Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 2

Si aynu hagaag ugu garano hawsha Yooxanaa Baabtiisaha, waa inaynu halkan ku hakannaa oo dib u fekernaa. Bal aynu ka fekerno wax ku saabsan wixii aynu ka maqalnay nebiyadii hore oo dhan.

Waxaynu ka soo barannay Nuux waaya-aragnimadii ahayd in xaaladda dembiga miiran ah ee dadku ay calool-xumayso Ilaah oo ay sababto in xukun dusha lagaga tuuro dadka. Waxaan kaloo barannay in isla sida dadku ayan isaga badbaadin karin daadkii, aanay sidoo kale awoodin inay iska badbaadiyaan ciqaabta soo socota. Laakiin Eebbe, jacaylkiisa iyo daryeelkiisa daraaddeed, wuxuu keenay hab uu ku badbaadinayo abuuristiisa waa dadka e.

Waxaynu Ibraahim waaya-aragnimadiisii ka baranaynaa in Ilaah uu doonayaa addeecis. Waxaynuna aad u fahannay macnaha waaqdhaac. Waxaynu soo aragnay in Ilaah qudhiisu keenay waaqdhaac wanaagsan oo gala beddelkii inankii Ibraahim.

Dabadeedna waxaynu aragnay sida Ilaah u hadlay isagoo isticmaalaya nebigii weynaa ee Muuse, isagoo sharraxaya qorshihiisa samatabbixinta iyo hoggaaminta dadkiisa. Muuse ayaa ku amray dadkii in qoys kastaa neef baraar ah qalo oo dhiiggiisana fayaaradaha guri kasta la mariyo. Taasuna waxay tusaale ka bixisay meesha waaqdhaacu kaga jiro samatabbixinta addoonsiga. Mar dambana, Muuse wuxuu Rabbiga ka helay tusmooyin buuxa oo ku saabsan waaqdhaaca loo bixiya dembiga iyo caabudaadda. Marka ay sidan tahay ayaa qof kasta garan karaa dabeecadda dembiga iyo furashada. Welibana, isagoo isticmaalaya Muuse ayaa Eebbe dhidibada u aasay muhiimadda Eraygiisa. Waa akhrinta Erayga Eebbe sidaynu ku sii wadi karno inaynu baranno runta oo dhan.

Boqor Daa'uud wuxuu ina baray wax dheeraad ah oo ku saabsan eedda, toobadkeenka, iyo waaqdhaaca. Waxaynu isaga ka helnay farriin khaas ah oo ku saabsan in Eebbe dadka ka doonayo wax ka badan dhiigga xoolaha ee waaqdhaaca loo bixiyo.

Waayo Daa'uud baa isagoo toobadkeen ka buuxo horey u yiri sida ku qoran Sabuurka 51:16-17, oo leh:

"Adigu kuma faraxdid allabbari,
Haddii kalese waan bixin lahaa,
Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.
Allabbaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiis."

Markaana Daa'uud wuxuu isku halleeyey naxariista Ilaah, isagoo qiranaya dembigiisa oo Ilaah cafis weyddiisanaya.

Ugu dambayntii, sidii aynu ku soo barannay casharkii aynu soo dhaafnay, waxaynu farriimihii Ishacyaah ku soo aragnay in ficillo diimeedka, xitaa toobadkeen daacad ah, aanu dembi naga daahirin karin. Ishacyaah wuxuu inoo muujiyey runta kaamilka ah taasoo ah in waaqdhaacu uu lagamamaarmaan yahay, laakiin dhiigga xoolaha waaqdhaac loo bixiyaa aanu dabooli karin dembiga. Sidii aynu ku soo barannay casharadeennii hore, waaqdhaaca xoolaha wuxuu ahaa sawiir dadka u tilmaamayaa maalinta uu Rabbigu soo diri doono waaqdhaaca ama allabbariga kaamilka ah, kaasuna waa Bixiyaha, kii u silci lahaa dembiyada dadka oo dhan. Waxaanay tani suuraggelinaysaa in qof kasta ka helo cafis iyo naxariis Ilaah. Si kastaba ha ahaatee, Ishacyaah wuxuu ina ogeysiiyey in looga baahan yahay dadka iyagu ay doortaan inay toobadkeenaan oo aqbalaan waaqdhaaca ama allabbariga Ilaah keenay. Ilaah qofna ma khasbo. Wuxuuse doonayaa in dadku ay isaga aqbalaan oo si addeecis leh ku yeelaan wixii uu ku siiyey jacaylka.

Waxaad xusuusataa casumaaddii weynayd ee nebi Ishacyaah, taasoo ku qoran Kitaabka Ishacyaah 55:6-7. Laga yaabaa inaad dusha ka oran kartid; waa kuwan erayadii:

"Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo,
Oo isaga barya intuu dhow yahay.
Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago,
Ninka aan xaqa ahaynuna fikirradiisa,
Oo Rabbiga ha u soo noqdo,
Oo isna wuu u naxariisan doonaa
Oo ha u yimaado Ilaaheenna,
Waayo, aad buu u saamixi doonaa."

Ilaah baa u muujiyey Ishacyaah inuu yiraahdo erayadaas. Waxaynu tan ka ogaanaynaa in Eebbe doonayo in dadku aqoonsadaan fursaddooda ay ku helayaan saamaxaadda. Bacdamaa uu iyaga u ballanqaaday inuu u soo diri doono Bixiye dhab ah, marka wuxuu kaloo u samaynayaa hab ay ku aqoonsadaan Bixiyaha markuu muuqdo. Taasina waa sababta uu Yooxanaa Baabtiisaha u soo diray si uu jidka Rabbiga u hagaajiyo, amase u bayaaniyo oo u caddeeyo.

Waxaynu arkaynaa in erayada Yooxanaa Baabtiisaha ay aad ugu ekaayeen kuwii Ishacyaah. Wuxuu dadkii uga digay inay ka cararaan sharka, toobadkeenaan, oo Ilaah u soo leexdaan si loo cafiyo. Hawsha Yooxanaa Baabtiisaha waxay ahayd inuu soo koobo, ama soo gunaanado hawshii iyo erayadii nebiyadii ka horreeyey oo dhan. Wuxuuna tan samayn lahaa isagoo dadka ogeysiinaya in kii yimid oo dhammaystiriyey oo kaamilayey wax-sii-sheegidii oo dhan.

Taasuna waa sababta nebi Yooxanaa loogu yeero kii xaqiijiyaha ahaa. Markaana waxaynu arkaynaa meesha uu kaga jiro qorshaha Ilaah, iyo sababta aynu ugu baahan nahay inaan si taxaddar leh erayadiisa u dhegaysanno.