tiriyey markii uu wacdiskii dhammaaday.”

Mar kale, Cabdulqaadir wuxuu Masiixiyiintii u sheegay codsi aan caadi ahayn oo uu ka helay gudi ay lahaayeen shaqaalihii Wersheddii Dharka ee uu ka shaqayn jirey. Lacag ayay iska dhex uruuriyeen si ay ugu iibsadaan dhowr ri’yood oo ay qashaaan marka la gaadho Xaflada Ciidul-Adxa, oo waxay isaga ka codsadeen inuu lacagtaas ammaano ahaan ugu hayo. “Idinku waad og tihiin inaan Masiixi ahay,” ayuu iyaga u sheegay, “Oo aanan anigu ciidda idinkala qaybgeleyn. Markaa, waa maxay sababta aan lacagtan aad iska uruurinaysaan iidinku haynayaa?” Kuwii uu la shaqaynayey ayaa isaga u sheegay inay isaga aamineen maaddaama uu daacad yahay oo ay sidaas daraadeed u doonayaan inuu arrintaas ka caawiyo. “Annagu lacagtan iskuma aaminayno,” ayay ku yidhaahdeen.

Weliba mar kalena, wuxuu Cabdulqaadir ka sheekeeyey beri uu bas shil kula galay meel Balcad ku dhow. Markii uu baskii jidka ku gadoomey, ayuu maqlay rakaabkii kale oo caawimaad ugu qayshanaya magacyo awliyo Suufiyo ah oo kala duduwan. “Laakiinse anigu, waxaan caawimaad weydiistey magaca Ciise Masiix. Oo Isagu wuu i ilaaliyey, dhowr dhaawac oo fudud oo keliya ayaa i soo gaadhey.”

1984, Cabdulqaadir wuxuu si fiican u soo dhoweeyey qaxooti Itoobiyaan ah. Gudi yar ayaa waxaa soo diray kaniisaddii Sidaamada ee ku taalley Xeradii Qaxootiga ee Qoryooley. Kooxdan oo 100 qof ka koobnayd ayaa Ilaahay ku wada caabudi jirey guri mundul ah. Rumaysigoodu aad buu u adkaa, tiro ahaana way ku sii kordhayeen dhinicii ay Sidaamadu xerada qaxootiga ka degganaayeen. Laakiinse, daad ka dhashay roob badan oo da’ay dartiis ayaa dumiyey gurigoodii cibaadaysiga, arrintan oo sababtay inay dhowr madaxdoodii ka tirsan u soo diraan Xamar iyaga oo ay ujeeddadoodu tahay inay la kulmaan Ururkii Masiixiyiintii Soomaaliyeed oo ay caawimaad u weydiistaan. Is barashadii kaddib, Cabdulqaadir ayaa istaagey, “Aabbahay waxaa dilay askar Itoobiyaan ah. Dad badan oo aanu isku waddan nahayna waxay sheegaan inay tahay inaanu “Xabashida” nebcaano. Laakiinse, taasi aniga igama dhaadhacayso, waddankaad ka timaaddeen waxaa igala muhiimsan inaynu Masiixa walaalo ku nahay, markaa, waan idinku soo dhoweynayaa halkan.”

Mid asxaabtii Cabdulqaadir ka mid ah ayaa xasuusta dabeecadihiisii middood: “Runtii, wuxuu isagu ahaa nin rumaysigiisa Ilaahay muhiimmada ugu weyn siiya, laakiinse, wuxuu kaloo ogollaa inuu hab nololeedkiisa wax ka beddelo marka uu wax cusub bartoba.” Abdiqadir%20and%20sons2 Tusaale ahaan, Maajo 1984, wuxuu Cabdulqaadir maqlay wacdis ku salaysan Sharciga Ku Noqoshadiisa 11, gaar ahaan aayadda 19, “Waa inaad iyaga carruurtiinna bartaan, idinkoo ku sheekaysta markaad gurigiinna dhex fadhidaan, iyo markaad jidka martaan, iyo markaad jiiftaan, iyo markaad sara joogtaanba.” Markii uu wacdiskii dhammaaday, Cabdulqaadir ayaa istaagey oo yidhi, “Anigu khalad baan sameeyey. Aniga uun baa kaniisadda imaada. Hadda laga bilaabo, waxaan isku deyayaa inaan carruurtaydana soo kexeeyo.” Wakhtigaas laga bilaabo, badanaa waxaa isaga kulanka Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee Jimce kasta u soo raaci jirey wiilashiisa. Berigaas, way yarayd inay carruuri kulamada yimaaddaan.

