Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 2

Dabeecadda Dembiga

Eebbe raalli kama noqon markii uu arkay xaaladda adduunka. Dadku kama ay welwelsanayn wixii dhacayey. Waxay sii wadeen xumihii ay falayeen, waayo ma doonayn inay aqbalaan in dembigu yahay waabaayo oo uu burburiyo habsami-u-socodka quluubta banii-aadanka. Marka dhanka kale laga eego, Ilaah aad buu xaaladdaas uga xumaaday, waayo wuxuu garanayey waxa dembigu yahay dhab ahaan. Waxaa uu garanayey in dullinnimada iyo rabshada aysan ahayn dembi keliya laakiin waxay ahaayeen natiijada xaaladda dembiga miiran ah ee banii-aadanka.

Mararka qaar waxaan dembiga u aragnaa in uu yahay fal shar ah oo uu qof sameeyey. Sidaas way ahaan kartaa, laakiin xaqiiqada dembiga intaas way ka badan tahay. Xaqiiqada dhabta ah ee dembiga waxaa weeye in xaaladaha dembiga ee jira imminka ay ku yimaadeen dadkii oo Eebbe ka soo leexday aawadeed. Dembigu wuxuu dadka ka fogeeyaa Ilaah. Dembigu waa diidmada la diido in la hoos yimaado doonista Ilaah. Dembigu waa is-hortaagga lays hortaago ulajeeddada aadanaha, taasoo ah in Ilaah loo adeego oo la raalligeliyo. Dembigu waa diidmada dadku diido doonista Eebbe. Waa diidmo la diidayo in la maqlo ama dhug loo yeesho codka Ilaah.

Dembigu wuxuu u qabsada banii-aadanka sida cudur halis ah oo kale, wuxuuna ku hoggaamiyaa silic xaddhaaf ah, oo aan ku koobnayn dunidan oo keliya, laakiin ku sugaya cadaabta taasoo dhowraysa kuwa Eebbe ka baadiyooba. Taasuna waa waxa Rabbigu u carooday markii uu arkay xaaladaha dembiga badan ee banii-aadanka. Waxaa uu garanayey in dadka aan lagu sii wadi karin xaaladdan. Waxaana uu garwaaqsaday in xukun iyo baaba' dunida ku yimaado. Dhibicdii wasakhda ahaa ee dembiga ee uu ku reebay dhulka ayaa loo baahnaa in la mayro ama la dhaqo, si markaasi ammaantii Ilaah mar kale looga arko quluubta abuurkiisa ugu qiimaha badan kaasoo ah banii-aadanka.