Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 1

Kaca! I maqla! I dhegeysta! Caro, ciqaab, iyo xukun baa dul iman doona kuwa Ilaah ka leexday. Toobadkeena! Toobadkeena! Oo quluubtiinna Ilaah u jeediya!

Dadku waxay digitaankaas ka maqleen dhowr nebi. Welibana, mid kale ayaa yimid, isagoo hareeraha webiga Urdun kaga wacdiyaya isla erayadaas. Waxaa markaas halkan jooga nebi kale oo dadka uga digayey inay ka toobadkeenaan dembiga, oo aqbalaan qorshaha Ilaah u hayo noloshooda, iyo inay Isaga ugu adeegaan kalgacal iyo daacadnimo.

Ninkani maanu ahayn nin soo jiidasho leh, oo hor mari jiray boqorro, sidii Ishacyaah. Ninkanu wuxuu u ekaa nin duurjoognimo ay ka muuqato oo lamaddegaanka joogay, wuxuuna gashanaa dhar maqaar laga sameeyey isagoo ku hadlaya erayo la garan karo.

Maxay haddaba dadku iyagoo hormo hormo ah inta magaalooyinka iyo beerahoodiiba ka tageen u soo istaageen webi Urdun si ay u maqlaan? Laga yaabaa inay qaarkood sharraxaad ka bixin kareen sida dareenkoodu u kacay markii ninkaanu toobadda ugu yeeray. Ma ayan garan in wakhtiganu ahaa mid khaas ah oo taariikhda ku jira. Waxay lahaayeen hab ay iskaga dhigaan dad diinta raacaya oo is huba. Laakiin, niyaddooda bay ka dareemeen gocasho iyo marnaan. Waxay sugayeen akhbaarka ku saabsan Masiixii la ballanqaaday, Kii Subkan ama la Caleemasaaray, Bixiyihii iman lahaa. Muxuu haddaba nebigan yaabka leh ee Yooxanaa Baabtiisaha ama Maquuriyaha la yiraahdo oran lahaa? Maxayse u dhegaysanayeen isaga?

Casharkan waxaad ka baran doontaa...

  • Maxaynu u dhegaysanaynaa Yooxanaa Baabtiisaha?
  • Farriin noocee ah ayuu inoo keenay?
  • Sidee baynu u xaqiiqsan karnaa in taasu run tahay?

Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...

  • Faallo ka bixiso meesha Yooxanaa Baabtiisaha uu kaga jiro qorshaha Ilaah.
  • Faallo ka bixiso waxa loola jeeddo erayga Baraarka ama Wanka Ilaah.
  • Sharraxaad ka bixiso sida wax-sii-sheegiddii Eebbe loo kaamilay.
  • Doontid inaad wax badan ka barato Ciise Masiix.

MAXAYNU U DHEGAYSANAYNAA YOOXANAA BAABTIISAHA?

Ishacyaah wuxuu wax-ka-sii-sheegay in Ilaah soo diri doono qof la mid ah cod ka dhawaaqaya lamaddegaanka oo ogeysiinaya imaanshaha Bixiyaha dhabta ah. Yooxanaa Baabtiisaha ayaa ahaa codkaas.

Nebigan weyn wuxuu si mucjiso ah uga dhashay waalidiin da' weynaaday, oo la kala yiraahdo Sakariyas iyo Elisabet. Ilaah wuxuu u soo diray iyaga malag, si uu ugu sheego in wiil u dhalan doono. Malaggu wuxuu kaloo u sheegay inay ku magacaabaan Yooxanaa, oo hawshiisu dad badan bay aad muhiim ugu ahaan doontaa. Shaqadiisuna waxay noqon lahayd inuu jidka u diyaariyo Ilaah, si uu dadka isugu muujiyo. Taasu waxay ahayd inuu quluubta dadka u diyaariyo inay aqbalaan muujinta Ilaah.

Yooxanaa wuxuu u dhashay, sidii malaggu sheegay. Markii uu korayeyna, waalidiintiis waxay isagii bareen inuu ahaado addoon Ilaah oo daacad, aammin iyo muddiic ah. Maalmihii hore ee noloshiisa ayuu ogaaday in Ilaah si khaas ahaaneed u isticmaali doono. Wuxuuna aqbalay u yeerista Ilaah si uu u kaco oo uu ugu digo dadka. Ilaa wakhtigii uu bilaabi lahaa shaqadiisii yimidna, si deggan buu ugu noolaa lamaddegaanka. Wuxuu cuni jiray cuntada reer baadiyaha ee caadiga ah, wuxuuna wakhtigiisii oo dhan u huray tukasho iyo akhrinta Erayga Eebbe, oo wuxuu si buuxda ugu go'ay Ilaah dhan kastaba.

Dabadeedna Ilaah baa isagii ku hoggaamiyey inuu wacdiskiisa ka bilaabo qarka webi Urdun, sidaan soo aragnay. Noloshiisu waxay u go'day Ilaah, oo farriintiisuna way caddayd oo waxay ahayd mid munaasab ah, taasoo keentay inuu dad badan soo jiito. Waxaanay dadkii isku yiraahdeen, "Kaalaya, aynu dhegaysannee. Oo aynu maqalno wuxuu leeyahay. Lagaba yaabo in ninkanu yahay Masiixii imaan lahaa."

Xaqiiqdii, waxaad arkaysaa, in badanaa dadku ay u aqbaleen dhaqanka caadi ahaan ula xiriira diintooda. Uma bannaanayn inay waxyaabaha caadooyinkooda ku saabsan su'aal ka keenaan. Laakiin sida xaqiiqda ahna ma ayan qanacsanayn. Waxay ugu muuqatay in quluubtoodu ahaayeen sidii meel lamaddegaan ah. Bacdamaa ay garanayeen in noloshooda ayan Ilaah ka farxinayn, waxay dareemeen eed. Farriinta Yooxanaa ayaa wareerisay.

Culimmadii qaar ka mid ah ayaa waxay weyddiiyeen, "Adigu yaad tahay? Ma waxaad tahay Masiixii aanu sugaynay? Mise waxaad tahay mid ka mid ah nebiyadii oo sarakacay?".

Yooxanaa wuxuu si is-hoosaysiin leh ugu jawaabay: "Maya, ma ihi Masiixii. Waxaan ahay codka cidlada ka yeeraya oo leh: Jidka Rabbiga hagaajiya! Xitaa, anigu ma istaahilo inaan furo yeelmaha kabaha Masiixa."