Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 4

ILAAH OO LOO TOOBADKEENO WAXAY KEENTAA HESHIIS

Qofku wuxuu dareemaa farax-la'aan iyo cabsi markii Ilaah laga fogeeyo. Dabcan xitaa Ilaah aad buu u calool-xumaadaa. Xusuuso, isagu wuxuu dadka u abuuray inay saaxiib ahaadaan. Waxaad xusuusataa sidii Eebbe u caroodey uuna u murugooday wakhtigii Nuux markii uu fiiriyey xaaladaha dembiga ee dunida. Dembigii Daa'uud, xitaa, Ilaah wuu ka caraysiiyey. Ilaah wuu jeclaa Daa'uud, oo innaba ma deyrin doonin. Ma ahayn ulajeeddada Eebbe inuu dadka dembi un u ciqaabo. Qorshihiisu wuxuu ahaa inuu dembiyadoodii ka nadiifiyo si Ilaah iyo dadkuba, iyagoo wadajira, iskula socdaan; si uu u kaamilo ulajeeddadiisii uu abuurista ka lahaa.

Sababtaas aawadeed Ilaah ciqaab xagga jirka ah dusha kama saarin Daa'uud. Habase yeeshee niyaddiisuu ula hadlay hab isaga u keenaya toobadkeen run ah. Wuxuu ka yeelay in Daa'uud maqlo sheeko isaga xusuusinaysa dembiga soo galay noloshiisa.

Sheekadu waxay ku saabsanayd nin taajir ahaa, oo lahaa lo' iyo ido badan, iyo nin miskiin ahaa oo isna aan haysan waxba, balse lahaa nayl yar. Ninkaasi miskiinka ahaa wuxuu aad u jeclaa nayshiisii oo wuxuu iyadii ku barbaariyey gurigiisa sida cunug uu dhalay oo kale.

Maalin baa nin socota ahi u yimid ninkii maalqabeenka ahaa. Sida caadiga ah waxay ahayd waajib saaran ninkan maalqabeenka ah inuu ninkaas martidiisa ah u diyaariyo cunno. Laakiin ma uusan doonayn inuu mid idihiisa ka mid ah u loogo. Intii uu sidaas samayn lahaa, sabeentii ninkii miskiinka ah lahaa ayuu u loogay si ninkii martida ahaa loogu maamuuso.

Markii sheekadii loo sheegay buu Daa'uud yiri: "War maxay arrintan kula tahay! Waa ammuur aad u xun. Ninkii sidan sameeyey wuxuu istaahilaa dhimasho! Waxaana khasab ah in ninkaasu ku gudo naysha afar laab waxaas uu sameeyey aawadeed waayo wuu naxariisan waayey."

Dabadeed Eraygii Eebbe baa Daa'uud u yimid, oo wuxuu ku yiri: "Ninkaasu waa adiga! Waxaan kuu subkay boqor oo waxaan kaa soo samatabbixiyey cadowgaagii. Waxaadna heli kartay naago intaad doonto. Laakiin Uuriyaah ayaad ku dishay seef markaad dagaal u dirtay oo waxaad naagtiisii u soo wadatay inaad adigu qaadato."

Daa'uud ayaa isagoo is-hoosaysiinaya oo qalbi-jabsan qirtay dembigiisii oo yiri: "Waan dembaabay, Oo Ilaah baan dembi ka galay."

Bacdamaa uu ahaa boqor weyn, boqor Daa'uud wuxuu ku doodi karay in wax walba ee boqortooyadiisa hoos yimaada uu isaga xuquuq u leeyahay, kuwaasoo ay ku jirto haweenaydii quruxda badanayd ee Batshebac. Laakiin Daa'uud wuxuu qalbigiisa ka ogaa in Ilaah uu yahay Boqorka weyn, oo wax walbana uu isagu leeyahay.

Daa'uud wuxuu aqoonsaday inaanu ku dembaabin qof isaga ka saboolsan oo ka tabar yar oo keliya, laakiin dembigiisa ugu weyn uu Rabbigiisa ka galay. Mar dambena iskuma deyin inuu iska dhigo sidii mid aan dembi gelin. Wuxuuna garanayey xaaladda dembiga leh ee niyaddiisa. Wuxuu si buuxda ku aqbalay xilkii isaga saarnaa. Wuxuuna aqoonsaday inuu istaahilo dhimasho, isla sidii uu isaguba qiray in ninkii maalqabeenka ah ee naysha miskiinka ku maamuusay martidiisa, ugu qalmay dhimashada. Seefta niyaddiisa ku jirta ayaa tummaatisay ruuxiisa habeen iyo maalinba. Markaasuu xanuun la ooyey isagoo leh, "Waan dembaabay, oo waxaan u qalmaa dhimasho."

Boqor Daa'uud wuxuu garanayey inayan jirin wax uu awooddiisa ku samayn karay si uu isaga daahiriyo dembiga noloshiisa. Markii uu ka fekeray kala fogaanta Eebbe ee saamaysay noloshiisa, aad bay ula naxdin badnaatay isaga. Markaasuu, isagoo si buuxda dembigiisa u qiranaya, yiri sida ku qoran Sabuurka 51:2-3,10 oo leh:

"Xumaantayda iga wada mayr, oo iga nadiifi dembigayga. Waayo, anigu waan og ahay xadgudubyadayda,
Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah,
Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman."

Sidanuu Ilaah u weyddiistay inuu dembiyadiisa cafiyo.