1985, Cabdulqaadir dardar cusub ayuu geliyey u adeeggiisii Sayid Ciise Masiix. Kulan cibaadaysi oo bishii Juunyo ee sannadkaa ah, ayuu ka dhex istaagey wakhtigii bixinta markhaatifurka. Wuxuu sheegay inay riyooyinku mararka qaarkood noqon karaan waxyiyo Ilaahay ka yimid. Laakiinse, riyooyinka badankoodu ay ku saabsan yihiin dad ama xaalado uu qofkaa riyoonayaa jecel yahay ama danaynayo. Wuxuu yidhi, “Isaga [Masiixa] ayaan anigu ku riyooday.” Dabadeedna, wuxuu Cabdulqaadir dadkii kaniisadda joogey u qaaday qasiidada, “Xalay baan Masiixii arkoo, xamdi baygu waajibayey.” Dadkiina waxay garowsadeen inay qasiidadani ku salaysan tahay xaqiiqooyinka akhbaarka Injiilka ee Baybalka, iyada oo laxanka qasiidadu uu ahaa digriga Suufiyada oo kale. Soomaalidii Masiixiyiinta ahayd ee kaniisadda ku cibaadaysanayey aad bay u farxeen, waayo, muddo 10 sanno ka hor ayay ahayd markii ugu dambeysey ee la alifo ee qasiido cusub oo af Soomaali ah oo Masiixi ah.

Afartii sanno ee ku xigey, Cabdulqaadir wuxuu alifey toddoba qasiido oo kale, oo kuwaas u hibeeyey inay kaniisaddu isticmaasho wakhtiyada wada-cibaadaysiga:

  • Aabbow ha na dayrin
  • Badbaadshow Masiixow
  • Bashiirow Masiixii
  • Gacmahaa loo hoorsan
  • Ilaaha aan baahanine loo baahan yahayow.
  • Ka Barooran
  • Masiixeennii weynaa
  • Maryamoo bikraa baa Masiixii dhashoo
  • Nimcaaloow! Masiixii nuurka badnaayoow!
  • Qalbigaygaa ku doortay

Cabdulqaadir wuxuu 1990 magaalada Balcad ugu geeriyoodey kansar, markaas oo uu dagaalkii sokeeye aad ugu soo dhowaanayey meeshaas. Maddaama uu asal ahaan ka soo jeedey degaan meeshuu degganaa ka fog, waxay u badnaan lahayd inuu berigaas gurigiisa ka qaxo, markaa laga yaabee inay geeridiisu ahayd naxariis Ilaahay.

Meel kasta oo ay Soomaalida Masiixiyiintu maanta ku nool yihiin oo ku caabudaan, waxaa iyaga barako u ah rumaysigii geesinimada lahaa ee Cabdulqaadir Mursal iyo siddeed qasiido ee quruxda badan ee uu isagu u alifey inuu ku ammaano Sayid Ciise Masiix, isaga oo isticmaalaya laxan-gabayeedka dhaqanka u ah Soomaalida.

Halkan guji, si aad u dhegeysatid qasiidooyinka Cabdulqaadir Mursal oo muusiga dhaqanka Soomaalida loo tumayo:

Halkan guji, si aad dhegeysatid qasiidooyinka Cabdulqaadir oo loo tumayo qalabka casriga ee muusiga

Haddii aad rabtid inaad dhegeysatid cajaladdii 1988 laga duubay Cabdulqaadir Mursal oo qasiidooyin la qaadaya Soomaalidii Masiixiyiinta ee Muqdisho ku noolaa, halkan guji.