Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 1

Dhulkow maqal! Waayo Rabbigu wuu hadlay.

Intee in le'eg baynu maqalnay markii aynu dhegaysannay nebiyadii Ilaah inoo soo diray inay inala hadlaan! Waxaad soo aragtay inaynu wax badan ka barannay noloshii iyo tusaalayaashii nebiyada. Laakiin kuwa ugu muhiimsan waxay ahaayeen farriimaha laynoo hayo, kuwaasoo Ilaah inoo soo bandhigay isagoo isticmaalaya khaaddumadiisa.

Eebbe wuu hadlay. Wuxuuna soo diray Eraygiisa. Oo wuxuu isugu keen muujiyey kuwii uu doortay. Waxaa kaloo uu isugu keen muujiyey sida mid Quduus ah kaasoo ay tahay inuu ciqaabo dembiga, oo welibana ah Ilaah naxariis badan oo la mid ah sida aabbe kalgacal miiran oo si deggan ula macaammila carruurtiisa. Waxaynu soo ogaannay inuu ina baadiggoobo, oo doonayo inuu ina caawiyo. Wuxuuna Eraygiisa u soo diray inuu ina hoggaamiyo. Wuxuuna inaga samatabbixinayaa eedda haddii aynu qiranno dembiyadeenna, addeecno isaga, oo muujintiisana aqbalno.

Intee in le'eg baynu nebiyada ka maqlaynay! Oo welibana wax kaloo badani jiraan. Casharkan waxaynu wax ka maqli doonnaa Ishacyaah. Magaciisa macnahiisu waxaa weeye: ILAAH BAA AH ASALKA BADBAADADA. Farriintiisa khaaska ah ee uu inoo hayo waxaa weeye: "Badbaadadu waxay ku timaadaa aasaas ahaan nimcada iyo awoodda Ilaah balse kuma timaado xooggeenna ama waajibaad diini ah oo aynu samayno."

Casharkan waxaad ka baran doontaa...

  • Muuqaalka iyo U yeerista.
  • Digniinta iyo Ballanka.
  • Bixiyaha iyo Casuumaadda.

Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...

  • Ogaato wax ku saabsan nebi Ishacyaah.
  • Faallo ka bixiso waaqdhaac ama allabbari.
  • Sharraxaad ka bixiso Madaxfuraha dhabta ah.
  • Aqoonsato xaqiiqada wax-sii-sheegidii Ishacyaah iyo macnaha ay shakhsi ahaan kuu leeyihiin.

MUUQAALKA IYO U YEERISTA

Ma hubno inta qof ee Eebbe u doortay inay nebiyadiisa noqdaan. Waxaase xaqiiqo ah inay jiraan kuwo aynaan magacyadooda garanayn. Laakiin shaki kuma jiro inuu jiray nebi Ishacyaah. Isagu wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn nebiyada, waxaana si khaas ah u doortay Ilaah si uu dadka u gaarsiiyo farriinta rajada iyo badbaadada leh ee Eebbe.

Waa laga yaabaa in Ishacyaah ka yimid qoys xagga dawladda iyo xukunka lagu yiqiin, waayo isagu wuxuu noloshiisa badankeeda hawl weyn ka hayn jiray nolosha guriga boqorka. Wuxuu taariikhyahan u ahaa boqorro badan. Maadaama uu ahaa nin hibo u leh wax qorista, ayaa habkii uu wax u qori jiray muujinaysaa soo jiidasho iyo dhaqan wanaag. Luuqaddiisu waxay ahayd sida gabay ama aftahannimo. Isagoo aad u jeclaa uunka oo ahaa mid si aad ah ugu kuurgala dabeecadaha banii-aadanka ayuu wuxuu awooday inuu wax u qoro si dadka caadiga ahi u fahmi karaan. Welibana, maadaama uu ahaa siyaasi aad wax u bartay, wuxuu awooday in uu wax u qoray hab soo jiitay dareenka taariikhyahannada iyo aqoonyahannada. Wuxuu ku wacdiyey oo qoray Erayada Eebbe muddo ku dhow lixdan sannadood oo wuxuu arkay qaar badan oo wixii uu sii sheegay ah oo dhacay intii uu noolaa.

