Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 6

Wixii la soo gudboonaaday noloshii Yuusuf waxay suuraggal ku noqdeen oo keliya in Ilaah uu maaraynayey xaaladaha. Maalin buu Yuusuf ahaa nin shisheeye ah iyo addoon xabsi ku jira. Maalintii xigtayna wuxuu noqday hoggaamiye.

Dadka qaar baa aad u kibri lahaa oo ka fekeri lahaa inay aarsadaan haddii la siiyo darajo iyo awood sidan oo kale. Laakiin waxaynu arkaynaa in Yuusuf aqbalay qorshaha Eebbe si is-hoosaysiin leh. Wuxuuna muujiyey u hoggaansanaantiisii uu Ilaah u hoggaansanaa markii uu jacayl u muujiyey kuwo kale.

Toddobadii sanno ee barwaaqada ahayd way dhammaatay. Bakhaarradii dhulka Masarna waxaa ka buuxsamay badar la soo guray sannadihii barwaaqada ahaa. Dabadeedna waxa yimid abaartii. Dhaqso waxaa u bilowday dad meelo fogfog ka imanayey, si ay cunno uga iibsadaan bakhaarradii uu Yuusuf maamulayey. Maalin baa isaga oo fulinaya hawlihiisa uu arkay tobankii walaalihiis ahaa iyagoo ka mid ah kuwii u yimid cunno inay Masar ka soo iibsadaan.

Haddii adigu aad Yuusuf ahaan lahayd maxaad samayn lahayd? Sidee baad ula dhaqmi lahayd kuwii dhimashadaada ka shaqeeyey, ceel kugu riday, addoonnimana kaaga iibiyey waddan qalaad? Miyaad ciqaabi lahayd, ama ka aargudan lahayd?

Xataa Yuusuf kama uusan fekerin taas. Noloshiisa waxay ku jirtay gacmaha Ilaah.

Raxmadda Ilaah ayaa ahayd xoog gudihiisa ku jira, oo innaba meel uma uusan hayn malooyin aargoosi iyo isla-weyni leh.

Walaaluhu ma ayan garan Yuusuf. Wuxuuna goostay inuu tijaabiyo iyaga isagoo ka dhigaya kii ugu yaraa inuu wax xaday. Iyagii oo dhan baa waxay u guntadeen inay daafacaan walaalkood oo bixiyaan wax kasta si ay uga badbaadinayaan dembiga isaga loo qabsaday.

Waxaanay tani u xaqiijisay Yuusuf inay iyagu ka toobadkeeneen dembiyadoodii hore oo ay beddeleen falalkoodii. Markaana iyagii buu isku sheegay, sida ku qoran Kitaabkii Bilowgii 45:4-6, oo leh:

"Anigu waxaan ahay walaalkiin Yuusuf, kii aad ka iibiseen kuwii Masar tegayay. Oo haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhroonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo. Waayo, labadan sannadood baa dhulku abaar ahaa, oo weli waxaa haray shan sannadood, oo aan beer la fali doonin, waxna la goosan doonin."

Wuxuuna u sheegay in ay aabbahood u noqdaan oo qoyska oo dhan halkaas ay keenaan. Wuxuu doonayey inuu maamuuso aabbahiis, oo uu wax u siiyo isaga sida inan waajib ku ah inuu aabbihii wax u taro.

Markaa Yuusuf wuxuu isku dubbarriday qoyskii si Masar loo keeno halkaasoo uu guri ugu diyaariyey iyaga. Wuxuu hubsaday inay jagooyin wanwanaagsan iyo dhul wanaagsanba helaan. Aad bay isaga ugu mahadiyeen oo hortiisay ku sujuudeen.

Riyooyinkii Yuusufna run bay noqdeen! Laakiin imminka ma lahayn wax kibir ah oo uu ku ceebaynayo reerkiisa. Mana uusan lahayn isqaadqaad hoggaamiyayaasha lagu yaqaan markuu aqbalay ficilladii muujinayey dareenkooda. Wuxuu garanayey in wax walba horey Ilaah u qorsheeyey si uu u badbaadiyo dadkiisa. Yuusuf wuxuu ahaa walaal iyo wiil kalgacal badan. Waxaa kaloo uu garanayey in noloshiisa loo isticmaalay inay sharraxaad ka bixiso sida Ilaah u samatabbixiyo kuwa aan caawimaadda haysan, una quudiyo xaalad kastoo ay ku jiraan kuwa isaga ku kalsoonaada, oo u saamaxo carruurtiisa baadiyowda marka ay magaciisa u yeeraan.

TUKASHO

Ilaahow, kan Yuusuf gaashaankiisa ahaayow, kan garashada u leh shay kasta oo jirow, oo xigmad dhammi u sugnaatayow. I bar sidaan kaaga heli lahaa magangelyo markaan marxalad kasta ama dhibaato ku jiro. Waxaad igu caawisaa mar kasta inaan muujiyo dabeecadaha adiga kuu wanaagsan. Iga yeel inaanan su'aal ka soo celin dhacdooyinka aan kula kulmayo adduunka, laakiin iga yeel inaan noqdo mid si buuxda xigmaddaada kaamilka ah ugu wareejiya noloshiisa. Waayo, Adiga keliya, ayaa ah Rabbiga noloshayda. Sidii aad u caawisay Yuusuf, adigoo raalli iga ah anigana i caawi si hadalladayda iyo ficilladayda ay si joogta ah uga turjumaan addeecista, is-hoosaysiinta iyo naxariista aan kuwa kale u hayo.

Aammiin iyo Aammiin.