Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 5

WEHELNIMADA ILAAH LALA YEESHAA WAXAY KEENTAA FARXAD

Farriinta Ilaah ee cafiska waxay Daa'uud ugu timid si cad, oo waxay ahayd sidatan: "Ilaah baa dembigaagii qaaday. Dhimanna maysid." Daa'uud aad buu u farxay oo Ilaah buu uga xamdinaqay naxariistiisa iyo raxmaddiisa. Wuxuu yiri sida ku qoran Sabuurka 56:12-13 oo leh:

"Oo waxaan kuu bixinayaa qurbaanno mahadnaqid ah.
Waayo naftaydaad ka samato bixisay dhimasho,"

Laakiin tani ma ahayn dhammaadka waaya-aragnimadii Daa'uud. Xaqiiqda ah in Ilaah naxariis badan yahay oo wax cafiyo kama dhigna in dembiga aan la ciqaabi doonin. Dembiga mar kasta waa in ciqaab dusha laga saaraa. Ilmihii u dhashay boqor Daa'uud markii uu sidan khaldan ugu tegay Batshebac, baa dhintay. Daa'uud wuu ka tiiraanyooday ammuurta oo aad buu uga calool-xumaaday. Welibana, wuxuu fahmay jidadka Rabbiga oo wuxuu si is-hoosaysiin leh u aqbalay ciqaabtii. Kaddibna Ilaah baa siiyey inan kale, kaasuna wuxuu ahaa Sulaymaan, oo noqday mid ka mid ah kuwii ugu xigmadda badnaa taariikhda oo dhan. Markaana Ilaah isagoo inagala dhex hadlaya waxyaabihii la soo gudboonaaday Daa'uud noloshiisa ayuu maanta ina tusayaa sida dembigu u xun yahay, sida ciqaabtu u imanayso mar kastoo la dembaabo, iyo sida naxariista Rabbigu u weyn tahay.

Daa'uud xiriirkii uu la lahaa Eebbe baa si buuxda loogu soo cusboonaysiiyey. Wuxuuna sii waday inuu qoro Sabuuradda aan wax la barbardhigi karaa jirin ee ina siisa qaar ka mid ah farriimaha ugu muhiimadda weyn ee Ilaah dadka u soo diray. Si kooban baynu haddaba inta ugu eegaynaa mid ka mid ah farriimahaasi ahmiyadda weyn leh. Waa farriinta inoo sheegaysaa waxa ay tahay tukashadu iyo sida ay u qiimo badan tahay. Waxayna inoo sheegaysaa in wehelnimo lala yeesho Ilaah ay farxad u keenayso niyaddeenna. Waxay kaloo inoo sheegaysaa in Ilaah ina doonayo, inaan u baahan nahay isaga, iyo in ay jirto rajo weyn oo ay helayaan kuwa isaga u yeerta. Waxaa hadda iyo mustaqbalkaba jiraa rajo ay leeyihiin kuwa doonaya inay Eebbe ugu adeegaan sida doonistiisu tahay.

Qoraalladii Daa'uud baa inoo muujinaya in niyadda dadku ay xaqiiqo ahaan niyadda Ilaah xiriir la yeelan karto iyadoo la isticmaalayo tukasho. Ilaah wuxuu jecel yahay inuu la hadlo dadkiisa, waxaa kaloo uu jecel yahay in dadku la hadlaan Isaga. Wehelnimada Ilaah iyo dadka waxay la mid tahay wehelnimada ka dhexaysa aabbe kalgacal leh iyo inankiisa. Waxay aabbaha iyo inankiisuba ku riyaaqaan inay wada-jiraan. Isla sida aabbe wanaagsan oo kale, ayaa Eebbe mar walba diyaar u yahay inuu ina maqlo. Wuxuu doonayaa inaynu isaga ula nimaadno dhibaatooyinkeenna iyo fikradaheenna. Ulajeeddadii uu inoo abuuray waxay ahayd inaan isaga wehelnimo la yeelanno innagoo ammaanayna oo jeclaanayna.

Baryadu waa sida u go'ista cibaadaysiga. Dadku waxay jecel yihiin inay Eebbe aad ugu soo dhowaadaan. Waxayna si qoto dheer ula socdaan ruux ahaan Abuurahooda. Daa'uud wuxuu marar badan ku muujiyey fikradahaas Sabuurraddiisa. Wuxuuna, tusaale ahaan, Sabuurka 42:1-2 ku yiri:

"Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo
Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.
Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool.
Goormaan u tegi doonnaa Oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?"

