Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 6

Eebbe wuxuu u sheegay Ishacyaah inuu doonayey in banii-aadanka oo dhaniba ogaadaan in isaga Ilaaha ahi, u keeni doono furasho dadkiisa. Markaa wuxuu sababay in nebigu helo hadallo badan oo faallo ah oo ku saabsan bixiyaha, dabeecadihiisa, iyo ficilladiisa.

Ishacyaah wuxuu helay muujinno ku saabsan wakhti markii dadkii ku socday gudcur ay arki doonaan iftiin weyn. Taasina waxaa weeye, in qarsoodiga ku saabsan xiriirka Ilaah la leeyahay dadkiisa si tartiib-tartiib ah loo qaadi doono. Qorshaha iyo doonista Ilaah baa si cad loo muujin doonaa sida ilayska qorraxda arooryo u muujiyo abuuristiisa. Axdigii Eebbe la dhigtay Ibraahim, Muuse, iyo Daa'uud waxay ahayd in loo oofiyo hab cusub oo wacan. Iftiinka rajada ahna u bixi doono kuwii fadhiyi jiray gudcurka hooska dhimashada.

Ishacyaah wuxuu arkay in wakhtigan cusub ee iftiinka ah ku bilaabanayo markii wiil yar uu ka dhasho gabar bikrad ah. Waxaana dhallaankaas loogu yeeri doonaa, sida ku qoran Kitaabka Ishacyaah 9:6, Lataliye Yaabka leh, Ilaaha Xoogga leh, Aabbaha Daa'imka ah, iyo Amiirka Nabadda.

Ishacyaah wuxuu kaloo arkay in Bixiyaha oo wax-sii-sheegida qaar lagu sifeeyey Addoonka, uu ku muuqan doono marxalado hooseeya dhexdooda. Isaga ma noqon doono sida boqor weyn, laakiin wuxuu ahaan doonaa sida dhallaan hooseeya, iyo hoggaamiye dadku diiday. Bal aynu eegno qaar ka mid ah hadalladii Ishacyaah yiri markuu isaga ka hadlayey:

Isaga waa la quudhsaday, waana la diiday, oo wuxuu ahaa nin murugeed, oo xanuun bartay. Sharna laguma arag oo khiyaanona afkiisa lagama helin. Isagu wuxuu ahaa mid xaq ah, laakiin wuxuu oggol yahay inuu noqdo waaqdhaac, si uu dembiyada kuwa kale u bixiyo. Wuxuu inoo noqday waaqdhaac dembi innagoo dhan. Oo wuxuu u silcay kuwo kale.

Ishacyaah wuxuu inoo sheegay inuu u silcay kuwo kale, ama dadkoo dhanba. Haddaba innaga ayuu inoo silcay. Dabadeedna waxaa yimid xaqiiqadii yaabka lahayd oo loo soo dhiibay nebiga. Taasoo ah Bixiyaha dhabta ah uu dushiisa ku qaaday dembigeenna oo dhan. Innaga daraaddeen baa loo nabarreeyey, isagoo u gudaya ciqaabtii dembiga sida baraar waaqdhaac oo kale. (Fiiri kitaabka Ishacyaah cutubka 53aad.)

Oggolaanshaha midka kaamilka ah ee aan iinta lahayn uu oggolaaday inuu noqdo waaqdhaac oo galo beddelkii dadka dembiga leh aawdeed, ayaa nabad dib loogu soo celin karaa dadka iyo Eebbe dhexdooda. Wuxuu bixinayaa waaqdhaacii ama qiimihii hoosaysiisnimada innaga daraaddeen. Markaana waa laynaga cafiyey ciqaabtii dembiga. Xukunkii wuu dhaqangalay. Innagana imminka xor baynu nahay! Naxariista Ilaah ayaa inoo samaysa jid aynu ku helno degganaan iyo nabad xagga ruuxa ah. Hubaal la'aantii iyo gocashadii niyadaheenna ayaa loo beddelayaa kalsooni iyo farxad, waase haddii aynu aqbalno wuxuu isagu ina siinayo.