Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 2

DIGNIINTA IYO BALLANKA

Markii Ishacyaah yiri: "Waa i kan, ee aniga i dir," wuxuu aqbalayey baaq Ilaah uga yimid. Wuxuuna lahaa, "Waxaan oggolahay inaan noqdo farriinwadaha Eebbe." Ilaah wuxuu sharfay isaga addeeciddiisa iyo oggolaanshahiisa awgood markii uu siiyey isaga muujinno aad iyo aad u muhiimad ballaaran. Ilaah baa ka dhigay inuu noqdo mid ka mid ah nebiyada ugu waaweyn.

Wax badan ayaan ka baranaynaa muuqaalkii iyo baaqii Ishacyaah. Markii ugu horraysay, waxaynu barannay wax badan oo ku saabsan daryeelka Eebbe u hayo dadkiisa. Wuxuu arkaa dembigooda iyo dhibaatadooda. Wuxuu ka calool-xumaadaa addeecid-la'aantooda. Wuxuuna qorshaystaa hab uu ku caawiyo iyaga, sida caadadu tahayna, qorshuhu wuxuu u baahan yahay nin uu isticmaalo. Ilaah baa weyddiiyey, "Yaa noo tegaya," wuxuu markaasi doonayey nin muddeec ah. Ilaah qofna ma qasbo. Midkeen walba wuu caawinayaa oo hoggaamiyaa haddii aynu diyaar u nahay inaan aqballo waxa uu ina siinayo.

Waxaan kaloo Ishacyaah ka baranaynaa sida aynu ugu jawaabi karno daryeelka Eebbe inoo hayo. Muuqaalkii Ishacyaah arkay baa ugu horrayntiiba ka yaabiyey markuu eegay quduusnimada Ilaah iyo sida ay uga duwan tahay dembigiisa. Wuxuu ogaa inaysan jirin hab uu isku daahirin karay oo uu diyaar ugu noqon karay in uu istaago Ilaah hortiisa. Wuxuu qirtay dembigiisa oo wuxuu aqbalay habkii Eebbe u daahirinayey isaga. Waxba ma uu samayn laakiin wuxuu rumaystay oo aqbalay sida Ilaah isaga uu ku daahiriyey.

Ishacyaah wuxuu oggolaa inuu noqdo wargeeyaha Ilaah, waayo Ilaah buu jeclaa oo qaddarin jiray oo wuxuu doonayey inuu isaga raalligeliyo. Xitaa, waxaa jiray sabab kale. Taasuna waxaa weeye, markii uu sida cusub u arkay, quduusnimada iyo jacaylka Eebbe, aad buu ula yaabay ugana calool-xumaaday dembiga dadkiisa. Wuxuu aqoonsaday inay noqdeen kuwo ka indha la' oo ka dhega la' xaqiiqada diintooda. Waxaanay u dhaqmayeen sida carruur caasi ah, ayuu yiri Ishacyaah. Waxay ahaayeen sida wiilal aan addeecsanayn aabbahood amase aan xushmad u hayn xigmaddiisa.

Ishacyaah wuxuu doonayey inuu iyaga u digo, waayo wuxuu ogaa inay iyagu baaba' isu keenayaan. Waxay ku jireen dabinka sharka oo wax caawimaad ahna ma ayan haysan. Ishacyaah wuxuu oggolaa inuu noqdo farriinwadaha Ilaah waayo wuxuu jeclaa Ilaah iyo dadka Ilaah. Hawshiisa nebinnimadu waxay ahayd inuu iyaga isu soo dhoweeyo.