Daa'uud wuxuu ka fekeray inuu Ilaah u bixiyo waaqdhaaco qurbaan ah oo guban. Waxaanay ahayd caadadiisa inuu bixiyo waaqdhaaco sidii lagu tusmeeyey Tawreeddii nebi Muuse. Haddaba, wuxuu garanayey in bixinta waaqdhaaca ayan tilmaamayn wanaagga dadka marka la samaynayo waajibaadka diiniga ah. Waaqdhaacu ma tilmaamayo wanaagga dadka, laakiin wuxuu tilmaamayaa naxariista Ilaah. Waxaan markaasi ka arkaynaa fikradii Daa'uud wax kale oo khuseeya ammuur kale oo yaab badan, sidaynu horreeyba u soo sheegnay. Waaqdhaaca caadiga ah wuxuu ahaa sawir qurxoon oo ah in Mid u iman doono inuu dadka la noolaado si uu muujiyo naxariista qotada dheer ee Ilaah u hayo dadka. Waxaynu ku baran doonnaa waxyaalo kale oo ku saabsan arrintan cashar kale.

Laakiin imminka aynu maqalno sidii boqor Daa'uud u muujiyey fikradii qalbigiisa, markii uu lahaa sida ku qoran Sabuurka 51:16-17 oo leh:

"Waayo, adigu kuma faraxdid allabbari,
Haddii kalese waan bixin lahaa,
Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.
Allabbaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa,
Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan
Oo qoomammaysan."

Daa'uud marnaba kama uusan hakan inuu si toos ah Rabbiga ula hadlo. Wuxuuna yiri sida ku qoran Sabuurka 51:6, 11-12 oo leh:

"Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run,
Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
Hortaada ha iga xoorin,
Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
Farxaddii badbaadintaada ii soo celi,
Oo ruux raalli ah igu tiiri."

Erayadan oo dhan waxay ka yimaadeen ama laga soo xigtay Sabuuradda Daa'uud, taasoo xaqiiqo ahaan ahayd baryootan Eebbe. Daa'uud wuxuu u hadlay si daacadnimo ah oo sokeeyannimo oo wuxuu lahaa kartida, markaasoo Ilaah u muujinayey, inuu fikradihiisa ku qoro erayo caddaan ah. Waxaynu fahmi karnaa Sabuurraddan oo waxaynu u isticmaali karnaa nolosheenna. Marka aynu baranno Sabuurraddaas waxaynu ka helaynaa qaynuunno badan oo ku saabsan xiriirka aynu Ilaah la leenahay.

Waxaan si cad uga arki karnaa erayadan Daa'uud inuu dareemey ka fogaanta Ilaah inay keentay natiijada dembigiisa. Qaynuunka ugu horreeya ee aynu ka baranayno waaya-aragnimadan waxaa weeye markii uu dareemay ka fogaantaas aad bay u welwelisay isaga. Aad buuna u doonay inuu Ilaah u dhowaado. Dabadeedna, wuxuu qirtay dembigiisa wuxuuna aqbalay inuu mas�uul ka yahay wixii dhacay. Wuu toobadkeenay, waxaa taas loola jeedaa, inuu si rasmi ah u dareemay eedda dembigiisa, oo uu Ilaah u sheegay sida uu uga xun yahay dembigaas. Dadka qaar baa si caadi ah u yiraahdaa, "waan ka xumahay", taasoo aan macna u samaynayn iyaga. Laakiin Daa'uud niyadduu ka taahayey markii uu lahaa, "Waayo, anigu waan og ahay xadgudubyadayda, Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba."

Markii xigayna Daa'uud wuxuu aqoonsaday inaanu is daahirin karin. Ma ayan jirin ajar ama camallo wanaagsan oo isaga daahirin karay. Mana jirin camallo khaas ah oo diintu dhigayso kuwaasoo Eebbe hortiis daahir ugu dhigi karay isaga.

Ugu dambayntii, naxariista Ilaah ayuu iskaga kalsoonaaday oo wuxuu weyddiistay cafis. Wuxuu rumaysnaa inuu sidaas oo keliya ku heli karay la jiritaanka Ilaah iyo xaqiijinta ama hubaasha badbaadada. Wuxuu si rumaysi leh u yiri erayadan ku qoran Sabuurka 51:1 ee baryada ah:

"Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida
naxariistaada badnaanteedu tahay."

Waaya-aragnimadii boqor Daa'uud si weyn bay muhiim inoogu yihiin waayo ma haysano oo keliya xaqiiqooyinka dhacdooyinka, kuwaasoo aynu garanayno inay run yihiin taariikh ahaan, laakiin Daa'uud wuxuu inooga tegay fasiraadahiisii ku saabsanaa xaqiiqooyinkan. Wuxuuna inala wadaagay dareenkii qalbigiisa ee ku saabsanaa ammuurahaas. Markaa ma aha inaynu saadaalinno ama yaabno. Waxaynu garanaynaa sida uu dembiyadiisii iyo ka fogaanta Ilaah ka dareemay. Waxaynu garanaynaa macnaha eedda, mas�uuliyadda dembiga, qirashada, toobadkeenka iyo cafiska naxariista leh ee Eebbe. Waynu garanaynaa taas waayo Ilaah baa inoo dhowray Sabuuraddan wacan ee Daa'uud qoray.

Kuwan soo socda waa erayadii Daa'uud ku qoray Sabuurka 51:1-2,10-12 kaddib waaya-aragnimadii uu ka helay dhacdadii Uuriyaah. Akhri oo ka fikir macnahooda. Kor ka baro erayadaas, oo waxaad u isticmaali kartaa baryo ahaan, markaad Ilaah u tukanayso. Erayadaasuna waa kuwan:

"Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir
Sida naxariistaada badnaanteedu tahay,
Xumaantayda iga wada mayr, oo iga nadiifi dembigayga.

Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah,
Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
Hortaada ha iga xoorin,
Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
Farxaddii badbaadintaada ii soo celi,
Oo ruux raalli ah igu tiiri."