Daa'uud wuxuu lahaa hubaashan ah in Ilaah u soo jawaabi doono isaga iyo kuwa rumaysadka leh oo dhan. Isagoo kuwa Ilaah aammina ka hadlaya wuxuu ku yiri Sabuurka 36:8-9:

"Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga,
Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.
Waayo, isha nolosha aday kula jirtaa,
Oo iftiinkaagaynu iftiin ku aragnaa."

Sabuuradda waxay innagu dhiirrigelisaa inaynu Eebbe ka tuugno waxyaabaha aynu shakhsi ahaan ugu baahan nahay, sidii Daa'uudba u yeelay, markuu cafiska iyo xiriirka Ilaah raadinayey. Oo wuxuu ku yiri Sabuurka 62:8 sidatan:

"Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba,
Oo qalbigiinna waxba ha kula harina Ilaah hortiisaa,
Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah."

Baryadu waa muujin tusaysa in dhab ahaan Ilaah loogu tiirsanaado. Mase aha un qaab sharci ah oo la raaco ama wax wakhti u go'aan oo keliya leh. Waase ficil dhab ah oo muujinaya inaynu u baahan nahay Ilaah oo isagana ku kalsoon nahay inuu inagu hoggaamin doono runta iyo farxadda. Waa hayaan inagu hoggaamiya isha nolosha.

Waayo Daa'uud Sabuurka 16:11 wuxuu ku yiri:

"Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha.
Hortaada farxad baa ka buuxda,
Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed."

Laga yaabo in adigu xitaa aad diyaar u tahay inaad qirato inaad Eebbe ku dembaabtay. Waayo waxaad garanaysaa in ayan ciddina ka baxsan karin ilaalaynta Ilaah, oo aad la galgalanayso eeddaada xagga qalbiga iyo kaar ku haya. Waxaad gudcurka raadinaysaa nabad laakiinse ma heshid. Waxaad raacdaa ama u hoggaansantaa sharci-diimeedyada oo dhan, laakiin weli nasiinno ma heshid. Halgan baad u gashaa inaad seexato adigoo indhahaaga ilmo qarisay dembi dartii. Waad calool-xun tahay, oo Ilaahna adiga dartaa aad ugu calool-xumaaday.

Ma aha inaad silicdo. Waxaad ogaan kartaa in Ilaah yahay Aabbahaaga jannada ku jira. Jacayl aawadii, wuxuu doonayaa inuu ku saamaxo oo uu niyaddaadana ka buuxiyo farxad. U qiro dembiyadii aad gashay isaga, oo weyddiiso cafis. Waxaad kaloo rumaysaa in Ilaah ku cafiyi doono oo caddaalad ahaanna uu wax ugu bixiyo dembigii si waafaqsan habkiisa. Eebbe u mahadceli, oo waxaad sii waddaa inaad ku kalsoonaato inuu kugu sii hanuuniyo run qoto dheer. Wuxuu kuu soo shaac-bixin doonaa qarsoodiga wacan ee muujinta jacaylkiisa ee uu banii-aadanka u hayo.

Imminka, hab adiga kuu gooni ah, erayadan Sabuurrada 69:1-3, 25:17-18, 18:6, 16:11, iyo 103:1,3-4 ku qoran tukasho ahaan u isticmaal oo bari Ilaaha miciinkaaga ah, oo naxariista badan, ee ah Rabbiga caalamka, adigoo leh:

"Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.
Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer
Oo aan lahayn meel laysku taago,
Waxaan ku dhacay biyo mool dheer,
Oo daad baa halkaas igu qarqinaya.

Waxaan ku daalay qayladaydii,
Oo hungurigaygu waa qallalay,
Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yiraahdaan."

"Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaarteen,
Ciriirigayga iga bixi.
Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga,
Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi."
"Anigoo ciriiri ku jira ayaan Rabbiga baryay
Oo waxaan u qayshaday Ilaahay,
Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay,
Oo qayladayda hortiisa ka yeereysaana dhegihiisay gashay."

"Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha,
Hortaada farxad baa ka buuxda,
Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed."

"Naftaydoy, Rabbiga ammaan,
Oo inta igu jirta oo dhammay,
Ammaana magiciisa quduuska ah.
Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan,
Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,
Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda,
Oo raxmad iyo naxariis kugu barakadeeya."