Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 1

"Duufaan xoog leh ayaa la filanayaa. Dhimasho iyo halaag ayaa arlada oo dhan saamayn doonta."

Kaba soo qaad inaad hadalladan ka maqashay raadiyow. Ka soo qaad haddaba in adiga oo keliya aad tahay qofka raadiyow ka haysta bulshada aad la nooshahay oo dhan. Markaana adiga oo keliya ayaa og burburka iyo halaagga soo fool leh. Haddaba sidee baad dareemi lahayd? Maxaad samayn lahayd? Malaha marka ugu horraysa waxaad ka fikiri lahayd qoyskiinna. Waad u digi lahayd, oo waxaad oran lahayd, "War bal kaalaya, aynu isbadbaadinnee?" Dabadeedna aqallada deriskaaga ah baad dhaqso ugu tegi lahayd oo waxaad oran lahayd: "War duufaan baa soo socota! Haddaba isku diyaariya duufaanta imanaysa!"

Kaba soo qaad, inayan warkaaga maqlin, oo ay kugu yiraahdeen, "War adigu aqoon uma lihid xaaladaha hawada, oo welwelna isgelin mayno hadalladaada aawadood ee aad ku sheegtay duufaanta imanaysa. Annaga haatan dabbaaldeg baa noo socdee, orod oo na dhaaf. Duufaanta weyn ee aad sheegayso oo kale weligeed halkan laguma arag. Maxaannu kugu rumaysanaa?"

War maxay taasu kuula muuqan lahayd sida iyedoo lagu diiday oo laga guulaystay! Maxayse caloolxumo badnaan lahayd marka aad garato in dadaalkaagii aad ku caawinaysay dadka kale uu socon waayey ama lagu guuldarraystay. Laakiin haddii aad niyadda ka rumaysan tahay waxaad samayn lahayd wax kasta ee suuraggal ah ee aad ku badbaadinayso qoyskaaga iyo adiga naftaadaba.

Dhacdooyin la mid ah kuwii aynu masaalka u soo qaadannay ayaa dhab ahaan u qabsaday nebi Nuux. Habase yeeshee codkii uu maqlay ugama iman idaacad, balse Nuux wuxuu maqlay codkii Eebbe. Waxaynu markaas casharkan uga hadlaynaa waxyaabihii qabsaday Nuux. Waxaynu ku baranaynaa sababta daadkii iyo duufaantii naxdinta lahayd dhulka loogu soo daayey, wixii Ilaah ku yiri Nuux, iyo sidii Nuux ula baxsaday noloshiisii markii daadku hareereeyey isaga.

Casharkan waxaad ka baran doontaa...

  • Ilaahay wuxuu baaray ama qiimeeyey dunida.
  • Ilaahay wuxuu xukumay banii-aadanka.
  • Nuux wuxuu aqbalay qorshihii Ilaah.

Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...

  • Faallo ka bixiso waxay ka dhigan tahay dembi Eebbe laga galo.
  • Faallo ka bixiso sababta xukunka loogu baahan yahay.
  • Sifo ka bixiso qorshaha Ilaah iyo ballankiisa.
  • Faallo ka bixiso sida uu dadku ku heli karo ballanqaadka Ilaah.

ADDUUNKA ILAAH WUXUU BAARAY AMA QIIMEEYEY

Xaaladda Banii-Aadanka

Dadkii baa, iyagoo ku majaajilloonaya, isweyddiiyey, "War muxuu Nuux samaynayaa?"

Nuux oo keliya ayaa garanayey in daad weyn imanayey, si uu adduunka u baabi'iyo. Wuxuu dhisayey doonni weyn. Wuxuuna isku dayey in uu dadka u digo, laakiin ma ayan rumayn hadalladiisii. Cirku wax daruur ah ma lahayn, oo iyana waxay doonayeen inay naftooda u sii raaxeeyaan.

Bilowgii Eebbe wuxuu dhulka ama dunida u abuuray si qurux badan oo kaamil ah, oo meel kasta wuxuu ka buuxiyey dhir iyo xayawaan. Dabadeedna wuxuu abuuray nin iyo naag si ay isula wadaagaan nolosha iyo quruxda.

Ninkii iyo naagtii Ilaahii abuuray wax xushmad ah uma ay muujin. Waxaa uu siiyey amarro, kuwaasoo u sharraxaya sida ay farxad ugu noolaan karaan oo isagana u raalligelin karaan, habase yeeshee way addeeci waayeen isaga. Taasuna waxay noloshii dadka u keentay dembi. Wixii intaas ka dambeeyeyna, markii ay carruur badan dhasheen oo dadkiina dunida buuxiyeen way samayn kari waayeen wax Ilaah raalligeliya. Dembi ayaa bilaabay inuu maamulo qalbiga aadanaha.

Eebbe wuxuu abuuray dadka, oo ah kuwa ugu wanaagsan abuuristiisa, markaana dabcan wuu eegayey iyaga mar kasta wuxuuna garanayey waxay samaynayeen iyo waxay ka fekerayeen. Waxaa uu garanayey maalmahaas in dadku ay isaga illoobeen oo si joogto ah dembi u kala fogeeyey isaga iyo dadka abuuristiisa ah.

Sida ku qoran Kitaabkii kowaad ee Muuse oo la yiraahdo Bilowgii, cutubka 6, aayada 5, ayaa leh:

"Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba."

Ilaah wuxuu arkay in dadku rabsho badan yihiin. Waxaa taas loola jeedaa inay ahaayeen kuwo aan naxariis lahayn oon midkoodba kan kale ka fikirin. Way isla dagaallameen, waxayna ahaayeen kuwo cadaawe ah oo naxariis daran. Waxay u isticmaalaan jirkii Eebbe siiyey inay khalqiga kale, oo iyaga la mid ah, ku waxyeelleeyaan, oo waxay illoobeen in xooggooda iyo awooddooda loo siiyey inay dhulka ku daryeelaan oo Ilaaha abuurahoodana ammaan ugu keenaan.