Waxaynu barannay in Ilaah la hadlo kuwa uu isagu doortay markii baahi weyni jirto oo uu isticmaalo iyaga si ay u taabtaan nolosha kuwo badan. Waxaynu aqoonsanay in Ilaah ka kor hadlo nebiyadiisa markii dadkiisu ay la soo gudboonaadaan khatarro baaba' keenaya oo ay dhaliyaan dembiga iyo sanam-caabudku. Xaaladahan oo kale ayaa jiray wakhtigii Ishacyaah. Dadku waxay dagaal kula jireen cadowyo khatar ah. Waxaa taas soo raaca, in kuwo badan ay Eebbe addeeci waayeen oo xitaa ay caabudayeen sanamyo. Waxay ahaayeen kuwo aan ka fekerin dadka kale oo si xaqdarro ah ula macaammilooda.

Ta ugu darani waxay ahayd inay diideen inay arkaan dembigooda iyo baahidooda. Waxayse weli bixinayeen qurbaanno waaqdhaac ah oo waxay dhowrayeen xeer-diimeedyada oo ku soomayeen magaca diinta. Way kibir badnaayeen oo waxay u dhaqmi jireen sida in Eebbe siiyey xuquuq gaar ah. Ishacyaah wuxuu arkay arrintaas, wuxuuna la hadlay dadkii isagoo leh: "Dhulkow maqal!"

Dabadeedna Ilaah baa isaga tusay muuqaal la yaab leh, isagoo taas ka faalloonayana wuxuu yiri sida ku qoran Kitaabka Ishacyaah, cutubka 6, aayadda 1 ila 3 oo leh:

"Waxaan arkay Rabbiga oo ku fadhiya carshi sare oo dheer. Oo meel isaga ka sarraysayna waxaa taagnaa seraafiim, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa lix baal, laba wejigiisuu ku deday, labana cagihiisuu ku deday, labana wuu ku duulay. Oo midba wuxuu u qaylinayay midka kale, oo waxay lahaayeen, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda ammaantiisa."

Ishacyaah aad buu u fajacay oo yaabay. Dabadeedna aasaaskii guriga ayaa gariiray oo qolkii waxaa ka buuxsamay qiic. Ishacyaah wuxuu garanayey inuu hor joogo Kan Quduuska ah. Markaasuu baqay oo ku qayliyey sida ku qoran Kitaabka Ishacyaah 6:5 oo leh:

"Anaa hoogay! Waayo waan lumay, maxaa yeelay waxaan ahay nin aan bushimihiisu daahirsanayn, oo weliba waxaan dhex degganahay dad aan bushimahooda daahirsanayn, waayo, indhahaygu waxay arkeen Boqorka ah Rabbiga ciidammada."

Dabadeedna malaa'igtii oo la yiraahdo seraafiimtii midkood baa u duulay meesha allabbariga, halkaasoo dab uu ka qiiqayay. Isagoo wata birqaab, buu seraafkii dhuxul dab ah ka soo qaadday meesha allabbariga oo wuxuu taabsiisey bushimihii Ishacyaah.

Markaasaa seraafkii ku yiri isaga, "Bal eeg, tanu waxay taabatay bushimahaaga, oo xumaantaadii waa lagaa qaaday, oo dembigaagiina waa lagaa kafaaragguday."

Markaasaa codkii Rabbigu wuxuu yiri: "Yaan diraa? Yaase noo tegaya?

Ishacyaah baa jawaabay oo yiri: "Waa i kane aniga i dir."

Ilaah baa dabadeedna yiri: "Tag, oo dadkan u sheeg farriintayda. U tag oo uga dig iyaga ciqaabta ku imanaysaa jidadkooda sharka leh aawadeed. Laakiin waxaad kaloo u sheegtaa iyaga, in Eebbe la jiro, oo uu u soo dirayo furasho kuwa dhegahooda fura si ay u dhegaystaan oo indhahoodana u fura inay runta arkaan. Wuxuu soo diri doonaa bixiye magaciisa la yiraahdo CIMMAANUU'EEL, taasoo macnaheedu yahay, "Ilaah baa inala jira."